Home » Maqaallo »

MURUGO ( Gabay) | Waxa tiriyay : Aadan Maxamed Cabdi

naaleeye2008@hotmail.com

Assalaamu Caleykum Waraxmatullaah,

Walaalayaal, salaan ka dib, Waxaynu wada ognahay dhibaatada muddada dheer haysata dadka soomaaliyeed iyo dagaalada aan dhamaadka lahayn. Maalin walba waxaynu TV-yada ka daawannaa dhaawaca iyo dhimashada aan la koobi karin oo qofkasta oo damiir leh ama islaamnimo ku jirto uu ka danqanayo.

Gabaygan danqashada ah oo aan u bixiyay Murugo waxaan curiyay ka dib markii aan telefeshinka Universal ka daawaday muuqaallo aad u naxdin iyo xanuun badan.  Gabaygu waa canaan iyo talo ku socota guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee colaaduhu baabi’ inayaan. Si gaar ahna wuxuu ugu socdaa dadka Muqdisho oo ay musiibo gaar ahi ku habsatay. Waxaan Ilaah ka baryayaa inuu Ummadda Soomaaliyeed u gargaaro, naxariistiisa waasaca ahna u fidyo.

Gabayga Murugo wuxuu ku bilaabmayaa:
Ma’da gabayga maalmahan matirin midhihii fiicnaaye
macnihiisa niman baan aqoon iyo meeshuu leeyahaye
marinkiisa goortaan arkaan mugutiraabaaye

sidii mayl bad jeexaaya baan mowjad kiciyaaye
wuxuun bay mirtaye may ahayn inaan macneeyaaye
maskax iyo aqoonbay nafluhu igu majeertaane
caawana tixdaan maaganahay waydin maqashiine.

Meediyaha markaan daawadaan murugo suuxaaye
masaakiin la laayaan arkiyo maydad farawayne
midigtiina idinkay iskudilay iyo moortar xoog badane
magligiinu dhiig buu wataa maalin iyo layle

maanlaawayaal baa ukacay iyo macangagiin baase
diintii mudnayd bay ilayn marin habowsheene
waxba midaan ogayn bay ilayn midigta gooyaane
idinkaa ismaan dhaafayee muran ma joogeene.

macaluusha maatada la tuban yaan cidi malaynayne
hadaydaan ismaamulin wallee waa macno la’aane
miinaa idiin taal jidkaad marilahaydeene
marsadaad lahaydeen rag baa meersadoo cunaye

dadka kale maruun buu ismaqlaa talana muujaaye
muxubbiyo wanaag yeesha oo meel uwada jeesta
midigta isqabsada waydinkaa madhiyay reeriiye
mugdigaa hadii kale kujira magac xumaantiinna.
———————————————–

Waxa tiriyay : Aadan Maxamed Cabdi

naaleeye2008@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.