Home » Faallo »

Waxaan u hibeeyay Qormadan Dr. Maxamed Aadan Sheekh (Mas’uul dalkiisa nooleyn jiray kamana noolaan jirin)

Waxaa magaalada Torino ee dalka Italy ku geeriyooday Allaha u naxariistee Dr. Maxamed Aadan Sheekh oo xilal kala duwan ka soo qabtay Dowladdii Kacaanka, waxaana halkan ku soo koobeynaa Taariikhdii Marxuumka, anigoo ugu mahad celinayo soo aruurinta Taariikhdan Aabahey Muxiyaddiin Cali oo ay soo wada shaqeeyeen Marxuumka iyo Wargeyska Xiddigta Panorama oo saaxiib uu la ahaa Dr. Maxamed Aadan Sheekh.

Soomaalidii soo jirtay iyo kuwii ku dhex garaadsaday xiligii Kacaanka intaba waxay fikrad isku dhaw dhaw ka haysan karaan doorkii qof ahaaneed ee Dr. Mohamed Aadan Sheikh muddadii xilalka siyaasadeed uu ku magacaawnaa. Dad baa si gaar ah u yaqaan, laakiin taariikhdu ayaa maanta xuseyso Dr. Maxamed Aadan Sheekh.

Dr. Mohamed Adan Sheikh wuxuu ku dhashay Mogadisho, waxbarashadiisa aasaasiga ilaa midda dugsiga sare iyo ka horna waxbarashada Quraanka kariimka wuxuu ku qaatay Muqdisho iyo meelo kale oo Somalia ka mid ah. Dabadeedna tababarka macalamiinta ayuu soo maray, isagoo macalina soo noqday muddadii ka dambaysay bartamihii qaranigii la soo dhaafay, xiligaasoo xukunka dalka uu ku hoos jiray maamulkii ‘AFIS” Aminstrasione Fiduciario Italiana Somalo ee ka mas’uulka ahaa xornimo gaarsiinta Somalia. Sannadkii 1958kii ayuu waxbarasho sare u aaday dalka Talyaaniga isagoo Jaamacadaha Talyaanigana ku soo dhamayeystay cilmiga takhtarnimada.

Qalin jebin iyo cilmi baaris kadibna wuxuu kasbaday inuu darajo sare ku qaato shahaaddada loo yaqaan (M.D.) “Medical doctor” una dhiganta “PhD”. Cilmiga daaweynta guud iyo midda gudaha ka sakow, wuxuu si gaar ahaaneed ugu takhasusay Qaliinka”. Muddadii uu waxbarashada u joogay Talyaaniga wuxuu kaloo soo qaatay aqoon iyo tababaro kale ee la xiriiray Culuunta guud oo si khaas u baran jiray maadooyinka sida culuunta siyaasadda, falsafadda iyo sharciga. Weligiisna ma faaruqin jirin maktabadaha iyo xarumaha kale ee cilmi baarista.

Dr Mohamed Aden Sheikh oo bilad u xeraya Muxudiin Cali,
oo ku mudeystay howlkarnimada Wasaaradii Warfaafinta 1980.

Isaga iyo aqoonyahano kale ee Soomali ahna waxay xiriir dhinaca aragtida cilmiga ah iyo mabda’ba la lahaan jireen dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed ee dhinaca bidixda lagu tiriyo iyo ururo kale ee waagaa loo yiqiin xoogagga horusocod ah, xiliyadaasna ay si weyn uga dhex muuqdeen siyaasadaha waddanka talyaaniga. Waxay maqaal-qore “Columnist” ka ahaa qaar ka mid ah wargeysyada caanka ah eeTalyaaniga ka soo baxa, sidoo kale Dr. Mohamed intuu qalin jebin ka hor wuxuu ka mid ahaan jiray Tifaftirayaasha iyo guddiga qoraalka (Editorial Board) majalado dhinaca cilmiga iyo siyaasadadaha la xiriira, kana soo bixi jiray qaar ka mid ah Jaamacadaha iyo xarumaha akadamiyayaasha waaweyn ee dalkaTalyaaniga.

Dr. Mohamed yaraantiisii kuma soo barbaarin Miyiga iyo dhululka nolosha-adag, cimilada kuleylahana leh ee dadka Somalida ee reer-guuraaga ahi ku nool yihiin, gaar ahaan deegaannada beeshiisu degto. Wuxuu ka soo jeedaa qoys reer magaal ah, Ilbax ah, oo magac iyo taariikhba ku leh magaalada Xamar iyo gobolo kale.

Wuxuu qoraa ka noqday dhawr wargeys iyo majalado iskugu jiray, waxaana laga xusi karaa journaalkii afka dheeraa “La Tribuna” ee Dr. Ismail Jumcaale tifaftiraha ka ahaan jiray. Sidoo kale, Dr. Mohamed Adan isagoo ogsoon inay waddanka ka jirtay xaalad takhtar la’aaneed darteed ayuu si mutadhacnimo ah ugu shaqayay isbaddalka guud ee Digfeer, isagoo adeegsanaayay xirfaddiisa dhinaca qaliinka ah. Taakhtiirta Soomaaliyeed berigaas way tiro yaraayeen, kuma filnayn inay daboolaan baahidii waddanku u qabay.

Afartan jir ayuu ahaa 1dii Nofeember 1969 markii ugu horeysay ee loo magacaabay xil siyaasadeed. Wuxuu noqday Xoghayahii Dawladda ee Wasaaradda Caafimaadka. Wuxuu Dr. Mohamed Aadan Sheikh ka mid noqoday 14 xubnood ee loo magacaabay xilalkii Wasiiradii ugu horeeyay ee dawladda Kacaanka soo magaacwdo, welibana nasiibku siiyay inuu ka mid noqdo aqoonyahanno iyo siyaasiyiin rayid ah ee si gaar ah loogu soo xulo aragti ay aaminsanaayeen, aqoon, karti iyo halgan siyaasadeed oo ay kaga soo horjeedi jireen nidaamki kacaanku ka horreeyay, kuna tilmaami jiray “Musuqmaasuqa”.

Markii Kooxdii Militarigu Xukunku la wareegeen, Dr. Mohamedna noqday Wasiirkii Caafimaadka, ayuu sii waday halgankiisii ku saabsanaa inuu dalka helo aqoonyahanno iyo takhaatiir soomaaliyeed ee dabooli kara baahida waqtigaas loo qabay. Wuxuu xukuumaddii Kacaanka u horkacay in aasaaska loo dhigo abuuritaanka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. marka hore waxaa lagu bilaabay in heer jaamacadeed la gaarsiio sannadkii 1971kii Istatuutadii laga baran jiray qaanuunka iyo dhaqaalaha, waxaa kaloo la abuuray markii ugu horreysay kuliyaddii “Medicina”.

Sanadkii 1972dii waxaa laga dhigay Wasiirka Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare. Wuxuu kaloo guddoomiye ka noqday Guddigii Farsamada ee Jaamacadda

Dr. Mohamed noloshiisa iyo taariikhdiisa qofeed waxaa xusuus waarta oo aan hari doonin ku noqon doontaa kaalintii uu ka ciyaaray soo saarista qoraalkii iyo faafinta “Far Somaliga. Wuxuu Guddoomiye u ahaa Guddigii Qaranka ee Qoraalka Far Somaliga. Waxtarka kale ee xusidda mudan, waxay tahay isagoo fekerkeedu lahaa, aasaaskana u dhigay abuuritaankii Madxafkii waddaniga iyo Makatabaddii Qaranka.

Macalinkii Kacaanka kuma faraxsanayn, dhaqankiisuna kuma jirin qof aan isaga ahayn inuu magac yeesho, laguna qiimeeyo firfircoonadiisa dheeriga ah, sumcad iyo taariikhdna ku ku dhex yeesho bulshada dhexdeeda, sidaas darteedna Dr. Mohamed Aadan dadaalkiisii waxaa loogu abaalmariyay dabayaaqada sannadkii 1974 in laga wareejiyo Wasaaradda, welibana wuxuuna ku mutaystay in la xiro, kuna soo qaato xabsigiisa meel ka mid ah xeebaha badda cas ee gobollada waqiyi Bari (7Sano) , isagoo ku eedaysnaa inuu ka dheereeyay xiinkiisa, waxaa kaloo looga shakiyay isaga iyo saaxiibkii Dr. Mohamed Yusuf Weyrax oo isku waqti la wada xiray aragtiyo siyaasadeed oo ay aaminsanaayeen. waxaana marka la xukumaayana loo tixgeliyo qodobkai 54 ee soo baxay 1970 taasoo Guddoomiyahii Maxkamaddii Badbaadada Qaranka Jaalle Sareeye Guuto Mohamuud Geelle Yuusuf u jideynaysaa inuu ku dhawaaqo xukunka lidka ku ah naxaariista dadka aadamiga ah kaasoo ah dil toogasho ah oo aan kadaba hadal lahayn, yacnii aan rafcaan laga qaadan karin, si la mid ah tii ay mutaysteen Alle ha u wada naxariistee Salaad Gabeyre, Mohamed Caynaanshe iyo sarkaalkii lagu magacaabi jiray Abdulkadir Dhayl.

Markii la soo daayay kadibna, 1975-1976 wuxuu xubin ka noqday Guddigii Siyaasadda Golihii Sare ee Kacaanka. Guddigaas iyo Xafiiskii Siyaasadda Qarankaba waxay si wada jir iskaga kaashan jireen aasaaskii Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed. Xiliyadaas waxaa iskugu dubba dhacsanaa, heer sarena maraayay Xiriirkii iyo iskaashiyadii dhinac walba ee lala lahaan jiray Midawgii Sofiyeeti iyo beesha dawladaha Hantiwadaagga ah dowladaha reer galbeedka.

Maxamed Aadan waxaa looga maarmi waayay inuu maareeyo xiriiradaas oo dhan kuna habeeyo barnaamijka iyo himilada aasaaska Xisbiga Hantiwadaagga ah. Muddadii uu socday Shirweynihii Aasaaska Xisbiga Hanitwadaagga ah Dr. Mohamed Aadan Sheikh wuxuu ahaa Guddoomiyaha Xogheynta Shirweynaha. Markii lagu dhawaaqay Golihii Dhexe iyo hey’adihii Hoggaaminta Xisbiga, Dr. Mohamed Aadan Sheikh wuxuu xubin ka noqday Golihii Dhexe ee XHKS, waxaana loo doortay inuu noqdo Guddoomiyihii Hoggaanka Ideolojiyada iyo Qoraha sare ee Wargeyska “Halgan” ee ku hadla Codka Golaha Dhexe.

Muddadii uu Xarunta Dhexe Xisbiga joogay, 1976-80 Dr. Mohamed Aadan Sheikh wuxuu kaloo ka xilsaarnaa inuu micneeyo falsafaadda siyaasadeed iyo kaalinta hoggaaminta Xisbigu ee amuuraha qaranka, diyaarinta warbixinnada Golaha Dhexe iyo qoridda Khudbada Madaxweynaha. Laakin muddadaas wuxuu sameyay dalaal badan oo aan haddana mar kale raali looga noqon. Wuxuu sannadkii 1979 dhidibbada u taagay, abauurayna isagoo kaashanaya aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ay saaxiib ahaayeen, sida Prof. Hussein Mohamed Adan “Hussein Tanzania” Ururkii Cilmi baarista Soomaaliyeed “Somali Study”, ururkaasoo shirweynahiisa xubno ay ka yihiin aqoonyahano iyo qubaro caalami ah iyo Somali dhammaantood ku xeeldheer daraasadaha dhinac walba ah ee khuseeya arrimaha Somaliya iyo guud ahaan midda mandiiqadda. Waxay daraasado cilmi ah ka diyaariyaan taariikhda, dhaqanka iyo arrimaha nolosha iyo deegaanka Somaliya oo dhan ku xiran sida siyaasadda, Ideolojiyada, Dhaqaalaha iyo xiriirarada caalamiga, Afrika, si gaar ahna bariga Afrika iyo midda gobolka.

bartamihii sannadkii 1982 ayaa laga wareejiyay xilkii Wasaaradda Warfaafinta, loona wareejiyo Akadamiyada cilmiga, fanka iyo Sugaanta oo isagu horay u abuuray loogana dhigay Guddoomiyaheeda. Markii magacaabistaas soo baxdayna ma jirin naxdin ka muuqatay, sida lagu yaqiin dareenka qaar ka mid ah madaxda oo haddii xilkooda la geeyo mid ka hoysaysa tii laga keenay ay u qaadan jireen sida in dhulkii lala gooyay.

Dabeecadaha shaqsiyadeed ee Dr. Mohamed Adan ayaa weligeed waxaa ka mid ahaan jirtay inta badan markuu shaqo hayn ama waajibaad kale gudanayn inuu waqtiyadiisii kale u huro akhrinta buugagta cilmiga ah, sheekooyinka iyo wargeysyada caalamiga, diyaarin qoraalo iyo daawashada Aflaamta. Gurigiisii wuxuu u muuqday sida naadi oo kale iyo maktabad habaysan, badina ay ku soo hirtaan saaxiibbadiisii siyaasiyiinta ah, Qareeno, suxufiyiin iyo ashkhaas kale oo ay mid yihiin Macalamiinta Jaamacadda kuwaasoo dhammaantoodna halkaasi isku isdhaafsada sheekooyin iyo doodo la xiriira fikirkadaa cilmiga ah, aragtiyooyinka siyaasadeed iyo dhacdooyinka arrimaha caalamiga.

Waa Siyaasi, haddana ah “Academico Intellettuale”, “Intelligente” iyo qoraa, saaxiib fiicana la ah inta la dhaqanka ah iyo firkrad wadaagana ah. Dadkii la shaqeyn jiray waxay sheegaan inuusan u dhaqmi jirin sida madaxda qaarkood ee kibirka iyo santaagga badan la xaragooda. Wuxuu u shaqayn jiray hab wadajir ah oo tallo wadaag ku dhisan “Team work”. Waa u roonaan jiray madaxdii iyo shaqaalihii la shaqayn jiray, waana ka difaaci jiray culusyadii badi kor ka imaan jiray. Wuxuu ku fiicnaa dhageysiga dadka marka ay is-qaabilaayaan ama sheekooyinka dhex marto, Dr. Mohamed Aadan, intii karaankiisa ah dalkiisa waa nooleyn jiray, kama noolaan jirin.

Dr. Maxamed waxaa aakhirkii dan ku kaliftay isagoo ku qanacsaneyn qaab dhaqankii Kacaanka, qaxna u diyaagaroobay inuu iskaaga tago dalkii, kadib markuu Xamar ka qaraxay Kacdoonkii Dadweynaha, laguna riday xukunkii 21ka sanno ee Jaalle Mohamed Siyaad Barre hoggaaminaayay.

Burburkii dalka kadib oo uu ku noolaa dalka talyaaniga Wuxuu soo saaray buugaag uu kaga waraamaayo xaaladda Soomaaliya, waxaana ka mid ah buugga sida weyn loo akhristo ” Mogadiscio Arrivederci”. Waxay ka dhigan tahay “Nabadeey Xamar” ama “Macsalaama Muqdishow” oo ahayd maagaladiisii sida muuqata uu ka samri waayay, ugu dambeyntiina ka qaxay. Ma baajin inuu sii wado halgankiisii iyo qoraaladiisii, wuxuuna fursado u helay ka qaybgalka shirarka caalamiga ah ee cilmi baarista Soomaaliyeed oo badi lagu qabto magaalooyin Europe iyo waqooyiga America ka tirsan.

Cali Muxiyaddiin Cali
Muxiyaddiin@hotmail.com

##

IN MEMORIAM OF DR MOHAMED ADEN By Amb. Ahmed Abdi Hashi (Hashara)

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " Waxaan u hibeeyay Qormadan Dr. Maxamed Aadan Sheekh (Mas’uul dalkiisa nooleyn jiray kamana noolaan jirin) "

  1. Uweys says:

    Dadka yaqaan ayaa yaqaan Marxuumkan, wuxuu ka soo jeedaa dad ehel u ah Diinta Islaamka, Aabihiis waxaa dhalay caalim la wada yaqaan, aniga shaqi ahaan uma aqaan laakiin qoyska uu ka soo jeedo ayaan aqaan in diinta ku dheer yihiin.
    Marka walaalayaal qof aadan aqoon haku kadsoomina, qofka markaad wax ka sheegeyso waa inaad aqoon ka heysataa.

  2. cumar says:

    acww .cilmiga naafic iyo cilmiga maadiga ah waxaa haboon in la kala fahmo qiimahooda hadaad haysato phd oo aadan aqoon u lahayn cilmiga sharciga ah ee diinta islaamka .waxaad tahay jaahil.cilmiga maadigaha kugu ma filna kuma barayo maxaa waajib kugu ah,maxaa xalaal ah maxaa xaaran ah caqiidada saxiixah firqooyinka lunsan.umada nebi maxamed waxay u qeybsami doontaa 72 kooxood,mid mooyee inta kale waa baadi,waxaa waajib nagu ah inaan barano cilmiga sharciga rag iyo haweenba.cilmiga maadiga ah waa suurta gal inaad xoogaa nafci ah ka hesho aduunyada laakiin aakhiro halis ayaad ku jirtaa haddii uusan rabi ku badbaadin,haddii aad isku darsato waa kheyr.acww

  3. naaleeye says:

    fardoole walaal waxaad tahay , seef la bood , aan sidaa u aqoon Islaamka iyo axkaamtiisa , ninka laga sheekeynaa dadka uu wax usoo qabtay soo ma ahan dad islaam ah , waxa uu u dhafri jiray har iyo habeen soo maahan umada 100% muslimka ah ee Somaliyeed , walahi waa yaab , war waxaan shabaab iyo shaydaan eheen muslim maahan miyaaa , waxaan waa cawaan waan ku danbaabeynaaa walahi

  4. fardoole says:

    ilah ha u naxaristo qof kasta oo islam ah oo geriyoda lkn ninkan tarikhdisa ad ka shekeysay ee ad ku amantay inu waxyabo badan so qabtay kuma jirto mesha in dinta islamka uu wax u so qabtay ama dhaqankisa kumadan shegin in uu aha nin dinta islamka ku dhaqmi jiray kaliya waxad shegtay nin howlo adun iyo siyasad un ku mashqulsana arintasna muhimadeda ayay ledahay i mean arinta an ka soo hadlay asc

  5. Ibrahim says:

    ASC, aad ayaan ugu mahad celinayaa qoraha sheekadan wax badan ayuu soo bandhigay oo aan ka aqoon, allaha u naxariisto dr. maxamed, wuxuu ka mid ahaa dadkii aqoonta loogu xushay xilalkii uu soo qabtay, taasna waxaa u sii dheeraa aqoontiisii oo uu dadka ugu faa’iideyn jiray, Illaahow waxaan baryaa in janadii ka waraabiyo, mar kale mahadsanid Somalitalk iyo qoraha taariikhda marxuumka.

  6. انا للـــــــتته وانـــــــــــا اليــــــــــــــه راجعــــــــــــــــــون
    Ass.Alaykum.Waxaan adiga iyo dhamaan shacabka Somaliyeed idinka tacsiyadayna geerida naxdinta leh ee kutimid walaalkeen Dr. Maxamad Adam Sheekh. Waxbadan oo aan horay ugu ogayn ayaad nooga soo gudbisay taariikhda ninkan oo aan aniga uhaystay Somali-talyaani/ kacaan diid iyo shasheeya lashire dalka burburkiisa kadanbeeyey. Marnaba isma dhihin ninkaan ayaa dhakhtar iyo qoraa ahaa. Waxaan saaxibo la ahayn Abdirizak Adam Sheekh in kabadan 19 sano, iima sheegin wax kabaxsan inuu yahay ‘aqoonyahay’ , malaha wuxuu kaxishonayay inuu walaalkiis xayaysiiyo..
    Ilaahay janadii ha kawaraabiyo, anagana nooga dhiga kuwa kuwaano qaato.