Home » Warar »

SOMPED oo qabatay dood ku saabsan sidii Suxufiyiinta Soomaaliyeed u yeelan lahaayeen Sharci gaar ah

iyo Soomaali ka qeyb gashay bandhig dhaqameed ka dhacay dalka Malaysia…

Warbixinta SOMPED ee Muqdisho:

Waxaa Hoteelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho lagu soo gebagabeeyey Dood socday mudo afar maalmood ah, waxaana Doodaas soo qabanqaabiyey Somali Media for Peace and Development (SOMPED) waxaana looga hadlayey sidii ay saxaafadda u sameysan lahayd Xeer gaar ah ( Media Self Regulation) waxaana ka qaybgalay qaybaha Rulshada rayidka ah,Hayadaha qaabisan Xaquuqda Aadanaha , Sharciyaqaanno iyo suxufiyiin.ka socotey qaybaha Warbaahinta Intii uu socday Siminaarkaasi ayaa xubnihii ka qaybgalay waxay dood ka yeesheen qaabka ugu haboon ee Suxufiyiinta u yeelan lahaayeen Xeer u gaar taasoo ay sheegeen in ay sahleyso in uu suxufiga xiriir wanaagsan la yeesho bulshada iyo Maamulada jira taasoo ka badbaadin karta in uu kulmo dhibaatooyin

Intii ay socotey waxay ka qaybgalayaasha isku raaceen in Suxufiyiinta Soomaaliyeed ay si aad ah ugu baahan yihiin Shuruuc u gaar ah iyaga oo sheegey in haddi la sameeyo Sharcigaas uu damaanad qaadayo in la helo faafreeb Xor ah sidoo kale waxay sheegeen in yareeyneyso feregelinta Dowladda waxay kaloo ay sheegeen xubnihii ka qaybgaley doodaas in haddi la sameeyo xeer u gaar ah Saxaafadda waxay sare u qaadeysaa Tayadda Warbaahinta Soomaaliyeed sidoo kale waxay sheegeen in haddi la sameeyo ay caddeyn u tahay la xisaabtanka Warbaahinta waxay kaloo carabka ay ku dhufteenin dadka si sahlan u adeegsadaan Warbaahinta Siminaarkaan ayaa waxaa Macallin ka ahaa ama xiriiriye ka ahaa Macalin Ducaale oo isna si aad ah ugu dheeraaday sidii ay saxafiyiintu isku kaashan lahaayeen isla markaana ay u midoobi lahaayeen,

Halkan ka daawo sawirada

iyadoo intii ay socotey doodaas xubnihii ka qaybgalay siminaarkaasi loo qaybiyey kooxo kooxo si ay ugu doodan qaabka ugu wanaagsan ee loo sameyn karo Xeer u gaar ah Saxaafadda Guddoomiyaha Ururka SOMPED Mustaf Xaaji Nuur oo ka hadlay gebagabadii doodaas ayaa waxa uu sheegay in siminaarkaasi uu yahay mid loogu talagalay in ay ka soo baxdo fikrado ku aadan qaabka ugu haboon ee ay warbaahinta u sameysan lahaayeen xeer u gaar ah waxa kale uu sheegay in siminaarkaani uu yeelan doono qaybo kale si ay mustaqbalka uga soo baxaan xeerkii lagu dhaqi lahaa Saxaafadda. Waxaa kale oo ka hadlay doodaas Yuusuf Cali Cusmaan (Farey) oo ah guddoomiyaha Golaha Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed, oo isna si weynu faahfaahiyey xeerarkii hore ay hor dhigeen maamuladii la soo dhaafay kuwaas oo uu sheegay in aan si dhab ah loogu shaqeynin. Ama aan la ansaxin ka dib markii ay ku qanci waayeen qaybaha kala duwan ee Warbaahinta Furitaankii siminaarkaan oo uu furay Wasiirka Warfaafinta C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa u ,mahadceliyey intii isku soo dubariday siminaarkaasi, waxa uuna u soo jeediyey ka qaybgalayaasha ay la yimaadaan fikrado lagu badbaadin karo suxufiyiinta Soomaaliyeed oo ah sameynta xeer u gaar ah Saxaafadda

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Soomaali ka qeyb gashay bandhig dhaqameed ka dhacay dalka Malaysia

Halkan ka daawo sawirada (malaysiya)

Waxaa dalka Malaysia ka dhacay bandhig dhaqameed ay soo qaban qaabiyeen Maamul-ka Collage-ka RIMA international collage ee ku yaala Caasimada dalka Malaysia ee Kuala Lumpur iyadoo Collage-kan ay dhigtaan Soomaali badan oo ka kala yimid daafaha Dunida sida dalalka Carabta iyo dalka Soomaaliya.

Bandhig dhaqameedkan oo ahaa mid lagu soo bandhigayay dhaqanka iyo Hidaha uu dal waliba leeyahay waxaana ka soo qeyb galay dhowr dal oo ay ka midyihiin dalalka Somalia, Nigeria, Pakistan, India, chine, Tanzania, Swaziland iyo dalka Sierra Leone. Dal walbana wuxuu soo bandhigay dhaqanka, Hidaha iyo astaanta ay caan ku yihiin.

Dalka Soomaaliya oo ka mid ahaa dalalkii bandhig dhaqameedkan ka qeyb galay ayaa soo bandhigay dhinacyada huga, cuntada, qalabka hiddaha iyo dhaqanka, iyadoo aysan ka marneyn ciyaaro dhaqameedyada ay soomaalid caanka ku tahay. Hidaha iyo Dhaqanka dadka Soomaalida ay caanka ku yihiin ayaa inta badan ay jecelyihin dad badan oo aan Soomaali aheyn.

Dhan kalle Soomaalida ayaa soo bandhigay Ciyaaro wanaagsan oo ay la dhaceen dadkii isugu yimid goobta, iyadoo Dhalintii ka socotay dalka Soomaaliya ay Muujiyeen Geesinimo taasi oo ugu danbeeyntii keentay in Dalka Soomaaliya uu kaalinta koowaad ka galo Bandhig Dhaqameedka.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan guuleeysano, dadaalkeenana halkaas ayaan ka sii wadi doonaa” Sidaasi wndhigaxaa yiri C/risaq Qasim “Dalhorno” oo ka mid ahaa dhalintii bandhig dhaqameedka ka muujiyaya wacdaraha.
Collage-ka RIMA international Collage oo ay Soomaali badan dhigtaan ayaa sanad walba qabta bandhig dhaqameedyada noocan oo kalle ah inta badana waxaa ku guuleesta dalka Soomaaliya.

Ismaacil Mayo Adam oo ah u qaabilsanaha Ardayda ajaanibta ah ee dhigata RIMA international Collage oo aan wax ka waydiiyay Maadooyinka lagu barto Collage-ka iyo Xiriirada uu la leeyahay Jaamacadaha Caalamka wuxuuna yiri “RIMA collage Maadooyin badan ayay bixiyaan iyadoo ardayda Ajaanibta ah ee ay ku jiraan Soomaalida laga diyaariyo Luuqad English-ka inta aysan ku biirin Jaamacadaha”.

Dhanka kalle Ismail ayaa intaas ku daray in Soomaalida si gaar ah ay u yihiin kuwo looga jeclyahay Collage-ka iyadoo tan iyo sanadkii 2003 wixii ka danbeeyay ay kaalinta koowaad kaga jiraan Dhanka Wax barashada, tartamada Kubada cagta iyo bandhig Dhaqameedka uu Collag-ka RIMA sanad walba qabato.

Inta badan dalka Malaysia oo ay arday badan oo Ajinabi ah oo wax ku bartaan waxaa lagu soo qabtaa bandhig dhaqameedyo ay ka soo qeyb galaan dalal badan iyadoo inta badan Soomaalida ay guulo ka soo hoyiso dhamaan bandhig dhaqameedyada lagu qabto dalka Malaysia.
Said Omar Baffo
baaffo@gmail.com
Kuala Lumpur, Malaysia.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.