Waagii uu jiray dagaalkii qaboobaa ee u dhexeeyay xulafadii ay kala hogaaminayeen Midowgii Soofiyeeti iyo Mareykanka ayaa waxa ay labadaasi isbahaysi dadaal dheer u galeen in ay soo jiitaan dowladaha kale si ay taageere ugu helaan mawqifkooda siyaasadeed, waxaana ka dhexeeyay tartan aad u weyn oo xitaa lagu bixin jiray Malaayiin Doolar, waxaana ka faa’iideystay wadamo fara badan oo ay ku jirtay Soomaaliya.
Xiligii ay labadaan dhinac iska soo horjeedeen waxaa Soomaaliya xukumayey Max’ed Siyaad Barre oo isagu labada dhinacba ka helay taageero aad u weyn oo lagu dhisay Mashaariic fara badan oo Soomaaliya wax weyn u taray, hase yeeshee markii uu burburay Midowgii Soofiyeeti ayaa waxaa soo haray Isbahaysiga uu Mareykanku hogaamiyo, wax waliba waxa ay ku wanaagsan yahay in ay wax u dhigma yeeshaan si uu miisaanku u noqodo mid siman, waxaana wixii ka dambeeyey Burburkii Midowgii Soofiyeeti ay dowladihii taageerada heli jiray ay maanta noqdeen kuwo aysan gacanta waxba ugu jirin, xitaa waxaa la burburiyey mashaariicdii lagu helay dagaalkii qaboobaa, waxaana ka garan kartaa Soomaaliya oo Mashaariicdii ay heshay waqtigaasi ay qaarkood maanta meesha ka baxeen ama cagta la mariyey, waxaana muuqata in Dowladda Mareykanka ay weli ka sii shaqeyneyso in ay dhameystirto wixii ka haray taageeradii Midowgii Soofiyeeti.
Mareykanka oo maanta ugu tun weyn Dowladaha adduunka ayaa waxaa mar walba ka soo yeera yabooh ku aadan in uu gacan siinayo Dowladaha uu dhaqaalahoodu aad u hooseeyo hase yeeshee dadka qaarkiis ayaa qaba in haddii dabagal lagu sameeyo yaboohiddaasi ay tahay kuwo aan waxba ka jirin oo uun ku saleysan (Qawda maqashii waxna ha u qaban). Dhawaan ayay Dowladda Mareykanku ku dhawaaqday in ay gacansiineyso Maamulada Puntland iyo Somaliland waxaana hadalkaasi si weyn u soo dhaweeyey labadaasi maamul oo iyagu sheegay in Mareykanku uu maanta garowsaday in ay muhiim tahay in la taageero maamulada ka jira Soomaaliya oo iyagu ku guuleystay in ay adkeeyaan nabadda, waxa uuna Mareykanku ballanqaaday in uu bixin doono Malaayiin Doolar oo wax looga qaban doono dhinacyada horumarinta bulshada, sidaas oo kale arrintaan mid la mid ah ayaa waxay sanadkii hore ka soo yeertay Dowladaha Yurub mar kullan ku yeesheen dalka Belgium, waxayna halkaasi ka aruuriyeen Qaaraan gaaraya 260 Milyan oo Doolar oo la siinayo Dowladda Federaalka, waxaana markiiba u sacabatumay Dowladda Federaalka iyo Taageerayaasheedii , nin odey ah oo la socday yaboohaasi ayaa waxa uu yiri “Weligaa ma lagu yiri Qaaraan ka aruuri ragga ugu tunka weyn beeshaada”, waxaana ku iri “Maya”, waxa uuna igu yiri “Aniga ayaa hadda ka hor la ii xilsaaray arrintaasi, waxaana la qabtay kullan aad u weyn oo ay isugu yimaadeen Odoyaasha dhaqanka, Culuma’udiinka, Ganacsatada iyo inta la isku dhihi karo wax baa gacantooda ku jira, inta lagu guda jiro kullankaasi ayaa halkaasi ka dhaca ballanqaadyo lagu uruurinayo deeq lacageed, markaas hore qof waliba si niyad leh ayuu u ballan qaadayaa lacag wax ku ool ah, qof walba oo wax ku yabooha isla madasha ayaa looga duceeyaa”, ninkii odeyga ahaa ayaa sii hadlay waxa uuna yiri “Qaaraanka madasha looga yabooho waxa uu si waafi ugu filan yahay markaa arrinta loo rabo in lagu daboolo ama lagu xaliyo.
Balse waxay nasiib daradu tahay marka la isku dayo in qof walba laga soo qaado wixii uu ballanqaaday waxa dhacda in qofna bixiyo wax aad uga yar wixii uu ballanqaaday halka kuwo kalana ayba mudo been ah sii qabsadaan marka dambana looga samro, waxa uuna Qaaraankii qalinka uun ku qornaa ku soo biyo shubtaa in ay soo xarooto shan meelood marka loo qaybiyo wixii la ballanqaaday wax ka yar meel”, waxa uu intaa sii raaciyey “aan dib u qooraansano madaxdii soomaaliya soo martay xiligi dagaalada Sokeeye C/qaasim bal fiiri markii uu Madaxweynaha ahaa wax deeq lacageed ah kama helin Yurub iyo Mareykan hase yeeshee kis yar oo sandareerto ah ayuu ka helay Wadamada Carabta iyadiina meesha aya ka baxadey markii uu Mareykanku cadaadis ku saaray carabta xiligi C/llaahi Yuusuf isna ma jiraa wax deeq ah oo uu ka helay wadamada Yurub iyo Mareykanka, waxaana mar uun wax laga helay dalka Sucuudiga waana midda keentay in ay is khilaafaan Madaxweyne C/lalahi Yuusuf iyo Ra’isul Wasaarihi hore ee Cali Max’ed Geedi, marka ninkii wax ka sugayow Yurub iyo Mareykan dib u liq candhuuftaada”, Odeygii oo tusaalihiisa ku dabaqaya ballanqaadyada ka soo yeera Mareykan iyo Reer Yurub waxa yiri “Bal fiiri madaxya weyntii reer Yurub markii ay isugu yimaadeen shirkii Belgium dowlad waliba waxay hoosta ka xariiqday adduun lacageed oo fara badan oo ay ugu yabooheyso Dowladda Federaalka, markii la gudagalay uruurintii qaaraanka waxaa xaqiio ah in Dowladda Federaalka in 260-kii Milyan oo Doolar oo la ballanqaaday ay uga soo xarootay waxaan 3 Milyan oo Doolar dhameyn, lama oga meesha uu xagal-daacu uu ka jiro balse haddii uu tartan dhinac kale ah uu jiri lahaa Dowladda Federaalka waxay si toos ah ugu heli lahayd ballanqaada kasta oo la sameeyo”.
Kistii yareyd ee laga heli jiray Yurub iyo Mareykan waxay cirka ku laalantay 11-kii September markii ay qaraxyada ka dhaceen dalka Mareykanka, wixii markaa ka dambeeyey Yurub iyo Mareykan way tashadeen oo waxaa la bilaabay in xitaa cadaadis la saaro Hay’adihii kale ee tabarucaadda bixin jiray gaar ahaan kuwii ka imaan jiray wadamada carabta waxaa sidoo kale la joojiyey Hay’ado islaami ah kadib markii lagu shaabadeeyey wax loogu yeero argagixisio, waxaa haatan socda in xitaa la koontaroolo lacagaha dibadda looga soo diro dadka Soomaalida ah, waxaana dhowr jeer duulaan lagu qaaday xawaalado fara badan oo ay leeyahay Soomaali iyo dad kale oo Islaam ah, waana midda soo dedejisay in dad fara badan oo wadamada carabta ah ama islaamka ah ay gebi ahaanba ka soo duuduubtaan Yurub iyo Mareykan kadib markii uu cadaadis kaga yimid dowladahaasi oo iyagu markii hore Jaceyl ay u qabaan Yurub iyo Mareykan halkaasi u tagay balse maanta lama maqashiin karo xitaa waxay diideen in ay qaataan lacagahoodii. Mar aan booqday Magaalada Kasaplanka ee dalka Marooko ayaa damcay in aan wax ku iibsado lacag doolar ah, balse ninkii carabka ahaa ayaa igu qoslay oo igu yiri “Sxb lacagtaan mar ayay socotay balse maanta ma socoto”, waxaana weydiiyey waxa dhacay, waxa uuna iigu jawaabay “Mareykanka dagaal culus ayuu nagu hayaa wuxuu soo saartay shabad cusub oo uu qofkii uu doono ku dhejiyo si uu ula dagaalamo, shabaddaasina waa ereyga Argagixiso.
Isku soo wada duuboo deeqaha ay ku dhawaaqaan in ay bixiyaan Yurub iyo Mareykan waa mid ku soo uruuray afka baarkiis. Waxaana haatan bilaabeen in ay eedeymo u jeediyaan dowladihii ay u ballanqaadeen deeqahaasi waxayna yiraahdaan “Dowladdas waa dowlad ku dhisan Musuqmaasuq iyo laaluush, haddii aan wax laga qaban arrintaasi haddii aan nahay Yurub iyo Mareykan waa la noqoneynaa deeqdeena waxayna sidaas mar walba ugu cagu jugleeyaan Wadamada ay deeqaha beenta ah u ballanqaadaan, maxaa deeq laga sugaa waxay haatan bilaabeen in ay dib u eegaan lacagtii yareyd ee laga heli jiray ehelada banaanka jirta waxaana maalin walba dhegaheena ku soo dhacda waxaa dabagal lagu sameeyey Xawaalad hebla, xitaa waxaa haatan lagu daray in iyana dusha lagala socdo dadka Soomaaliya soo aadaya, marka deeqihii reer galbeedka waxay noqdeen afka baarkii.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.