Hay’ada COGWO ee Fadhigeedu yahay Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxay Muqdisho ka dhoofiyeen Bukaano u badnaa Caruur kuwaasoo xanuuno kala duwan qabay islamarkaana dalka wax looga qaban waayay.-
Ilaa 7 Caruur ah iyo waalidiintooda ayay Hay’ada COGWO Maanta ka dhoofisay gaoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho iyadoo loo qaaday isbitaalo ku yaal Magaalada Nayroobi ee Dalka Kenya.
Waxaa xusid mudan in Bukaanadaasi ay toos uga degi doonaan Magaalada Kambaala madaama dalka Kenya kadibna baabuur ayaa looga qaadi doonaa taasoo ka dambeysay markii la waayay fiisaha Dalka Kenya markii maalmo ka hor ay dowladaasi culeys saartay.
Mid ka mid ah Caruurta ayaa afka ka xirnaa isagoo qaadan waayay wax raashin ama cabitaan ah waxaana isku soo dhawaaday labada faruuryood afkuna wuxuu u muuqday mid qalooca. Waxaa kaloo ka mid ahaa Caruurtaas la qaadey kuwo Madax Biyo ka galeen,kuwa ku dhashey iyaga oo aan lahayn meel ay ka saxaroodaan iyo kuwo Burooyin ku yaaley
Qaar ka mid ah Warbaahinta ayaa la tusay caruurta iyo waalidoontooda iyadoo waalidiinta qaar sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin waxqabadka Hay’ada COGWO ay ka heleen madaama aysan haysan dhaqaale ay caruurtooda ku daweeyaan.
Howlwadeeno ka tirsan Hay’ada COGWO oo ay ka mid ahaayeen Ruqiyo Cali Cabdule iyo Xaawa-Kiin Maxamuud Cali ayaa mar ay Wariyayaasha la hadlayeen waxay sheegeen in Hay’adu ku guuleysatay inay 7-daasi Caruur iyo Waalidoontooda u heleen isbitaal Kenya ku yaal madaama dalka wax looga qaban waayay.
Waxaa kale ay sheegeen inay horey sidaas oo kale dad badan oo qabay cuduro dalka wax looga qaban waayay u qaadeen dalka dibadiisa islamarkaana ay inta karaankooda howshaasi bulshada u sii wadi doonaan.
Ha’adaani COGWO oo Urur inta badan wax u qabta Haweenka iyo Caruurta waxaana lagu xasuustaa Caawinta dadka taagta daran ee Soomaalyeed kuwaasoo qoysaskoodu awoodin inay dalka gudihiisa wax uga qabtaan iyadoo Waalidiiinta Caruurtooda loo qaadey ay u mahadceliyeen Hayadda COGWO iyo intii gacan ka geysatey in Caruurtooda lagu soo daaweeyo Dalka Dibadiisa
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.