Home » Warar »

Xildhibaan Rooble “Jaatarku Kuma Qorna In Codku Gacantaag Yahay iyo Qarsoodi Inuu Yahay, Laakiin Xeer Hoosaadka Baarlamaanku Ku Shaqeeyo Waxaa Ku Qoran…” wareysi

Agaasimaha Guud W/Dibu-heshiisiinta Mr, Xirsi Yuusuf Barre “Anigu 4.5 Kuma Joogo hada aan kula hadlaayo oo layguma soo xulin, Wasiiradda iyo Xildhibaanadda Waa Suurta Gal In Lagu Soo Xuley…” Wareysi

Daadka Siminaaradda iyo Shirarka Lagu martiqaado, Madaxda Sare ee DFKMG, Wasiiradda, Xildhibaanadda, Agaasimayaasha Wasaaradaha oo Sanadkii Labaad Ka Socda Gudaha Dalka, Dowladaha Deriska ah iyo Kuwa Kale ee Caalamka.

Bishan aynu ku jirno ee Oktoobar 2010-ka, 20-sano ka hore dalka Soomaaliya waxaa ka jirey maamul iyo kala dambeyn ay gacanta ku haysey dowladii Militeriga, inkastoo maamulkaasi lahaa dul duleelooyin waaweyn, hadana marka loo eego mudadii 20-ka sano ahayd ee burburka qaranka Soomaaliya, waxa socda marka la eego oo meesha yaala waa Oraah Soomaaliyeed oo ahayd kaaf iyo kala dheeri!.

Sababtoo ah, waxaa lumey hanaankii guud ee hay’adaha dalku uu lahaa, shacabka Soomaaliyeed qaybihiisa kala duwan, waxaa uu dareemayaa cadaalad la’aan iyo amni, dalkuna waxaa maamulayey mudadaas, Ururo iska soo horjeeda, Maamulo is-magacaabey oo qaarkood gooni isu taagey, hay’addo Ajnabi ah iyo kuwa Q.M, waxaa la qabtey ku dhawaad 20 shirar kala duwan oo dibu-heshiin, seddaxdii shire ee ugu dambeeyey waxaa lagu dhisey  Dowlado KMG ah oo leh Axdi KMG ah, Gole Baarlamaan, Madaxweyne, Gole Xukuumad iyo Garsoor, kuwaasoo dhamaantood sii kala fogeynayey midnimada shacabka Soomaaliyeed iyo tan Qaran ahaanba.

Qaybahan kala duwan ee aan soo sheegney, hay’adaha Ajnabiga ah iyo kuwa Q.M, sanadka kasta, waxay u qabtaan shirar iyo siminaaro fara badan, kuwaa soo aan la garan waxqabadkooda guud iyo kuwooda gaar ahaaneed. Mudadii ay jirtey dowladan midnimada qaran lagu sheego ee lagu soo dhisey dalka Jabuuti waxaa u socday  Daadka Siminaaradda iyo Shirarka Lagu martiqaado, madaxda sare ee DFKMG, Wasiiradda, Xildhibaanadda, Agaasimayaasha Wasaaradaha ayaa Sanadkii Labaad ka Socda Gudaha dalka, Dowladaha Deriska ah iyo Kuwa Kale ee Caalamka.

Garyaqaano Soomaaliyeed oo tiradoodu gaareyso 20 xubnood oo nidaamka 4.5-ka lagu soo xuley, isugu jira Ragg iyo Dumar, ayaa aqoonkororsi al-baabada u xiran oo soconayey seddax maalmood ugu soo gebageboobey Hoteel Shariton ee caasimada dalka Jabuuti 21/10/2010.

Siminaarkan oo uu soon qaban qaabiyey Machadka Dimoqoraadiyadda “NDI” ee fadhigiisu yahay dalka Mareykanka, ayna wax ka bixinayeen khubaro Ajnabi ayaa mid ka mid ah ka qaybgalayaasha siminaarka oo qariyey magaciisa, waxaan wax ka weydiiyey, waxayaabihii looga hadlaayey aqoon is-weydaarsigaasi wuxuu yiri

“siminaarka waxaa soo qaban qaabiyey Hay’adda NDI, waxaana looga hadlaayey, sida loo gaarsiin lahaa dadweynaha Soomaaliyeed qabyo qoraalka Dastuurka, in uu waafaqsan yahay sharciyadii hore ee dalka Soomaaliya, xeer dhaqameedka iyo shareecadda Islaamka” ayuu yiri,

Isagoo sii hadlaya, wuxuu intaa ku darey “waxaa kale oo looga doodey, ma dejinkaraa nidaamka siyaasada dalka Soomaaliya, mana hagikaraa qabyo qoraalka Dastuurkan iyo qaab Federaalka la qaatey maku haboon yahay dalka Soomaaliya xiligan, Falanqeyn iyo dood kadib, waxaa lagu balamey, in mar kale la isku soo noqdo, waxaana wax ka dhigayey khubaro Ajnabi ah”.

Mar uu ka hadlaayey tirada xubnaha ka qaybgalayaasha ayaa wuxuu yiri “tirada ka qayb galayaasha waxay ahaayeen 14 Ragg iyo 6 Dumar ah oo dhamaantood ahaa garyaqaanadda Soomaaliyeed” ayuu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey.

Xubin kale oo ka mid ah garyaqaanadan oo aan la sheekeystey, ayaa waxaa hadaladiisa laga dareemayey  diidmada qodobo ka mid ah qabyo qoraalka dastuurka cusub, waxaa uuna ka soo horjeedey Lahjadaha dalka Soomaaliya uu yeelanayo ee  lagu xusey qaybyo qoraalka dastuurka, waxaa sidoo kale uu ka soo horjeedey nidaamka federaalka  iyo goosashada Gobolada woqooyi ee Soomaaliya.

17-kii bishan Oktoobar, waxaa socdaal ku soomarey caasimada dalka Jabuuti,  13- ka mid ah Agaasimayaasha Wasaaradaha DFKMG Soomaaliya oo siminaar ku saabsan qorsho dhaqaaleedka guudka ee DFKMG, oo ay soo qaban qaabisey Wasaaradda Maaliyada dalka Itoobiya,  ugu soo gebageboobey Magaaladda Adis Ababa, iyagoo usii  guryo noqonaya dalka Soomaaliya, sida uu ii sheegey mid ka mid ah xubnaha Agaasimayaashan oo ku soo degey Hoteel Daarusalaam.

Agaasimayaashii ka qayb galay kulanka

16 ka mid ah Agaasimayaasha wasaaradaha DFKMG Soomaaliya ayaa siminaar ujeedadiisu ahayd hormarinta tayada maamul ugu soo gebageboobey xarunta Kulan Center ee caasimada dalka Jabuuti 08/10/2010, siminaarkan oo socdey mudo tododobad maalmood ayaa waxaa iska kaashadey Wasaaradda Shaqadda iyo shaqaalaha DFKMG iyo Hay’adda NDI

Laakiin marka si guud loo eego Dowladan lagu sheego Midnimada Qaran ee lagu dhisey dalka Jabuuti mudadii ay jirtey, waxay soo kordhisey, wax qabad la’aan, khilaafyo kala duwan oo u dhexeeya Goleyaasha Dowlada iyo Mas’uuliyiinta Sare oo dhaley xil ka qaadis sida silsilada xiriirsan islamarkaana aan xad lahayn, ka qaybgalka shirarka caalamka iyo codsashada ciidamo Ajnabi oo laga dhex sheego Daadka Siminaaradda iyo Shirarka Lagu martiqaado, madaxda sare ee DFKMG, Wasiiradda, Xildhibaanadda, Agaasimayaasha wasaaradaha DFKMG oo Sanadkii Labaad ka Socda Gudaha dalka, Dowladaha Deriska ah iyo Kuwa Kale ee Caalamka, taasina bedelkeed uu noqdey, in shacabka Soomaaliyeed ay ku dul dagaalamaan Ciidamadda AMISOM, kuwa DFKMG oo isku dhinaca ah iyo kuwa kasoo horjeeda, mana jiro ilaa iyo hada xal aan dagaal ahayn oo muuqda, islamarkaana lagu badbaadinayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed ee ay daashadeen dagaalada sii daba dheeraanaya.

Xildhibaano ka qaybgaley shir masar lagu qabtey

Xildhibaan Xirsi Aadan Rooble “Jaatarku Kuma Qorna In Codku Gacantaag Yahay iyo Qarsoodi Inuu Yahay, Laakiin Xeer Hoosaadka Baarlamaanku Ku Shaqeeyo Waxaa Ku Qoran…” wareysi

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/xildhiban_rooble.mp3]

Dhegeyso Waraaysiga Xildhibaan Xirsi Aadan Rooble

Agaasimaha Guud  W/Dibu-heshiisiinta Mr, Xirsi Yuusuf Barre  “Anigu 4.5 Kuma Joogo hada aan kula hadlaayo oo layguma soo xulin, Wasiiradda iyo Xildhibaanadda Waa Suurta Gal In Lagu Soo Xuley…” Wareysi

Iyadoo habka awood qaybsiga 4.5-ka ay ku dhisan tahay nidaamka DFKMG Soomaaliya  ayaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dibu-heshiisiinta DFKMG Soomaaliya Mr, Xirsi Yuusuf Barre oo aan wareysi dhinacyo kala duwan taabanaya kula yeeshey Hoteel Daarusalaam ee caasimada dalka Jabuuti 08/10/2010, ayaa wuxuu yiri “Anigu 4.5 Kuma Joogo hada aan kula hadlaayo oo layguma soo xulin, Wasiiradda iyo Xildhibaanadda Waa Suurta Gal In Lagu Soo Xuley…”

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/agaasime_xirsi.mp3]

(Wareysiga Codka Agaasimaha oo dhameystiran halkan ka dhegeyso)

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.