Home » Warar »

Meles Zenawi oo isku shaadheyn ku sameeyey Dowladdiisa Cusub

Seyoum Mesfin oo aan ka soo muuqan Dowladda Cusub … Laakiin lama bedelin wasiirada la sheegay in ay ugu muhiimsan yihiin xukuumadda Zenawi sida Difaaca, Maaliyadda, Waxbarashada, Arrimaha Federaalka, Garsoorka, iyo Beeraha….

Dhawaan ayay ahayd markii Ra’isul Wasaaraha Dalka Itoobiya Meles Zenawi  dib loogu doortay in xilka uu sii hayo muddo shan sano ah kadib markii ay doorashooyin ka dhaceen deegaanada ay ku nool yihiin qoomiyadaha kala duwan ee dalkaasi Itoobiya. Inkasta oo doorashadaas muran sharciyeed ay ka muujiyeen beesha caalamku kaddib markii Xisbiga (EPRDF) ee Zenawi uu helay 545 kursi oo kamid ah 547 ee uu ka kooban yahay baarlamaanku. (2 xubnood oo qura ayaan ahayn xisbiga Zenawi.)

Maalmihii la soo dhaafay oo si aad ah loo hadal hayey qaabka uu u soo dhisi doono Meles Zenawi ayaa waxaa la soo hor dhigay Baarlamaanka gole wasiiradeed oo ay ku jiraan wajiyaad badan oo cusub iyo iyadoo laga waayey wajiyaal hore mudo ugu soo jiray dowladda Meles Zenawi uu hogaamiyo, waxaana ka mid ah Wasiirkii Arrimaha Dibadda Seyoum Mesfin oo mudo 20 sano ku dhow xilkaasi hayey, ilaa iyo hadana lama oga sababaha Mesfin looga reebay Dowladda hase yeeshee Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya ayaa mar uu ka hadlayey Golaha Baarlamaanka oo uu soo hor dhigay dowladdiisa ayaa waxa uu si aad ah u ammaanay Seyoum Mesfin oo uu sheegay in uu ahaa nin daacad u ahaa qaranka isla markaana wax weyn ka qabtay siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya.

Meles ayaa waxa uu sheegay in Mesfin uu qayb ku lahaa halgankii ay xukunka ku qabsadeen sanadkii 1991-dii gaar ahaan bishii May 18-keedii, waxa uuna sheegay in uu Mesfin yahay nin aysan hilmaami doonin shacabka Itoobiya, waxa uu intaa ku daray in Mesfin uu yahay nin aan Talaadiisa looga maarmin dalka.

Meles Zenawi iyo Mesfin ayaa ka soo wada jeeda Qabiilka Tikreega ee talada wadankaasi haya ayaa  warar kale waxay sheegayaan in laga yaabo in loo googol xaaro in uu noqdo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya mustaqbalka dhow. Hase yeeshee warar kale ayaa waxay sheegayaan in sababaha uu Mesfin uga soo dhex muuqan waayey dowladda cusub ay tahay khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Ra’isul Wasaare Meles waxaana xilka Wasiir arrima dibadeedka loo dhiibay nin lagu magacaabo Haile Maryam Desalain waxa uuna ninkaani macalin ka ahaa Jaamacadda Magaalada Adis-Ababa waxaana xilka Wasiirka arrimaha dibadda u wehliya isaga oo noqonaya Ra’isul Wasaare ku xigeen.

Wakaaladda wararka ee Reuters waxay Xayla Maryan ku tilmaantay mid aan hadal ku soo celin Zenawi (loyalist). “Waxa keliya oo uu bedeley waa farsakii hore oo uu ku bedel fardo la farac ah,” sidaas waxaa Retuers u sheegay Beyene Petros oo ah afhayeenka xisbiga mucaaradka ugu weyn ee Medrek, oo hadalka intaas raaciyey “Dadka sida Hailemariam waa kuwo aan ‘maya aqoon (yes man)’ oo aan lahayn si madax bannaani u fekerid. Waxa kaliya o oay raacaan waxa xisbigoodu u sheego.”

Dowlada cusub ee Itoobiya ayaa ka kooban 20 wasiir waxaana 12 ka mid ah ay yihini kuwo cusub waxaana xilkiisa loo dhaafay Wasiirkii Gaanshaadhiga Siraj Fagase oo mudo soo hayey xilkaasi. Waxaa kale oo xilkoodii aan laga bedelin wasaaradaha Maaliyadda, Garsoorka, caafimaadka, waxbarashada, beeraha iyo arrinaha federaalka, arrintaas oo warbaahinta caalamku ku tilmaantay in kala bedelidda wasiirada ay tahay qaab uu Zenawi xukunka u sii xoojisanayo.

Haddii aan u soo laabano dhanaca Soomaalida waxa uu ku daray la wasiir, oo kala ah C/raxmaan Sheekh Maxamed (C/raxmaan Gurey) oo loo magacaabay Wasiirka Ganacsiga waxa uuna ka soo jeedaa deegaanka Dhagaxbuur, sidoo kale waxaa xilka Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada loo magacaabay  C/fitaax Sheekh C/llaahi oo ka soo jeeda Magaalada Jig-jiga, hase yeeshee waxaa xilkiisii waayey Maxamuud Dirir oo isagu muddo hayey wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska waxaana xilkiisii lagu bedelay nin ka soo jeeda Qowmiyada Cafarta.

W/D  Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail   amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.