Home » Warar »

Ra’isal wasaaraha DFKMG oo kulan la qaatay Wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo ay hogaaminaysay haweenayda kaaliyaha u ah xoghayaha guud ee qaramada midoobay ee dhinaca Caruurta la Askareeyo.

Muqdisho: Ra’isal wasaaraha Soomaaliya ee uu dhawaan ansixiyay Baarlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta kula kulmay magaalada Muqdisho Wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo ka koobnaa 7 Xubnood, islamarkaana ay hogaaminaysay Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Caruurta lagu Askareeyo goobaha ay dagaalada ka jiraan Haweenayda lagu magacaabo Miss Ridhika Coomaraswamy.

Ra’iisal Wasaare Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo wefdiga ayaa wadahadalkii ay yeesheen waxaa ay isla soo qaadeen sidii caruurta loo daryeeli lahaa loogana illaalin lahaa in loo adeegsado dagaalada ka soconaya dalka.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa wafdiga uu la kulmay u sheegay in dowladdiisu ay xormeyneyso, islamarkaana ay dhowri doonto shuruucda Q/midoobay ee ku aadan xuquuqda caruurta, wuxuuna wadfdiga u sheegay in uu sameyn doono xafiis u gaar ah arrimaha xuquuqda aadanaha iyo caruurta, kaasoo si toos ah u hoos imaan doona Xafiiskiisa.

Mrs. Radhika ayaa ugu horeyn Ra’isal wasaaraha uga mahadcelisay soo dhoweynta diiran ee uu u sameeyay, waxayna sheegtay in aad ugu faraxsan tahay kulanka ay la yeetay iyo wadahadaladii xiisaha lahaa ee dhex maray.

Kulankaasi kadib, wuxuu Ra’iisal Wasaaruhu booqday xafiiska hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada ee garoonka Muqdisho halkaasoo uu kula kulmay Maareeyaha Guud ee hay’adda Duulista iyo Saadaasha hawada Duuliye sare Maxamuud Sh. Cali (Dable Baylot) wuxuuna halkaas warbixin kooban kaga dhagaystay maareeyaha uu la kulmay.

Kulamadaasi waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha guud ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha mudane Suudi Saciid Suudi, Agaasimaha warfaafinta ee xafiiska Ra’isal wasaaraha mudane Cabdi Xaaji Goobdoon iyo Saraakiil ka tirsan Xafiiska ra’isal wasaaraha Soomaaliya.

Isha: Ministry of Information

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.