Shirkan oo looga hadlayo arrimaha burcad badeed iyo xoojinta iskaashiga dowladaha kulaala bad-weynta Hindiya iyo badda cas, waxaan ka soo qayb gelin Dawladda Federaalka KMG ee Soomaaliya, laakiin waxaa ka soo qayb galay Itoobiya…
Khabiirada badaha in ka badan 14 dal oo isugu jira dowlado Afrikaan iyo Carab, iyo ciidamada ka hawlgala Xeebaha dalka Soomaaliya iyo Ururka badaha caalamka ayaa Siminaar lagu daraasaynayo, laguna baranayo shuruucda iyo dhaqagelinta xeerarka guud ee badaha iyo nidaamka xoojinta ammaanka badaha iyo ka hortaagga burcad-badeeda oo socon doona 3 maalmood ayaa uga furmey Hoteel Kempinski ee caasimada dalka Jabuuti October 11, 2010.
Furitaanka siminaarka ayaa waxaa ka Hadley Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Qalabeynta dalka Jabuuti Md, Cali Xasan Bahdoon, waxaa uu halkaasi ka jeediyey khudbad gaaban oo ku baxeysey luqadaha Faransiis iyo Ingiriis.
Halkan ka daawo sawirada Kulanka
Siminaarkan oo ay iska kaashadeen dowlada Jabuuti iyo ururka badaha caalamka ee fadhigiisu yahay dalka Ingiriiska ayaa la sheegay in lagu martiqaadey dalalka COMOROS, JORDAN, MADAGASCAR, ETHOPIA, MALDIVES, KENYA, MAURITIUS, SEYCHELLES, SUDAN, TANZANIA, YEMEN, DJIBOUTI, (SOMALIA inkasta oo aysan ku qornayn liiska hoose) IYO CIIDAMADA NATO IYO EUNAVFOR EE KA HAWLGALA XEEBAHA DALKA SOMALIA.
Liiska Dalalka ka qaybgalay kulanka ka eeg halkan
Laakiin, markii uu shirku furmay, (sida ku cad ajandaha shirka ee kor ku lifaaqan), dalalka ka soo qaybgalay shirka (Djibouti, 11 – 13 October 2010), waa: COMOROS, DJIBOUTI, ETHIOPIA, KENYA, JORDAN, MADAGASCAR, MALDIVES, MAURITIUS, SEYCHELLES, SUDAN, TANZANIA, iyo YEMEN (SOOMAALIYA Kuma jirto). Waxaa kale oo ka qaybgalaya Ciidamada EUNAVFOR iyo NATO.
Tababarkan (Mechanism of maritime Law- Enforcement) ayaa dabajooga xeerar hore (January 29, 2009) oo ku saabsanaa wada shaqaybta dalalka badaha leh iyo sidii loola dagaalami lahaa burcad badeeda. Waxaana kulankan cusub looga hadlaya farsamo ahaan iyo sharci ahaan sidii ay u wada shaqayn lahaayeen dalalka kulaala badaha.
DFKMG Soomaaliya, ayaan soo xaadirin shirkan looga hadlayo arimaha burcad badeed iyo xoojinta iskaashiga dowladaha kulaala badd weynta hindiya iyo badda cas, iyadoo aan la sheegin sababaha ay uga baaqsatey, hadana waxaa muuqda sida loo dayacey Xeebaha dalka Soomaaliya oo ay ka dhacaan saacad kasta falal aan waafaqsaneyn sharciyada u yaal Marin-biyoodyada guud ee dunida, islamarkaana su’aali ay ka taagan dalalka jooga qaarkood oo aan lahayn Marin- biyoodka.
Sida uu qoray ururka ECOTERRA Intl: “Waxaa maanta (11 October 2010), ugu yaraan 26 markab/doonyood oo shisheeye ayaa ku jira gacanta burcad badeeda Soomaaliyeed, waxaana maraakiibtaas saaran dad lagu qiyaasay 454 oo qafaalasho loo haysto – oo ay ku jiraan laba qof oo da’ weyn oo u dhashay Ingiriiska oo doontii ay wateen la qafaashay.” Arrimahaas ayaa dhacay xilli ay xeebaha Soomaaliya ku sugan yihiin maraakiib milatari oo dalal badan ka socda oo ay ku jiraan ciidamada reer Yurub. Waxaana warbixinadda ECOTERRA tibaaxday in si xad dhaaf ah maraakiib shisheeye ay uga kalluumaystaan xeebaha Soomaaliya.
F.G: Halkan ka eeg qoraal ka mid ah Ajendayaasha shirka ee loo qaybiyey saxaafadda.
Sidoo kale eeg: Liiska Dalalka ka qaybgalay kulanka ka eeg halkan
Sawirada: Halkan ka daawo sawirada Kulanka
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com
Sawirka oo weyn GUJI: Madaxweynaha DFKMG markii uu ka qayb gelayey shirkii UN –
Sawirkan waxaa la qaaday September 22, 2010 – Xuquuqda: http://www.flickr.com
DFKMG ee lagu soo dhisay Jabuuti ayaa muddo yar markii ay xilka haysey waxay heshiis is-afgarad la gashay Kenya, heshiiskaas oo ay wada saxiixeen wasiirkii qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ee DFKMG, C/raxmaan C/shakuur Warsame iyo wasiirka Arrimaha dibadda Kenya Moses Wetangula, heshiiskaas oo baylah gelinayey badda Soomaaliya waxaa markii dambe, ee kaddib markii shacabku ka hor yimaadeen, waxba kama jiraan (Null & Void) ka dhigay baarlamaanka DFKMG.
Akhri: Dhul-Badeedka Soomaaliyeed: Been aan gabasho lahayn oo si joogto ah la idiinku sheego. Qaybtii 3aad
Aslam caleykoum itiopia waxay matashaa puntland iyo somaliland
Acww.
Salaan kadib, walaalayaal itoobiya waxa ay matalaysaa dekedaha ay wax uga soo degaan ee maanta soomaaliya ka shaqeeya, dowlada kumeel gaarka ahna deked keliya inay u doodo wey la noqon weysay oo iska baaqatay baan filayaa.
Waad mahad santihiin somalitalk arimahaan iyo wixii lamidka ah ee aad noo soo ban dhigtaan.
Waxaa suaal madaxa iyo maskaxda daalinaysa maxaa loo casumay Ethiopia oo aan badba la hayn oo loo casuumiwaayay somaliya oo ah baddaha budhcad badeedu ka taagan tahay iyo mesha sharcidarada loo ga kaluumaysto? somaliya ayaa maanta u baahan siminaarkan oo kale si ay u gartaan xadgudubyadda ka dhacaaya badaheena
Wallahi waa yaab oo hadana waa yaab, wadada aan ku socono anigu magaran. Waxaad moodaa dhul, bad iyo dadba soomaaliya in lakala boobayo oo beritoole lamaqlo marka soomaaliya laga hadlayo ex Somalia.
Waana midaas waxa ay cadowgu habeen iyo maalin la daali la’yihiin. Ilaahow Qaadirow quwadaada garabkeenna ka yeel inta jecel soomaalinimada iyo islaamnimada. SOOMAALIYA GUUL, GOBANIMO.
Haddii ay Itoobiya joogtay Soomaaliya waxba loogama baahna maxaa yeelay in itoobiya oo aan bad laheyn lagu casuumo Soomaaliya oo leh xeebta ugu dheer Afrikana aysan liiska ku jirin hadhowna laga waayo miiska shirka waxay arrintaasi ka tarjumeysaa in meeshaa nalaku matalayay.
Marka aynu qiimeyno cidda inaku matali karta booskaasna waa ciddii iyadu aan bad laheyn bad ay magaceeda ku shir yimaadeen, waxayna noqoneysaa oo kaliya Itoobiya.
Waxaa intaa dheer in Itoobiya ay dooneyso inay xalaaleysato ayaamahan xwwbta Zaylac oo mar dhexdaa ah warar lagu kalsoonaan karo tibaaxeen in uu u saxiixay madaxweynaheenna barakeysan ee Sh. Shariif oo isagu ay ka dhab tahay in uu sarrifto fursadkasta oo uu is leeyahay waa dagan tahay si dalkiisa ugu faqri baxo.