Home » Announcements »

Xulka Qaranka Soomaaliya oo u Diyaar ah Xulka Dalka Sudan

Xulka Qaranka kubada cagta dalka Soomaaliya ee da’doodu ka yartahay 23-ka sanadood ayaa ku sugan dalka Jabuuti oo ay ku qaadanayaan tababar ay ugu diyaar garoobayaan lugta hore ee cayaaraha is reerb reebka Olombikada aduunka ee ka dhici doona London 2012-ka.

Xoghayaha guud ee Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cabdi Qani Sacid Carab oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa u sheegay saxaafada in diyaar garowga xulku uu yahay mid aad u wanaagsan rajana uu ka qabo in ay guul keenaan.

“Xulku waxaxay tababarkooda dalkan Jabuuti ka bilaabeen 15-kii September waana sii soconayaa tan iyo inta aan ka gaareyno cayaarta Sudan aan la yeelaneyno, waxaana aad ugu kalsoonahay shaqada ay hayaan macalinka Koobaad Yuusuf Aadan iyo macalinka 2-aad Yuusuf Cali Nuur”ayuu yiri xoghayaha guud oo saxaafada kula hadlayay magaalada Jabuuti.

Waxaa uu xoghayhu sheegay in lugta hore ee cayaartu ay Jabuuti ka dhici doonto 10-ka October maadaama dagaalada awgood uusan xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu dalka gudhiisa tartan caalami ah ku marti gelin Karin sidaa darteedna Jabuuti laga dhigay guriga Soomaaliya iyadoo cayaarta kalana ay Khartuum ka dhici doonto 18-ka bisha Decemebr ee dabayaaqada sanadkan.

“Halkan waxaan ku heynaa 26 cayaartoy macalinka ayayna utaalaa in uu kala xusho kuwa uu u arko in ay ku haboonyihiin qaranka in ay matalaan,kuwa kalana koley tababarkan ayay ka faa’iideysan doonaan wayna gaari doonaan in maalin uun ay qarankooda matalaan”ayuu xoghayaha guud u sheegay saxaafada.

Wax kastaba ha ku qaadatee xaalada amaan ee dalka oo sii xumaatay awgeed waxaan bilahan dambe xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagtu uu bilaabay in uu cayaartoyda qaranka u qaado dalka dibadiisa si ay tababaro ugusoo qaataan waxaana xusuusanaa in xulka U-17-ku ay sidoo kale dalka qadar tababar kusoo qaateen markii ay udiyaar garoobayeen cayaarihii ay Masar la yeesheen bishii hore.

Soomaaliya ma lahayn dowlad dhexe oo shaqeyneysa tan iyo 1991-kii waxaana mudadaas adag gudeheeda wali sii soconayay dhaq dhaqaayada xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadaba ka soconaya iyadoo xoghayaha guud uu sheegay in wax kastoo ay ku qaadataba ay howsha qaranka sii wadayaan tan iyo inta ay geerida kala kulmaan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.