Home » Warar »

Sheikh Shariif oo Cambaareeyey Weerarkii Ahlu Sunah ku qaadeen Magaalada Cadaado

Wararka ugu dambeeya oo ka imanaya Cadaado ayaa sheegaya in maamulka ximan iyo xeeb ay dib ula wareegaan magaalada cadaado…

Warbixinadii hore ee weerarkii Ahlu Sunah ku qaadeen Cadaado hoos ka akhri.

Xaruntii Maamulka Ximan iyo Xeeb ee Degmada Cadaado oo  lala wareegey ka dib markii ay Duulaan ku soo qaadeen Ahlu Sunnah…

Wararka naga soo gaaraya Degmada Cadaado ee Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegaya in Goor dhow Koox Maleeshiya oo ka amar qaata nin la yiraahdo Cabdi Shukri ay la wareegeen Degmadda Cadaado ka dib markii dagaal aan sidaa u weyneyn uu ka dhacay Magaalada Cadaado

Waxaa la sheegey in Maamulkii Ximan iyo iyo Xeeb oo uu horkacayo Madaxweynihii Maamulkaas  Maxamed Cabdulaahi Tiiceey ay u dhaqaaqeen dhinaca  Degmada Baxdo oo aan sidaa uga fogeyn Degmada Cadaado waxaana lagu waramey in Magaalada Cadaado oo uu ka dhisnaa Maamul ay isku raacsan yihiin dadka deegaanka  ayaa la ogeyn waxa uu ku dambeyn doono

degmada cadaado  wararka ka imaanaya Degmada Cadaado ay sheegayaan in dadwyeynaha halkaa ku dhaqaan ay u soo baxeen Wadooyinka Magaalada Cadaado iyadoo kooxdii qabsatey ay la wareegeen Xarumihii ay la haayeen Maamulkii Ximan iyo Xeeb  oo ay ku jirto Xarunta Madaxtooyada, Saldhiga Boliiska iyo xarumo kale oo ay lahaayeen Hayado Samafal iyo  Xaruntii Idaacada Codka Gobolada dhexe

Ciidamada Duulaanka ku qaadey degmada Cadaado ayaa saakey waaga markuu beryey waxay la wareegeen Deegaan Godinlabe oo aan sidaa uga fogeyn Degmada cadaado waxaana dadka la Hadley Saraakiil la socotey Kooxda saakey la wareegtey degmada Cadaado oo Xarun u ahayd Maamulka Ximan Xeeb

Intii aan lala Wareegin Degmada Cadaado ayaa waxaa habeenkii Xaley laga afduubtey Degmada Cadaado laba nin oo u shaqeynayey Hayada Save Children Uk oo mid u dhashey Wadamada Simbabwe balse asal ahaan ka soo jeeda Wadan Ingriiska halka kan kale uu u dhashey Wadanka Soomaaliya ilaa iyo hadda lama oga halka lala aadey Labadaas ruux

Madaxweynha Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa habeenkii xaley ahaa Wareysi uu siiyey Qaybaha Warbaahinta ayuu waxa daboolka ka qaadey in degmada Cadaado ay dulaan ku soo yihiin Ciidamo uu wato nin la yiraahdo Cabdi shukri isagoo sheegy in maamulkiis ay iska difaaci doonaan weerar kasta oo kaga yimaada dhinaca Cabdi shukri  isagoo ku tilmaamey nin doonaya inuu iska horkeeno dadka ka kala soo jeeda maamulada Galmudug iyo iyo Ximan iyo Xeeb

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaara Degmada Cadaado ayaa sheegaya in Kooxda la wareegtey Degmada Cadaado lagu sheegey Ahlu Sunna Waljameeca waxaana la sheegey in ay la socdaan Saraakiil ks oo jeeda Dariiqdaas oo ka timid Deegaanada  ay maamusho ee Ahlu Suunna ee Gobolada Dhexe

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
—-

Madaxweynaha Soomaaliya oo arrin Qatar ah ku tilmaamay dagaalka ka dhacay degmadda Caddaada kuna baaqay in la joojiyo.

Muqdisho: Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya mudane Sh Shariif Sh Axmed ayaa ku tilmaamay dagaalkii maanta ka dhacay degmadda Cadaaddo ee Gobolka Galgaduud arrin Qatar ah isagoo ugu baaqay Culumaa’udiinka Ahlu Suna Waljamaaca in ay talaabaddaasi ka laabtaan.

Madaxweyne sh Shariif Sh Axmed ayaa hadal uu jeediyay kadib salaadii Jimcaha ee maanta waxaa uu ku faahfaahiyay oo uu kaga hadlay dareenkiisa ku aadan dagaal ay dad badani ku dhinteen oo maanta ka dhacay degmada Caddaado ee Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya.

Madaxweyne Sh Shariif Sh Axmed ayaa dhacdaddaasi ku tilmaamay wax laga naxo waxaa uuna ka digay in ay keeni doonto cawaaqib aan la mahdin sidaas daraadeedna ay tahay in la joojiyo.

Madaxweyne sh Shariif Sh Axmed ayaa sheegay in Culumaa’udiinka Ahlu Suna Waljamaaca ay dowladda Soomaaliya Hub iyo dhaqaale ku taageertay ka hor inta aanay ku biirin dowladda markaas oo ay la halgamaysay weeraro ay ku haysay maleeshiyada Al Shabaab deegaanada ay ku sugnaayeen Culumaa’udiinka Ahlu Suna Waljamaaca, wuxuuna Madaxweynuhu carabka ku dhuftay in hada Ahlu Suna ay samayso wixii iyaga lagu samaynayay oo kale.

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Sh Shariif Sh Axmed ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay taageerayso Maamul walba oo ka shaqaynayo nabada islamarkaana aanay wanaagsanayn in lagu sii socdo dariiqii ay ku burbureen Jabhaddihii kala duwanaa ee dalka soo maray oo ay qaarkood lahaayeen magac diimeed.

Madaxweyne Sh Shariif Sh Axmed ayaa markale isweydiiyay cida ah Ahlu Suna Waljamaaca, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in aan laga been sheegin oo aan magac xun loo soo jiidin magaca wanaagsan ee Culumada duruqu Suufiya.

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya mudane Sh Shariif Sh Axmed ayaa imaanaya saacaddo kadib markii Ciidamo uu hogaaminayo Cabdishukri Cali Xirsi oo sheegay in uu ka tirsan Ahlu Suna Waljamaaca ay deegaanka Caddaado iyo deegaano ka agdhow kala wareegeen Maamulka Xibin iyo Xeeb.

Waxaa faafisay DFKMG

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Sheikh Shariif oo Cambaareeyey Weerarkii Ahlu Sunah ku qaadeen Magaalada Cadaado "

  1. puntlander says:

    Runtii aad iyo aad ayaan ugu mahadcelinayaa bahda somalitalk.com
    marka xiga waxaan aad uga xumahay waxa ka dhacaya gobolada dhexe ee dalka gaar’ahaan gardarooyinkan ugub ka ah

  2. dulan abdi says:

    waad ku mahadsantihiin shaqada wacan ee aad bulshada u haysaan hadaa tihiin somalitalk. intaa ka bacdi koleey wixii shalay ka dhacay cadaadu weeynu aragnaya halka eey ku danbeeyeen. oo waad arkeeysaan mooryaantii magaca islaamka wadatay ee ahlu sunna waxa qabsaday.
    1) waxeey ku fashalmeen dagaalkii eey ku qaadeen maamulka ximan iyo xeeb shalayto siyaasad ahaan, oo madaxweynihii somaliya ilaa wargeysyada caalam ka ugu afka dheer oo uu ka mid yahay NYT ayaa ujeedooyinkooda gurracan si faah faahsan u qeexay.

    2)military ahaan ayeey u fashalmeen oo waxaa meydkooda jiiday al-shabaab oo ka faa ideeysatay weerar koodi gar darrada ahaa ee ey ku qaadeen cadaado. halkaasna waxaa lagu aasay siyaasadii eey dadka ka gadi jireen ee aheed waxaan ku jirnaa difaacu nafsi marhadii eey duulaan ku dileen sideed ruux oo sedex haween tahay magaalada cadaado.
    3) cid kasta oo reer cadaado weerar ku qaada oo naalu ku seexataa taariikhda ma soo marin. tana aniga iga qora (CALANKII AHLU SUNNA NIMANKII LAMAGAC BAXAY MAANTA AYUU CIIDA KA HOOS MARAY)

  3. shaafic abdi says:

    marka hore waxaan idinkaga mahad celinayaa hadaa tihiin bahda somali talk sida wanaagsan oo aad nugu soo gaarsiisaan wararka ka dhacaya daafaha dunida . intaa kadib waxa maanta cadaado ka dhacay waa wax lala yaabo in niman magac diimeed sheeganayaa eey ku duuklaan maamul kale oo eey xasuuqaan dad shacab ah si eey ku helaan ama ku gaaraan maqaam siyaa sadeed. laakin waxaan u sheegi lahaa somali waa is taqaanaa dadka deegaanaas lugu duulay ku nool na maahan dad cudud iyo dagaal toona loogu goodiyo. ee nimankinaan magaca ahlu sunna wataa hadii diinta aad sheeganeeysaan aadnaan ka been sheegeyn isaga baxa deegaanadaas.

  4. kiing says:

    dad Qabiil ah, oo aad u jeedda ayaa dad deegaanadooda raba in dagaal ku qaadan iyagow watta magac diimeed , taasi ma liska yeelayaa, waaya waxaase muddan ninka cadaado weeraray , in uusan ahayn nin, cadaad maalin gudaheeda joogi karra, taas iyadda ah, waa la Ogaay waxii ka dhacay dowladdii kacaanka ahayd, oo mid ku awood ah aysan dalka soo marin waxii ka qabsaday magaaladda cadaado, macadallaahi urur xun oo xabashi rasaas inta sow siisay tirey al-shabaab la dagaalama marka danbana qabiil & argoosi la yimid .