Home » Warar »

Faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxeysa dhaawaca halis ah oo loo gaystay weriye Xasan Matoore

Habeenkii Arbacada ayaa Degamada Afgooye ee Gobalka Sh/hoose kooxo ku hubeysan Bistoolado ayaa meel ku dhow gurigiisa waxa ay rasaas la beegsadeen weriye madaxbanaan oo lagu magacaabo Xasan Max’ed Abiikar (Xasan Matoore), waxaana la sheeg ay in weriyaha looga tagay mayd ahaan kadib markii ay ku dhaceen ilaa iyo afar xabadood.

Dhaawaca Xasan Matoore ayaa la sheegay in uu ahaa mid halis ah waxaana loola cararay isbitaalka Dayniile ee duleedka Magaalada Muqdisho oo haatan lagu dabiibayo ilaa iyo haddana lama garanayo sababaha loo beegsaday weriyahaasi oo maalmihii ugu dambeeyey ku shaqeynayay si madaxbanaan, waxa uuna horey ugu soo shaqeeyey dhowr idaacadood oo ku yaala magaalada Muqdisho oo ay ugu dambeysay Idaacadda Somaliweyn.

Qoyskiisa oo degan degmada Afgooye ayaa walaac ka muujiyey dhaawaca halista ah ee loo gaystay Xasan Matoore waxayna sheegeen inay la yaab ku noqotay in dhaawac noocaas ah loo gaysto wiilkooda, iyadoo waqtiyadan dambe weriyaashu ay noqdeen bartilmaameed isla markaana loo gaysto dil, Dhaawac iyo Barakicin iyadoo sanadkii 1-dii Janaayo 2009-kii degmada Afgooye dil loogu gaystay Weriye Xasan Mayow Xasan oo u shaqeynayey Idaacadda Shabeele, waxaana cambeereeyey dilalka loo gaysto Weriyaasha qaybaha kala duwan ee bulshada.

Deegaanka xalay lagu weeraray weriyahaasi ayaa waxaa maamula Ururka Xisbul Islaam, waxayna mas’uuliyiinta ururkaasi sheegeen in ay ku raad joogaan ciddii ka dambeysay dhaawaca loo gaystay weriye Xasan Matoore oo in mudo ah ku soo jiray Bahadda Saxaafadda saldhigiisuna ahaa Degmada Afgooye

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.