Home » Maqaallo »

Fashilka ganacsiyada yar-yare e soomaalida ( qeybta 2 aad )

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Qormadaan oo aan u kala qeybiyay labo qeybood ayaan qeybtaan labaad kaga sii hadli doona waxyaabaha sababa fashilka ku yimaado ganacsiyada yar – yare e soomalida , iyo talooyin  .

11- Hadafka oo aan cadeyn : Inta aan la bilaabin wax ganacsi ah ama urur oo aan dadka la isku keenin waa in uu jiraa hadaf cad oo la doonayo in la gaadho markaa ka dibna la abaabulaa ragii hiigsan lahaa yoolkaa isaga ah loona sharaxaa meesha bartilmaameedka ah . Marar badan waxaa dhacda inaad aragto hal urur oo xaanbarsan afkaaro aad u kala fog amaba aan isku ujeedo ahayn.Hadii taasi dhacdo waxaa soo degdega Ismaandaaf fara badan & inaan hawsha la wada qaban. Koox walibana ku hawl gasho sida ay iyada wax ula muuqdaan. amaba ay dhacdo inay iyagii is dabraan meeshii laga rabay inay horumar sameeyaan.

Waxaad suuraystaa hal gaadhi oo toban isteerin leh, isteerin kastana uu dareewal ku fadhiyo.Si hadaba taa looga badbaado waa in wakhti badan lagu bixiyaa in la sharxo hadafka ururka ama hay’ada, meesha loo socdo & waxa la rabo ee dadkan la isugu keenay.

12- Guuldarooyin isdaba Jooga: Marka laga hadlayo guusha macnaheedu ma’aha inaan ka hadlayno xaalad dagaal. Laakiin Dowladuha, Ururada iyo Hay’aduhu waxay leeyihiin yoolal ay hiigsanayaan oo ay doonayaan inay ku guulaystaan. Hadaba haduu soo noqnoqdo fashilku waxay keentaa niyad jab badan iyo in loo xiisi waayo in hawsha la sii wado. Waxay kalo sababtaa in laga yaaco ururkii ama hay’adii laguna biiro kuwo kale oo la filayo inay guushu xagooda jirto . Taasi waxay keentaa marar badan in ururkii ama hay’adii badasho magacii si ay isugu eekaysiiso muuqaal kale una yeelato waji cusub & Magac hor leh oo ay bulshada ku dhex mushaaxdo. Sidaa daraadeed waa in la isku dayaa inaan raadkii dib loo raacin wixii shalay la khaldayna aan maanta lagu celin. Lana dhuuxaa xadiiskii Nabiga (nnk) ee ahaa (Mu, minka hal god laba jeer lagama wada qaniino).Waa in si feejigan loo talaabsadaa, daraasaduna noqotaa mid laga hor mariyo wax isku dayga.

13- Isbadelka oo laga baqo: Ha noqoto isbedel lagu sameeyo Maamulka, Qorshaha, Xubnaha, qaab dhismeedka gnacsiga ama  ururka iwm.

Marar badan waxaa dhacda in insaanku ka baqo inuu isbedel sameeyo isaga oo is leh armaad wax badan lumisaa ama ay meesha soo galaan dad aan la fahmeyn oo aan la xakameyn Karin, taasi oo keenta in la baasaysto isbedelka, laguna tuhmo qofkii ka hadla isbedel inuu leeyahay ajande qarsoon oo uu doonayo inuu fushado, mijaxaabiyana Dowladii ururkii iyo hay’adii sidaa darteed loo baahan yahay in qofkaa il gooni ah lagu eego loogana digo xubnaha kale ee ururka si aanu uga dhaadhicin balaayooyinkan uu la wareegayo. Hadaba hadii isbedelka loo qaado colaad gaara, loona arko in wax badani lumayaan hadii lagu talaabsado waxaa marag ma doona inaan la fahmin sababtii la isugu yimid, ayna dhici doonto burbur iyo kala tag aan la hakin Karin.

Akhristaw sida loogu baahan yahay horukac ayaa loogu baahan yahay in isbedelku noqdo joogto. Isbadelku waa qaababka shaqada lagu dardar galiyo, laguna abuuro kalsooni buuxda oo ka dhex dhalata xubnaha dhamaantood. Waana hubka lagula dagaalamo kuwa ujeedooyinka gaarka ah leh ee dhex boodaya shaqada iyo hawsha la wado & kuwa hawlgabka noqday ee daalku dabray.

13- Shaqsi aan Munaasib ahayn: Marar badan waxaa dhacda in hawsha uu hogaanka u qabto qofkii aan munaasibka ahayn ama aan ku haboonayn taasi oo keenta guuldarooyin waaweyn. Waxaad suuraysataa qof aan dareewal ahayn oo loo dhiibay bus ay saaran yihiin dad rakaab ahi . Maxay tahay natiijada laga fili karaa saw maaha in loo diyaar garaabo sidii loo kala tirin lahaa dhimashada & dhaawaca. Sidaa daraadeed waa in hawshaa loo diraa qofka ku haboon ee la filayo inuu horumar gaadhsiin karo.

14-   Sumcada oo la dhawri waayo: Sumcadu waa ta keenta in kalgacal loo qaado hay’ada ama ururka, keentana in la helo in dad badan oo kula garab istaago Hiil & Hoo, kuguna kaalmeeyo hawsha aad wado. Hadiise la lumiyo sumcada iyo Haybada waxaa dhacaysa in lagaa dareero, hareerahaagana aad ka weydo cid ku garab istaagta, casariyahana lagugu cabo , magacaaguna in badan ku soo noqnoqdo goobaha fadhi ku dirirka, aadna yeelato cadow badan oo isu diyaariya sidii ay kaaga takhalusi lahaayeen, booskaagana u buuxin lahaayeen.

Sidaa daraadeed waa in sumcada la dhawraa lagana fogaadaa waxyaalaha keenaya magac darada & in haybadu lunto, Lana ilaaliyaa sharafta & karaamada.

15  Taxadarka aadka u badan: Shay kasta wuxuu leeyahay xad iyo heer loo baahan yahay inaan laga sare Marin lagana hoos Marin. Hadaba markaan ka hadlayno taxadarka waa ficil qiima badan hadii aan laga badbadin ama aan si saayida ah loo adeegsan. Waxaa marar badan dhacda inuu taxadarku dhaliyo inaan hawl lagu talaabsan, Lana aamino hadii midig loo dhaqaaqo in god lagu dhacayo, hadii bidix loo dhaqaaqana in biyo ku qaadayaan hadii hore loo socdana in lala kulmayo masiibooyin aan la maareyn Karin, markaa ka dib ay taladu ku soo ururto inaan far la dhaqaajin, dhaqdhaqaaqana la yareeyo. Ficilka noocaas ahi wuxuu horseedaa in shaqadii istaagto ururkii ama hay’adiina ay noqdaan fadhiid laga tashado laguna xisaabiyo hawl gab.

Akhristow si looga badbaado taa waa inaan fahano in loo baahan yahay marar badan in la qaato go’aan adag, horu socodkuna noqda ka lagu balamay Lana dareemo in iska fadhigu marar badan ka khatar badan yahay isku day la’ aanta.

15 – Deg Dega:    Degdegu waa ficil xun, ayna haboon tahay in la iska ilaaliyo lagana dheeraaado. Imisa guuldaro ayuu degdeg sababay? Imisa khasaare ayaa degdeg dhaliyay? Imisa masiibo ayuu degdeg soo jiiday? lama tirin karo masiibooyinka waaweyn ee uu degdegu sabab u noqday. Waxaan filayaa in Taariikhdu marag u tahay Lana heli karo tusaalooyin aad u fara badan . Degdegu waa ficil halisa ee soo dadejiya fashillo is daba jooga oo xalkoodu adkaado. Sidaa darteed waa in laga dheeraado degdega Lana xasuusto inuu yahay dabinada shaydaanku dhigo si uu dadka u seejiyo talada saxda ah.

16 –   Shaqada oo aan Qaybsanayn: Si hawshu u fududaato, loona koobo wakhtiga, loogana faa’iidaysto khibradaha kala gadisan ee ay leeyihiin xubnaha uruku waa in hawsha la qaybsadaa, qof kastana lagu beegaa meesha uu ku haboon yahay,loona diraa shaqo uu qaban karo lagana rabo inuu ku gabagabeeyo mudo xadidan. Loona sheego inuu masuuliyadeeda qaadayo fashil & guulba. Hadiise ay dhacdo inaan shaqada la qaybsan waxaa timaada inay dhacdo isku halayn, iyo inay adkaato in la garto cida dhaliisha leh ee hawsheedii dayacday & Meesha wax ka khaldameen. Waxaa timaada in la isku riixo guuldarada Lana garan waayo waxa dhacay iyo siday wax u dhaceen. Sidaa dardeed waa in shaqadu qaybsan tahay qof kastana uu qaado masuuliyad buuxda oo ku aadan hawsha loo diray.

17 –  In la fahmi waayo ujeedooyinka ururada ganacsi :  waa la arkay magacan quruxda badan waana la fahmay inuu urur ama hay,ad yahay laakiin:

Muxuu rabaa?Muxuu yahay?Muxuu doonayaa?Muxuu qabtaa?Yaa wada?Yaa ka danbeeya?Maxaa isu keenay?Maxay qabteen?Xagey wax geeyaan?Muxuu faa’iido leeyahay?

Su’aalahan iyo kuwa la mid ihi waa kuwa ku wareega maskaxda ibnu aadanka markay maqlaan urur ama hay’ad. Hadaba haday dhacdo inuu ururku is sharaxi Kari waayo ama bulshada ka dhaadhicin Kari waayo waxay yihiin & waxay rabaanba waxay sababtaa in ururku ku koobnaado intii aasaastay, noqdaana koox yar oo go-doona shaahana kuwada cabta xaruntooda iyaga uun kulmisay.

Arimahaasi waxay keenayaan in la waayo taageeradii bulshada uuna noqdo ururku ama hay’adu mid shaki hadheeyay, madmadow badanina ka sokeeyo, ayna adag tahay in lagu dhiirado taageero loo fidiyo. Sidaa daraadeed waa in sharax badan laga siiyaa bulshada la rabo taageeradeeda ujeedooyinka ururka & ahmiyada uu u leeyahay, Si ay u fahmaan meesha loo socdo & dawrka kaga aadan iyaga.

Sabatoo ah dadku ma fahmi karaan waxaad qalbiga ku hayso laakiin waxay wax ku qiimeyn karaan ficilkaaga & waxay kaa arkaan ama kaa maqalaan.

18 – Waqtiga: Wakhtigu wuxuu dawr muhima ka ciyaaraa guusha & guuldarada labadaba. Arin Barri suuro gal ah ayey adag tahay in Maanta la sameeyo, mid maanta ku haboon ayaan loo baahnayn in Barri loo dib dhigo. Sidoo kale arin maanta aad tageero ku heli karto ayaa laga yaabaa inaadan Barri ku helin. Sidoo kale Arin maanta fulinteeda ay ka dhalanayaan dhibaatooyin badan ayaa laga yaabaa hadii lala sugo wakhtiga ku munaasibka ah inay fulinteedu sahlanaato. Waxaa kaloo muhiim ah in shaqada aan korka laga saarin cid aan waqti u hayn oo mashquulsan,si kastoo khibrad,aqoon iyo daacad u tahay. Sidoo kale waa inaysan shaqada horarsan cid aan waqti u ahayn, si kasta oo ay umudan tahayba. Badanaa waxaa howlaha maamulka horarsada dadka magaca raadinaya iyagoon awoodin inay kabaxaan, magac xumanaana ka raacda inta badan.

Waxaa la yiraahdaa siyaasadu waa Inaadan jaaniskaaga ka hor dhicin kana dib dhicin. Sidaa daraadeed waa in mashaariic badan wakhtiga loo fiiriyaa. laguna baraarugaa in guuldarooyin badani ka dhasheen damac la damcay in shaqadii Barri maanta la qabto.

19 – Xisaabtan La’aan:  Ma’aha macnaheedu inaan lacag ka waramayno laakiin waxaan ka hadlaynaa micne intaa ka guda weyn oo ah in si dhaba loo xisaabtamo lana qiimeeyo Dowlada, Hay’ada ama Ururka. Maxaa qabsoomay? Maxaanse qabsoomin? Maxayse u qabsoomi waayeen? Maxaan saxnay? Maxaanse khaladnay? Maxaan fulinay? Maxaase dhiman? Ma gaadhnay ujeedooyinkeenii? Mise wali waxbaa hadhay? Maxaa laynagu dhaliilayaa? Maxaa ka jira? Maxaanse ka qabanay? Maxaan khasaarnay? Maxaanse faaiidney? Maxaa kharasha oo baxay? Muxuu ku baxay? Maxaase loo bixiyay? Suaalahan & kuwo la midka ahi waa inay noqdaan joogto si aan loo hambaabarin mar xeedho iyo fandhaal kala dhaceen oo aan waxba la qaban Karin.

20-  Xidhiidh La’aan: Xidhiidhku waa arimaha ugu muhimsan marka laga hadlayo in shaqadu u socoto si habsami ah. Hadiise ay dhacdo in hay’ada ama ururku ku guuldaraystaan xidhiidhka ay la leeyihiin bulshada  amaba ay lunto isku xidhnaanta dhexdooda ka dhaxaysaa waxaa imaanaysa kala go & kala tag. Sidaa daraadeed waa in mar kasta la xoojiyaa xidhiidhka lala leeyahay bulshaweynta & isku xidhnaanta hawlwadayaasha.

20 kaan sababood ayaan is leeyahay waa u sabab in ganacsiyada yar-yar ee soomaaliyeed ay ku fashilmay in ay hiigsadaan hormar ganacsi .

Hadii la iska ilaaliyo 20 arimood oo dumiyay ganacsiyo badan ayaan waxaan dhici karta in la helo fikrado badan oo ganacsi , la hormariyo loona bedelo ganacsiyo shaqeeynaya  .

Gabogabo :    waxaan qormadeyda kusoo gabagabeynayaa in dalka iyo dadka soomaaliyeed ay yihiin kuwa taariikh dheer ku leh ganacsiga iyo sida loo ganacsado inkastoo hadane dalka uu dowlad la,aan yahay ayaan waxaa batay fashilka ganacsiyada somalida  balse waxaan rajeeynayaa mar uun hadii nabad la helo in dalku uu noqon doono mid caan ku ah baayacmushtariga , waxsoosaarka  yeelan doonana awood dhaqaale oo kaafiso dalka iyo dadka soomaaliyeed .

W/Q : Ahmed Mohamed Rooble

Amrooble10@hotmail.com

Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan.

Mahadnaq :

Waxaan u mahad celinayaa waalidiinteyda oo igu soo barbaariyay waxbarashada iguna dhiirigeliyay., sidoo kale waxaan u mahad celinayaa walaalkeey c/fataax maxamad Rooble iyo asxaabteyda oo kala ah  c/wali maxamuud Faarax  iyo Abdi Nasir Hassan Abukar

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.