Home » Warar »

Faarax Macallin “Waxay Soomaaliya ka degi la’dahay waa Dowladda Mareykanka”

Faarax Macalin Max’ed oo ah guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka dalka Kenya oo u waramayay warbaahinta Nairobi ayaa wax laga weydiiyey xaaladda murugsan ee Soomaaliya waxa uuna sheegay in Soomaaliya ay ka degi la’ dahay Dowladda Mareykanka oo faragelin ku haysa arrimaha Soomaaliya isagoo sheegay in mar kasta ka abuurto Soomaaliya dagaalo iyo in ay isku hubeysto dadka Soomaaliyeed oo iyagu mar kasta u baahan in ay nabadgelyo helaan dibna u soo noqoto xasiloonidii iyo kala danbeyntii.

Faarax Macalin waxa uu sheegay in haddii Soomaaliya faragelinta laga deyn lahaa ay wax badan hagaagi lahaayeen isagoo sheegay in Dowladda Itoobiya iyana ka mid tahay dowladaha sida aadka ah dhibaatada ugu haya ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna ku tilmaamay Dowladda Itoobiya in ay tahay ergay Mareykanka u qaabilsan arrimaha Geeska Afrika, isagoo sheegay in Soomaaliya ku hagaagi karto iyadoo faragelinta laga daayo.

Faarax Macalin ayaa ka mid ahaa dadka sida aadka ah u taageeray Maxaakiimta Islaamka, isla markaana waqtii ay haysteen Maxaakiimtu qaybo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in fursaddaa soo martay Soomaaliya ay ahayd mid ka luntay shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna sheegay in uu taageersanaa Midowga Maxaakiimta balse waxa uu meesha ka saaray in uu taageersan yahay Kooxda Alshabaab oo ku tilmaamay kuwo u adeegaya wax uu ugu yeeray danaha reer galbeedka.

Faarax Macalin waa siyaasi aad uga hadla arrimaha Soomaaliya waxa uuna u soo jeediyey shacabka Soomaaliyeed in ay midoobaan isla markaana meel uga soo wada jeestaan kuwa faragelinta ku haya, Faarax macalin waxaa uu sidoo kale si aad ah u daneynaa in Ummadda Soomaaliyeed meel isugu yimaadaan waxa uuna dhawaan booqashooyin ku soo kala bixiyey deegaano ka tirsan dalka Jabuutiyo maamulka la magacbaxay Somaliland, balse Dowlada Kenya ayaa si aad ah u mucaaraday tegistiisii Somaliland kadib markii aan Dowladda Kenya la soo waregelin booqashadaasi, waxa uuna Faarax ku adkeystay in uu booqdo deegaan Soomaaliyeed.

Akhri:
US is executing a genocide in Somalia: Kenya deputy Speaker

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

11 Jawaabood " Faarax Macallin “Waxay Soomaaliya ka degi la’dahay waa Dowladda Mareykanka” "

  1. nora says:

    Somalida Ayagaa Ayaa Dantoodii Laga Malaasay Lacagta ay Hubka Ku Gadanayaan oo Isku Laynayaan Dhulkooda waa ku Dhisankaraan Intey Heshiiyaan.Shaqo Waxay Ka Dhigteen Sedbursi iyo Qabiil iyo Diin In Ay Isku Dhibateeyan Maraykan Waxba nama Yeelin Ethiopia waa Deriskeena Waa Meesha Somaalidu ku Nasato Goorti ay Is Qaxinayaan Smalidu Iyagaa Qatiiyaan Derisku Ka Taganyahay Dhexdoodana Dhibaato Isku Haya.

  2. A.S.C dhamaan bahda somalitalk.com
    bacda salaan walaal faarax macalin waa nin indheer garada
    ee allah hadaayo waana nin la jaanqaadaya wadciga ka tagan
    caalmka aynu dushiisa kunool nahay

    xaga taageerida somaliland iskama taageerin ee wax uu
    ku taageero ayuu ogyahay iyo in meesha dad caqlilihi ku
    noolyihiin markaa yaan laga xumaan wanaaga uu ku arkay
    in uu tilmaamo
    maaha somaliland meel qoys ama qabiil qudhi kataliyo
    sida gobolada puntland ee waa meel maamulka lawada
    leeyahay

    by bulshawi82@hotmail.com
    hargeysa somaliand

  3. ali says:

    asc,dhaman somtalka & soo qoodayasha,inta dabded sxb yaal qof kasta ra’yigiisa buu leeyhaya marka farah macalin waa la yaqanan wuxu yahay & siyasadihisa oo nin cusub ma ahan wuuna ku mahadsan yahy in uu tilmamo sida somaliya loo lungoynayo dalka & dadkaba lakin waxan oran lahaa ugu horeyn haka bilaabo somalinimada degan uu ka soo jeedo oo wax dowlad nimo oo service ah aan lahyn hana ka daayo somalida kale ee dagama kale ee qeyb qeyb san kala teegeridooda oo sanad walba qolo aad taageyreyso , xamar bad tagtey,garowe hada ka hor wad tagtey,hargeysa ba u dambeysey marka adiga lagtigaagu marba qolo bad la jirtaaye waa maxay dawadadu kuwan aad sheegtey waaba la og yahya waxa yihine adigu hal dhinac u beyr!!!!

  4. cabdiraxiim sh rashiid says:

    asalaamu calleykum bacda salaan faarax macallim waa nin aad iyo aad aay ugu weeyntahay soomaalinimada mudana ku dayasho wanaagsan madixiisa alaha raajiyo waxaase layaab leh aaway soomaalidii kale maxeey uga dhiidhi la yihiin dhibtan umadeena mudada dheer heeysato

  5. walaal horta Faarax Macalin Taariikhda ayaa qori doonta,si aad ah ayaana ugu taageersanahay fikirkiisa ahaa Soomaaliya waxay ka degi la’dahay Mareykan iyo Itoobiya, waxaan dhahayaa Dhamaan wadada East Afrika oo dhan ayaa u wada heshiiyey haba ugu darnaato Itobiya si aad ahna waan usoo dhoweynayaa, laakiin doodii oo Nayroobi isaga iyo Aqoonyahano kale ka soo jeediyeen Doodii ay qeybinaysay VOA ee ku saabsanayd Xagjirka iyo dhibaatada ay ku hayaan Soomaaliya , waxaan dhihi karaa maysan abaarin xaqiiqda waayo dhaaantood waxay yiraahdeen Haloo kaco Soomaaliya oo dadkoodu ha u kaceen, waxaan dhihi lahaa Shabaabka ayaa u kacay ee iyaga halaga saxo waxyaabaha ka qaldan

  6. Mire says:

    Farax waa ninkii taageeray in Hargeysa Somaliya inteeda kale ay ka go’do halka maraykanka uu taageersanyahay midnimada iyo wada jirka somaliya . Haddii uu rabo Maraykanka in uu somaliya kala gooyo daqiiqa kuma aysan qaadateen ee marabo in uu horseed ka noqdo kala googoynta Afrika . Farax waxaan lee yahay waxaa wax qabad kaaga baahan dadka ku nool degaana lagaa soo doorto ee iyaga wax u qabo .
    Ninkii tiisa daryeela ayaa tu kala ku dara .

  7. Muuse biixi says:

    Marka hore salaamulaahi caleykum, salaan dabadeed faarax macalin hadalada uu carabaabay waa wax jira oo ah dhibaatada soomaaliya waxa ay ka degi la’dahay faragelinta shisheeyaha iyo rag naga mid ah oo la shaqeeyo waayo shisheeyaha…..
    faarax waxa uu kaloo sheegay dawlada Ethopia in ay ka mid tahay dawladaahaasi, laakiinse faarax waxa uusan xusin dawlada uu hada ka mid yahay ee Kenya…..mise haduu sheego waa la xirayaa miyaa!!!!

  8. ABU MUSLIM says:

    ALLAAHU AKBAR, ALLAHU AKBAR RUNBAAD SHEEGTAY EE ILAAH CIMRIGAAGA HA RAAJIYO AAMIIN AAMIIN. WAA GEESI FAARAX MACALIN AAN CAADO QAATO AHAYN ILAAH HAGUULEEYO CADOWGIISA IYO KAN SOOMAALI HAKA HAYO AAMIIN AAMIIN… SOOMAAALIYANA WAA HAGAAGAYSAA INSHAA;ALAAH WITHOUT GAALO ISLAAM AANA LAGU MAAMULI AAN DABA DHILIF U AHAYN ITOOBIYA

  9. Magan says:

    ascw somalitalk waad salaamantihiin dhamaantiin Aniga waxay ila tahay Faarax macalin runta ayuu sheegay Qofka runta sheegana dhaliilo badan ayaa loo sameeyaa Marakanku haddii uu somaliya faraha kala bixi lahaa dhibaatadeenu illaa heerkaan ma aanay gaarteen 20 sano dawlada adduunka ugu liidata ma aanaan ahaaneen.

  10. faarax macalin waa geesi ummadda soomaaliyeed jecel run ayuu sheegay oo waa mareykanka iyo xabashida labada aay ka dagi la.dahay soomaaliya taariikhda ayaa xuseyso geesinimada faarax macallin