Home » Warar »

Warbixin: Booqashadii Sh. Maxamed Idiris ee Jaaliyadda Soomaaliyeed Suudaan, Muxaadarona u jeediyey

Waxaa habeen nimadii arbacada ee taariikhdu ahayd 20/10/2010 dalka Sudan booqasho gaaban ku soo gaaray fadiilatu Sh.MAXMED IDIRIS AXMED, sheekha oo sudan ay ku marti qaaday kuna soo dhawaysay Raabidada Ardada Soomaaliyeed ee Caalamiga ah ayaa wuxuu durbaba bilaabay nashaadaad dacwi ah oo lagu tawjiihinayo jaaliyadda soomaaliyeed, sheekha ayaa habeen nimadii Sabtida 22/10/2010 muxaadaro wayn oo siwayn loogu riyaaqay kasoo jeedshay hoolka shirarka ee jaamacadda ifriiqiya, muxaadarada oo si wayn loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qayb galay dad aad u fara badan oo boqolaal gaaraya isuguna jira rag iyo dumarba, kasoo qayb galayaasha oo aad ufara badnaa ayaa waxaa kadhex muuqanayay dhamaan qaybaha kala duwan ee jaaliyadda suudan sida ardada, ducaada, odayaasha, ganacsatada, iyo madaxda rawaabida ardayda.

Muxaadarada oo cinwaan looga dhigay (Aragtida Islaamiga ah ee Qadiyada Soomaaliyeed) ayaa sheekhu wuxuu kulafa guray qodobo badan oo tabanaya xaalada soomaaliya, sheekha ayaa ugu horayn wuxuu tibaaxay ahmiyadda nidaamka iyo kaldanbayntu leedahay, asagoo ka eegay dhinac sharci ah iyo dhinac caqli ahba, wuxuuna tilmaamay in nidaamka iyo dawladnimadu daruuri utahay nolasha binu aadamka, wax walba oo daruuri u ah nolasha aadanahana ay diintu doonayso kana shaqaynayso, sidoo kale ayuu sheekhu tilmaamay caqli ahaan in binu aadamku uu yahay ijtimaaci amaba bulshaawi oo nafta insaanku dabcigeedu yahay inay bulsha ku dhex noolaato, bulshaduna ubaahantahay waxkala nidaamiya ookala wajihiya.

sheekha ayaa mushkilada baahday ee soomaaliya sabab uga dhigay sadex qodob oo muhiima oo kala ah :
1.dulmiga noocyadiisa kala duwan ee soomaalida kadhex dhacay 2.khilaafka iyo kalataga iyo wax isla ogolaansho la aanta
3.qabaliyada kusalaysan casabiyada iyo anaaniyada (qolo walba ama qof walba sigaara ay wax isula rabto).
sheekha ayaa wuxuu tibaaxay in mushkilada soomaaliya badideed ay tahay mushkilad daakhili ah soomaaliduna haday is gacan qabsanlahayd xalna wada gaari lahayd uusan cadaw dibadda ah wax u dhimeen. gabagabdii sheekha ayaa wuxuu kutilmaamay dhibaatada soomaaliya kataagan mid aan sharcigu ogolayn, loona baahan yahay inay soomaalidu isku tashato, sheekha ayaa kasoo qayb galayaasha udardaarmay inay ilaah kabqaan oo gacmaha is qabsadaan kana fakaraan siday dalkoodii wax ugu qaban lahaayeen, asagoo sigaara ugula dardaarmay ardada inay aqoontooda kudadaalaan kana mira dhaliyaan kadibna dalkooda ugu adeegaan.

kadib muxaadrada sheekha ayaa fursad waxaa lasiiyay kasoo qaybgalayaasha bal inay afkaartooda dhiibtaan wixii su aala ahna sheekha waydiiyaan, kasoo qaybgalayaasha ayaa cabiray sida ay ugu mabsuudeen muxaadarada iyo waliba sheekha booqashadiisa.

isku soo wada duuduuboo muxaadarda ayaa waxay kudhamaatay jawi dagan oo farxadi ku dheehantay.
Sheekha ayaa casarkii Sabtida Muxaadarada Hoolka yar ee Jaamacadda Afriiqiya oo ardada Soomaalidu ugu badantahay Gabdhaha Ardada Soomaaliyeed Muxaadaro u gaara ugu qabtay kagana hadlay Masuuliyadda Gabadha Muslimadda ah, Xuquuqdeeda iyo Waxyaabaha ka reebban.

Isla Habeenimadaas ayuu sheekhu la Kulmay Indheed garadka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Suudaan oo isugu Jira, Madaxda Ururada Ardayda, Xarakaadka, Macalimiinta Jaamacadaha, Ganacsatada iyo Xubna ka mida ardayda, Halkaasoo ay Sheekha iyo Xulka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Suudaan ay ku wada falan qayeen horumarinta, isku xidhnaanta iyo wadashaqaynta Jaaliyadda Soomaaliyeed, Halkaasoo Shekhu Kelmada dhaadheer uga Jeedshey kasoo qayb galayaasha shirka kuna dhiiri geliyey wax wada qabsiga, midnimada, iyo horumarinta danohooda aakhiro iyo adduu, Isla mar ahaantaasna wuxuu sheekhu ka sheekeeyey Jaaliyadaha Soomaaliyeed eek ala duwan yurub iyo Maraykan iyo Afrika, iyo wax yaabaha ay ku guulaysteen iyo meelaha loo baahan yahay in layska jiro, khibradaha ay tahay in laga faaiidaysto, waaya aragnimada ummadaha iyo adduunka lala noolyahay oo wixii wanaagsan laga faaiidaysto, layskuna xidhnaado. Isagoo sheekhu sheegay Bulshada Soomaaliyeed sifooyin badan oo wanaagsan iney leedahay oo keeni kara horumar weyn iney gaaraan xag diin iyo xag adduunyo, isla mar ahaantaasna ay leeyin, sida bani aadamka, sifooyin kale oo aan fiicnayn oo bur burin kara wixii wanaag ay samaysteen, xikmaduna tahay in kuwa wanaagsanna la xoojiyo, kuwa aan fiicnayna layska daaweeyo, iyadoo sabir iyto Alla ka cabsi la kaalmaysanayo.
Shirkaas oo ku dhamaaday jawi aad u wanaagsan oo qiira leh, iyo niyad fiican iyo yididiilo ka muuqatey aqoon yahanada goobta joogey sidey u adkayn lahaayeen wada shaqaynta iyo horumarinta arrimaha jaaliyadda.

Wuxuu kaloo sheekho qabtay dawrooyin koo kooban oo cilmiya oo dhawrkan maalmoodba dhacayey gelin hor iyo gelin dambeba, iyo kulamo goos goos ah oo uu la yeeshay qaybaha kala duwan ee Jaaliyadda, iyadoo la filayo in Booqashadiisa ay soo gaba gabowdo Maalin nimada axadda kadibna habeenimadaas uu ka dhoofo dalka Suudaan.
Jaaliyadda Soomaaliyeed gaar ahaanna ardayda Jaamacadaha ee sheekhu la kulmay ayaa xiisa wen u muujiyey Booqashada sheekha iyo Muxaadaraadkiisa, kana codsanayey in Booqashadu intaa ka dheeraato ama uu marar kale kusoo noq noqdo, taasoo sheekhu Ilaahay ka baryey inuu marar kale u suurta geliyo.
Wixii faah faahina kala soo xiriir
c/laahi cali ugaas
Gudoomiyaha Raabidada Caalamiga Ardayda Soomaaliyeed – Suudaan
ibnucabbaas2005@hotmail.com
00249922753529

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 2010

Qoraalka oo sawiro wata hoos ka eeg

Sheikh Maxamed Idris Iyo Jaaliyada Suudaan

Halkan ka daawo sawirro dheeraad ah…

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.