Home » Maqaallo »

Faalo: Fashilka ganacsiyada yar-yar ee soomaalida ? (1)

Hordhac

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Faaladaan ayaan rajeynayaa in aan kaga hadlo fashilka ku yimaado ganacsiyada yar yare ee soomaaliyeed waxyaabaha sababa , iyo sida ay ganacsatadu ugu gudbi karto aniga oo faaladeyda ku  jeex jeexi doona sida ay yihiin iyo kuwa keena fashilkaa iyo bur-burkaa .

Ganacsiga ayaa ah  mid uu yaalo tartan ama loolan aad u badan oo dadka baayacmushtariga ah  kaga yimaado dhinacyo farabadan si weyna u saameynaya hanka iyo himilooyinka ay ku taamayaan in ay fuliyaan .

Hadaba waxaa jira ganacsato farobadan oo hadafyadooda u mara in ay ku fuliyaan si ay ku dheehan tahay wadajir, iskaashi iyo isfahan  sidaa darteed waxaa marag ma doonta ah in dadkaasi ay soo wajahaan arimo badan oo sababa inay ku fashilaan muraadkoodii & inay gaadhaan Himilooyinkoodii, mararka qaarkood waxaa dhacda in Mashruuc lagu bixiyo wakhti badan, kharash badan, soo jeed iyo dhafar. laakiinse markii la hirgaliyo ay dhacdo in la xifdin Kari waayo lagana badbaadin Kari waayo fashal iyo burbur, meel cidla ahna lagaga dhaqaaqo.

Ma aha wax ku cusub dunida ganacsiga arimaha noocaan ah waxaa ugu dambeeysay 2008 bur-burkii shirkada mareykanka laga lahaa ee  lemon brothers oo ahayd hay’ad bixisa adeegyo maaliyadeed sida maalgelinta i,w,m .

Marka aad u fiirsato aas aaska fashilkaan oo taariikhda ku yeeshay baal madoow waxaad arkeysaa in ay isaga dhaw yihiin arimaha aas aaska u noqday ama sababay in lagu daro liiska kuwa fashilmay .

Taa macnaheedu ma’aha inuu fashilku yahay Miino (khaldaa ma saxo) oo hadii aad mar fashilanto inaadan dib wax u saxi Karin, balse in badan wuxuu ku dhaxalsiiyaa khibrad & waayo aragnimo kugu xanbaarta inaad dib u saxdo wixii kaa khaldamay, cagtana aad la hesho toobiyaha & tubta toosan. Akhristaw waxaan qoraalkan uga dan leenahay bal inaan wax ka bidhaamiyo asbaabaha keena inay fashilmaan Mu,asasaatku ha ahaadaan kuwo dacawiya,samafal,waxbarasho iwm.Iyadoo ay badan yihiin Asbaabtaasi waxaan ka tilmaami karaa kuwan soo socda oo ay iila muuqatay inay yihiin kuwa keena fashilka & burburka  :-

1- Aqoon Daro xaga ganacsiga ah :  Iyadoo ay aqoontu guud ahaan tahay furaha guusha , tan keenta in la soo hooyo guulo waaweyn oo wax ku ool ah oo lagu noolaado ayaa hadana  hadaan la yeelan aqoontii loo baahnaa ee lagu hogaaminlahaa ganacsiga ay tahay hubaal  inuu soo degdegayo fashal & burbur baaxad leh oo aan la hor istaagi karin. Hadaba si fashil looga baadbaado waa in kor loo qaado heerka aqooneed ee ay leeyihiin hawl wadayaasha ururada ganacsi .

2- Khibrad daro : khibradu qiimo aad u weyn bay ku fadhidaa marka laga hadlayo in isbadel la sameeyo ama in qof shaqo loo diro, mararka qaarkoodna waxaa dhacda in qof lagu xusho khibradiisa isaga oo aan markaa la eegin inuu shahaado wato & in kale. Hadaba haday dhacdo in dadka shaqada wadaa aanay lahayn wax khibrada waxaa hubaala in dhibta ay ururkaa ganacsi u  keenayaan ka badanayso dheeftoodo. Sidaa daraadeed waa in qiimo weyn la siiyaa khibrada iyo waayo aragnimada uu leeyahay qofka hawsha loo dirayaa.

3- Khawaadir yari: Ururada ganacsiga  iyo hayadaha waxaa hogaamiya horumarna gaadhsiiya dad ku sifoobay aqoon iyo waayo aragnimo aqoon xeel dheerna u leh hawsha ay qabanayaan, kana badbaadiya fashalka, una ifiya dhabada saxda ah, soona bandhiga talooyin wax ku oola oo uu ku shaqeeyo Ururku ama hay’adu ama Dowladu. Hadaba hadii ay yaradaan kawaadirtaasi waxaa marag ma doona in mu’asasadaasi dumayso. Si hadaba fashal looga badbaado waa in la diyaariyo laguna tabco hogaamiyayaashii Bari hanan lahaa urukan ama hay’adan .

4- Kalsoonida oo lunta: kalsoonidu waa halbowlaha shaqada, waa ta keenta in mudo badan la wada socdo, hawlana la wada wado. Waa ta keenta inaan dhaliilaha loo fiirsan khalad kasta oo yimaadana lagu qaabilo niyad wanaag & in la isu cudur daaro. Hadaba hadii kalsoonidu lunto waxaa meesha soo gala in la istuhmo, in la is lugooyo, in khaladkii yimaadaba qolo gaara loo tiiriyo, inaan wanaaga la isu qirin, in laga shaqeeyo sidii ururka ama hay’adaba loo mijo xaabin lahaa, in la isku been abuurto, in sumcada la iska weeraro, in dadkii shalay wada socday cadow isu noqdaan iwm. Haday taasi dhacdo waxaan filayaa inaan guul loo fadhiyin, jabkuna yahay ka lagu tashaday, xaaladu sida ay ku danbaynaysana waa mid la saadaalin karo.

Si kalsoonida loo xoojiyo waa in la fiiriyaa shaqada qofku qabanayo ee aan isaga shaqsiyan loo eegin, waana in malaha la isu wanaajiyo Lana gartaa qofku isaga oo is leh wax hagaaji inuu khalad gali karo.

5- Khilaafaadka Daakhiliga ah: hadii Muranka iyo is Maandhaafku bato, hadii la kala dhamaan waayo, hadii gaadhiga Nin isteerinka qabto Nina bireega qabto, hadii la isku wareero, hadii qofba qofka kale dhibsado, hadii la isku xajiimoodo. Waxaa xaqiiqa in dadkaasi aanay meel gaadhahayn, noqonayaana kuwo iyagu door biday inay fashilmaan iyaga iyo ganacsigoodaba. Si arinkaa looga badbaado waa in laga fogaadaa sababaha keena Ismaandhaafka, aqoona loo yeeshaa sida loo maareeyo khilaafaadka, Lana xoojiyaa sababaha keenaya wadajirka & Midnimada.

6- Dhaliilaha oo laga Faaiidaysan waayo: Cid kasta oo ku dhaliilaysaa maaha inay ku neceb tahay ama ay doonayso inay ceebahaaga faafiso ee waxaa jira dad badan oo la jecel ururka ama hayada ama Dowladaba wanaag iyo horumar, doonayana inaad khaladaadkaaga saxdo , marka laga yimaado kuwa adiga wanaag kula jecel xitaa waxaa laga faa’iidaystaa dhaliilaha cadawgu kuugu duur xulayo. Hadiisa ay dhacdo inaan dhaliilaha la dhagaysan qof kastana lagu tuhmo inuu cadaw yahay ama uu leeyahay dano gaara, una socdo inuu wax dumiyo waxaa xaqiiqa inuu fashalku soo degdegayo ayna adag tahay in la baajiyo.Si aan loo fashilmin waa in dhaliilaha la qaataa Lana dhagaystaa, oo la saxaa khaladaadka farta lagu fiiqayo, Niyad wanaagna la muujiyaa.

7-   Talooyinka oon dhag jalaq loo siin: Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa Talada adigaa ku nool ee iyadu kuguma noola. Waxaa jira dad badan oo ilaahay waafajiyo talada saxda ah, in badana soo bandhiga talooyin wax ku ool ah oo hadii la dhagaysto lagu badbaadayo laguna badhaadhayo laakiinse waxaa isku fuuqsada boqolkaan aqaan kaa akhrisan maayo, gabyaagii soomaaliyeedna waa tuu lahaa Dhaaxaan jalaalugay Dheg baan jalaq la ii siine.

Hadiise lagu gacan saydho talooyinka iyo waanooyinka ay soo jeedinayaa dadka Talo qabeenka ahi waxaa laga dhaxlaa inaan hore loo socon, fashalkuna noqdo midhaha la goostay ee lagu khasaaray. Si hadaba fashil looga badbaado waa in talooyinka la qaataa Lana weeleeyaa laguna dhaqmaa.

8-   Anaa quman: Waxaa dhacda in la horumar laga sameeyo dhinacyo badan ayna suura gasho in wax badan oo lagu fakarayay loo badalo ficil muuqda oo la arki karo. Guulahaas la gaadhay waxaa ka dhashay marar badan in la is mahadiyo Lana moodo in isku filnaansho la gaadhay cid loo baahan yahayna ayna jirin, cagtana lala helay dhabadii saxda ahayd.

Hadii aragtadani noqoto mid saameyn yeelata waxay sababtaa talo xumooyin badan, ka fiirsasho la’aan, iyo in la garan waayo in ibnu aadanku daciif yahay baahida iyo dacfiguna yihiin kuwo ku lamaan basharka oo aan ka zuulayn. Si arinkaa looga baadbaado waa inaan la is mahadin. Lana fahmaa in qabku sababo guuldarooyin naxdin leh.

Anaa dunida kaligey leh baa koofil eersaday ** Kaskiiba ma gelin wiil yarbaa keebka kuu qabane ** Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa hala ogaado.

9-  Qorsheyn la’ aan:  Si hawshu habsami ugu socoto waa inuu jiraa qorshe degsan oo la raacayo si loo xaqiijiyo ahdaafta qiimaha badan ee la isku waafaqay in la gaadho. Qorshayaashaas oo la fulinayo hadba inta awoodu gaadhsiisan tahay. Laguna xadeynayo mudooyin loogu tala galay in marba mid la fulsho. Laakiinse waxaa dhacda in ururo ganacsiyo badani karti u yeelan waayaan inay la yimaadaan qorshe cad oo ay ku hawl galaan xubnahoodu, taasi oo keenta in wakhti badani lumo ka dibna lagu kala dhaqaaqo, qof kastaana si shaqsi ah u tashado ururkiina noqdo magac u yaal aan wax qiimo ah lahayn.

Waxaa laga yaabaa inaad wax badan aragto urur ay xubnihiisu aad u badan yihiin laakiin ku fashilmay in wax qorsha ah uu la yimaado. Si taa looga baadbaado waa inaan la moogaan inaan qorshe la’aan meel la gaadhi Karin laguna guulaysan Karin ujeedooyinka la rabo in la hiigsado. Sidaa darteed waa in qorsheynta la siiyaa ahmiyad gaara Lana daraaseeyaa oo la bartaa hababka & qaababka qorsheynta loo sameeyo. Waxaa la yidhaa hadaadan waxba qorshayn waxay la micna tahay inaad fashil qorshaysay.

10-  Fulin la’aan: Waxaa la isugu yimi oo hay’ada ama ururka loo sameeyay in la fuliyo hawl galo muhiimadooda leh taasi ayaa sababtay in la isa soo uruursado Lana door bido in hawshan la wada qabto, taasi ayaa sababtay in qorshe la diyaariyo si loo fuliyo.

Akhristaha qaaliga ahow waxaase dhacda in marar badan lagu guul daraysto in hawshii la fuliyo shaqaduna ay soo dhaafi weydo afkaar qurux badan oo maskaxda ka dhex guuxaysa.

Hadaba haday meesha ka baxdo in qorshihii la fuliyo waxaa iska cad inaanu qiimo samaynahayn magacan quruxda badan ee lala baxay iyo jagooyinkan faraha badan ee lagu taxay xubnaha ururka sida gudoomiye, ku xigeen, xoghayan, xisaabiye, gole tashi, gole fulin iwm. Sidaa daradeed waa inaan garano in qiimuhu yahay waxa la qabtay ee aanu ahayn waxa la qoray.

Waa socotaa …………………………….

W/Q : Ahmed Mohamed Rooble

Amrooble10@hotmail.com

Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan.

Mahadnaq :

Waxaan u mahad celinayaa waalidiinteyda oo igu soo barbaariyay waxbarashada iguna dhiirigeliyay sidoo kale waxaan u mahad celinayaa walaalkeey c/fataax maxamad Rooble iyo walaalkey c/wali maxamuud Faarax .

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Faalo: Fashilka ganacsiyada yar-yar ee soomaalida ? (1) "

  1. Aad iyo aad ayaan kuugu mahadcelinayaa sida kooban ee nuxurka badan ee aad u diyaarisay Faaladaan. Halkaa ka sii wad waa talooyin loo baahanaa in ay aqoonyahanadda wax ka qoraan, allahana ajir kuugu badalo. waxayna muhiim u tahay in loo huro in badan waqti sidii shacabka loo talo siin lahaa arimahoodda Ganacsiga la xariira iyo dhan walbada.

  2. qoraagu aad ayuu ugu mahadsanyahay sida qiimaha leh ee uu waqtigiisa ugu quuray in uu soo diyaariyo qormadaan loo baahnaa iyo waliba qeybteeda labaad,
    aad ayaan u jecleestay , markalena waan kaaga mahadcelinayaa sidaad aniga iyo umada kaleba ugu faa’ideesay

  3. Abti aad iyo aad ayan ugufaraxsanahay dadaalka dheeraad ka oo ad kuhoowlantahay hadana sii 2laab insha allah ee Mahadnaqa ha iga hilmamin Tike

  4. abshiroow says:

    masuul sare sidaas ayaan kaa rabaa igu wad maqaalada waxaanse ka sii jeclaan lahaa adigoo hadlaayo in ay dadka arkaan aftahan xigmadle ah ahmed Rolbe

  5. Yonis says:

    Marka hore waan idin salaame bahda Somalitalk & Walaalka inoo soo diyaariye qormadaan dheer ee xiisaha leh, waa mid fursad fiican u ah inteena ku hoolan ganacsiga kala duwan.. waxaane ku leeyaha walaal meesheeda inooga sii wad qoraaladaan anfacaada inooleh; adigane Allaha Ajir badan hakaasiyee.

    Mahad sanidiin dhammaan.