Jaamacada moqdisho ayaa maalintii axada taariikhdu markeey aheeyd 10_10_2010 ku qabatey magaalada boosaaso xaflad aay ku soo xirtey, waxa aay ugu magacdartey ee “cultural week” isbuuca hidaha iyo dhaqanka.isbuucaas oo ah isbuuc aay sanad weliba qabato jaaamacada moqdisho si aay u barto Ardadeeyda dhaqanka soomaaliyeed isla mar ahaantaasna wexeey kaloo isbuucaas ku bartaaan hanaanka iyo sharciga jaamacada moqdisho.
isbuucaas ayaa waxaa casharo ka bixiyey macalimiin jaamacada wax ka dhigta iyo aqoonyahno ku hoowlan arimaha waxbarashada iyo dhaqanka soomalilyeed.xafladaas ayaa waxaa ka soo qeeyb galay madax kala duwan oo aay ka mid yihiin.ku xigeeynka waxbarashada gobolka barri mudane:muuse jabriil caras iyo madax kaloo ka kala socotey hay’adaha waxbarasho ee k a howl gala puntland sida hay’ada wadaniga ah ee Tadamun iyo dallada waxbarashada puntland “pen” kuwaasoo aad u cadeeyey In aay ku faraxsanyihiin waxqabadka jaamacada.waxaa kaloo goobta ka Hadley madax ka tirsan jaamacada moqdisho sida mudane : bashiir maxamed sheek iyo mudane Aadam xuseen (xeroow) ayagoo sheegey in jaamacada moqdisho u taagantahay adeega bulshada soomaaliyeed ayagoo mudnaanta siineeysa waxbarashada iyo kor u qaadida dhaqanka iyo usluubta fiican.
ma aha markii ugu horeeysay ee jaamacada soo qaban qaabiso isbuucan oo kalle.balse sanad kasta biloowgiisa ayeey jaamacada moqdisho sameeysaa mashruucan ayadoo uga dan leh in aay kobciso caqliga ardayda cusub eek u soo biirey bahda waxbarasho ee jaamacada. Mid ka tirsan shaqaalaha jaamacada oo la yiraadho mudane :maxamed cabdi xaashi (Asad) ayaa wuxuu ku tilmaamey In sanadkaan howsha isbuuca dhaqanka iyo hidaha uu si habsami socod leh u fuley.hadii la firsho casharada iyo waxqabatka goobtaas ka fushey
Jaamacada moqdisho waa jaamacad wadani ah waxaa la furey sanadkii 1997.xarunteeyda ugu weeyn wexeey ku taala magaalada moqdisho wexeey xarun ku leedahay magaalada xeeybta ah ee boosaaaso ayadoo xaruntaas la furey 2008.
Qore
Cabdul fitah Nur Ahmed (Ashkir)
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.