Home » Warar »

Hay’adda CDHR oo Ururada Bulshada u qabatay Siminaar ku saabsan Nabadda

Waxaa Hotelka Saxafi labo ee Magaalada Muqdisho lagu soo gebagabeeyey siminaar ku saabsanaa habka loo dhaliyo loona maareeyo Nabadda, waxaana siminaarkaan soo qabanqaabiyey Haya’adda Center for Democracy and Human Right oo marka la soo gaabiyo loo yaqaano CDHR, waxaana ka qaybgalay siminaarkaasi ilaa iyo 30 xubnood oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Siminaarkaan ayaa casharadii laga bixiyey waxay ku saabsanaayeen qorsheynta iyo Maareynta Mashaariicda Nabadda, waxayna Macallimiinta casharidaan bixineysay si aad ah u lafagureyn qaabka ugu wanaagsan ee loo maarareyn karo ama loo qorsheyn karo nabadda maadaama ummadda soomaaliyeed mudo 20 sano ay ku soo jireen qalalaase abuuray nabad daro.

C/llaahi Yuusuf Siyaasi oo ka mid ah Macallimiintii wax ka dhigeysay siminaarkaasi mudadii uu socday ayaa waxa uu sheegay in nabadda Soomaaliya lagu heli karo isku duubnaan isla markaana waxa uu sheegay in haweenka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo laf dhabar u noqon kara Qorshaha iyo Maareyna nabad ka dhalata gayiga Soomaaliyeed.

Basro Xuseen Daa’uud oo iyana ka socotay hay’adda Access Consultant Firm ayaa iyana ka mid ahayd Macalimiintii casharada ka bixineysay siminaarkaasi waxayna aad ugu dheeraatay sida loo heli karo nabad waarta, waxayna carabka ku adkeysay in nabad Soomaaliya ka dhalata ay ku imaan karto in loo guntado sidii loo heli lahaa da’yar firfircoon oo qorsheyn karta nabadda isla markaana bulshada ku toosin karta wadada nabadda, waxayna sheegtay in haddii casharada lagu bartay siminaarkaan loo hirgeliyo sidii loogu talagalay ay suuragelin karto in laga baxo nabad darada ka taagan dalka.

Xirsi Xaaji Culusow oo ka socday Hay’adda CDHR ayaa isna ku nuuxnuusaday in Hay’addan CDHR ay u taagan tahay sidii ay Bulshada qaybaheeda kala duwan meel isugu keeni lahayd isla markaana loo wada lafaguri lahaa sida ugu haboon ee lagu heli karo nabad waarta oo ka dhalata Soomaaliya, waxa uuna sheegay in siminaaradaan oo kale ay horey u qabteen isla markaana ay sii wadi doonaan qabashada siminaarada noocaan oo kale si loo helo bulsho Qorsheyn karta ama Maareyn karta Nabadda, waxaana ugu dambeyntii siminaarkaas soo gebagabeeyey Xaliimo Macallin Abiikar oo ka socotay Ururka Haweenka ee HANAD, waxayna u mahadcelisay Hay’adda CDHR oo ay ugu baaqday in la balaariyo siminaarada noocaan oo kale maadaama aan saddex maalmood looga bogan Karin casharada wax ku oolka ah ee ku saabsan dhinaca nabadda oo ay ummadda Soomaaliyeed baahi weyn u qabaan nabad ka dhalata wadankooda

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Hay’adda CDHR oo Ururada Bulshada u qabatay Siminaar ku saabsan Nabadda "

  1. Ina Xuseen says:

    Salaam

    Way fiican tahay dadku inay kaqayb galaan seminars & workshops si ay cilmi usoo kororsadaan, laakin hadana natiijo keeni mayso in laga dul samaysto mashaariic lagu cunayo malaayiin dollar, hooyooyin iyo haween masaakiin ah oo asaasiyaadkii noloshuba kamaqan tahay, isla markaana aanan waxba kaqaban karin rag qoryo isku haysta.

    Soomaliya iyadoo dhan ayaa isku badashay Qaran khayraadkiisa iyo dadkiisa lagu cuno projects.

    Salam
    Ina Xuseen