Shir balaaran oo ay soo qaban qabiyeen ururka dhalin yarada Maakhir ee geeska Africa loogana hadlaayay arrimaha nabada ee gobalada Sanaag, Highland, Bari iyo Gobalka Jubbada hoose ayaa ka dhacay galinkii danbe ee shalay hotelka Nomad Place ee ku yaalo gudaha xaafada Islii.
Shirkaan oo ay kasoo qeyb galeen dad iskugu jiray rag iyo dumar ayaa waxaa inta badan diirada lagu saarayay Dagaaladii dhawaan ka dhacay magaalada Galgale ee ka tirsan gobalka Bari iyo dhibaatooyin kale oo ay sheegeen iney ka jiraan magaalooyinka dariska la ah halka dagaaladaasu ay ka dhaceen gaar ahaan magaalooyinka kala ah Dhahar iyo Baran.
ugu horeyna Siciid oo kamid ahaa masuuliyiintii lagu casuumay Shirkaas ayaa sharaxaad ka bixiyay sida ay hada tahay xaalada magaalada Galgala asagoona sheegay dhibaatada uu ka tagay dagaaladii dhawaan ka dhacay halkaas.
Waxaana sharaxaad dheer ka bixiyay asaguna safar dhulka ah oo dhawaan uu ku tagay Magaalooyinka Boosaaso iyo Baran C/qafaar Khaliif C/nuur waxuuna sheegay in dhibaatada xaga jid jooyada ah ee halkaas ka jirto ay aad u badan tahay asagoona intaas ku daray inuu wali muuqday raadadkii uu ay ka tageen dagaaladii dhawaan ka dhacay halkaas waxuuna ka sheegay dhibaatooyinka ugu waa weyn in ay kamid yihiin ciidamada Dowlada Puntland oo cadaadin ba’an ku hayo dadku marka ay u safrayaan magaalooyinka dariska la ah caasimada gobalka bari ee Boosaaso.
Ubax C/laahi Cartan ayaa iyaduna sheegtay in dhib aad u weyn uu ka jiro gudaha iyo agagaarada magaalooyinka Dhahar iyo Baran ayadoona ka codsatay maamulka Puntland iney u naxaan dadka shacabka ah ee halkaas dagan waxeyna sheegtay in Maamulku uu yahay mid u dhaxeeyo dadka oo markii hore loo dhisay inuu dadka wax u qabto balse anan loo dhisin in dadka lagu wax yeeleeyo.
Dhanka kale Gudoomiyaha Ururka dhalin yarada Maakhir oo soo qaban qabiyay shirkaan Suleyman Cisman Salax ayaa sheegay in shirkaan unan aheyn kii ugu horeyay ee ay qabteen balse waxuu gadafka ku dhuftay ineynan waxba kala dhaxeynin Ururka kale ee ay wada wataan Magaca Magaalada Sanaag ee la dhaho Sool, Sanaag iyo Ceyn (SSC) waxuuna yiri “Wax xiriir ah oo anan ka aheyn darisnimada iyo Soomaalinimada nagama dhaxeeyaan”.
Si kastaba ha ahaatee shirkaan oo ahaa maalin kaliya shirkii sadexaad ee ay Xaafada Islii hotelada ku yaalo ay ku qabteen Jaaliyad Beeleedyo Soomaaliyeed oo kala duwan ayaa waxaa halku dhigiisa laga dhigay,. Nabad, Hormar, Cadaalada iyo Isku duubni. Ayadoona ugu danbeyntii uu dadka ka hor aqriyay Baaq ka kooban Toban qodob oo wadajir ahaan ay
u soo saareen Jaaliyada Maakhir ee Magaaladan Nairobi Cabdulahi Adan Ciid.
Baaqaan oo ku wajahanaa Dowlada Puntland ayaa sida ay sheegeen waxaa lagu taageeray baaq kale oo ay Odayaashu horay oga soo sareen Gobalda Sanaag iyo Bari.
Waxaa kaloo kamid ahaa baaqa in si sharuud la’aan ah ay dowlada Puntland oga qaado cunaqabateynta ay ku soo rogty deegaanada kala ah Galgala, Af-urur, Marajo, Ceelaayo iyo inta ku hareereysan sidoo kale waxaa ku sixiixnayeen baaqaan Waxgaradka iyo Odayaasha Jaaliyada Sanaag, Haylan, Gobalka Bari iyo waliba Gobalka Jubbada hoose ee ku dhaqan geeska Africa gaar ahaan wadanka Kenya.
Ugu danbeytii Maamul gobaleedka Puntland oo loo soo jeediyay baqaan ayaanan la ogeyn sida uu u fulin doono Codsigaan inkastoo Puntland ay tahay meel ay ka jirto nabad wanaagsan maamul fiicana leh marka loo eego qeybaha kale ee Somalia oo ay kamid tahay magaalo madaxdii Somalia ee Muqdhisho.
Abdisalan Mohamed Ali (Najah).
najah.moha@gmail.com
najax@journalist.com
Nairobi-Kenya.
Halkan ka daawo Sawirada Kulanka Nairobi
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.