Home » Warar »

Warbixin gaar ah – Falaqaynta Guga 2010: 27% dadka Soomaalida oo ku sugan xaalado ba’an oo cunto iyo nafaqo darro

Hay’adda Falanqayta Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqata (FSNAU) ayaa waxa ay hadda shaacisay warbixinteeda kooban ee ku aaddan Falanqayntii Xilliga Guga 2010.

Warbixintan kooban ayaa waxay bixinaysaa xog kooban oo ku saabsan natiijooyinkii ka soo baxay sahankii iyo falanqayntii la sameeyay xilliga Gu 2010, taasoo laga ogaaday in 27% dadka Soomaalida ay ku sugan yihiin xaalado ba’an oo cunto iyo nafaqo. Wakhtigan imminka la joogo, illaa 2 malyuun oo dad ah ayaa u baahan gargaar bani’aadminimo iyo taageero la xiriirta ilaha noloshooda.

Warbixintan kooban ayaa waxa ka mid ah falanqayn baahsan oo la xiriirta kala dhaf sida ay xaaladuhu u kala daran yihiin (oo lagu muujiyay khariidad iyo tirada dadka gargaarka u baahan), falanqayn dhanka waxyaahaba saamaynta ku leh nolosha (sida Cimilada, Colaadaha Sokeeye, Beeraha, Xoolaha, Suuqyada iyo Nafaqada) and falanqayn baahasan ee xagga cunnada iyo nafaqada oo loo kala saaray gobol gobol.

Warbixintan kooban ayaa waxa laga heli karaa barta internet-ka ee FSNAU: AKHRI HALKAN (PDF) ama HALKAN

Haddii aad haleeli waydaan oo uu idin furmi waydo warbixintan, fadlan nala soo xiriira.
Mahadsanidiin
Grainne

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Warbixin gaar ah – Falaqaynta Guga 2010: 27% dadka Soomaalida oo ku sugan xaalado ba’an oo cunto iyo nafaqo darro "

  1. saara says:

    Allah ayaa mahad leh, nagu deqay dhulkeena.

    walaalayaal miyeynaan arkin dhulkii sida u baxayo dalagii, intay masaadii iyo galaydii tiradii ka badatay, xitaa reer baidhabo waxay gareen heer isku filnaansho, warshado yar yar ayay sameysteen,qaar jawaano ayay ku xireen, qaar waa kiileyen, qaar booraj ayay ka dhigeen, war nimcadaas Allah ayaa yiri nimcooyinka aan idin siiyey teebaad beeninieysaan!

    Waxaa kaloo cajiib noqotay tar tanka dadkii ay ku jiraan wax soo saarka, waxaad is leedahay dadku maxaa eryay,maalinkasta inta cagaf cagaf la keeno ma maleyn kareysid.

    qudaarta ayaa kaaga daran aad lagau sameyn geneticmodifaction, macaanka walaah afka kama qaadaysan.

    ganacsato badan waxay bilaabeen in ay ka ganacsadaan, una dhoofiyeen carabta.

    Gaalada UNDO UNPOS,FSNAU,UN, KULIGOOD waa tuugo maafiya, xoolo doon ah, anaga hadaan somali nahay waan nacnay galaydii qarmuuneed, ee xaarka gaalada lagu bacrimyey, Allah ayaa nooga deeqtoomay, oo dhalintii wadanka u dhalatay ayaa u istaagay .

    Dhalinyada dibadaha ku nooleey ogow dhulkaaga laguuma dhaamo, isagaad waxaad ku tahay inan la yaqaan oo loo abtirinayo,wiil asagaa weeyaan waxa gurigaaga u diidan nabada, ee somali calooshooda u shaqeystayaan wadato, kuwaas u adegaya danaha´shihseehaya.

    ALLAH KUFAAR IYO KUWA U ADEEGAA HA QABTO, GACAN ADAG.

  2. Hussein says:

    FSNAU and other UN agencies in somalia must leave Somalia alone because they are ones behind the mayham and chaos in Somalia for decades. FSNAU and other UN agencies are war profiters and get rich in the name of Somali people. You FSNAU, UNPOS and UNDP must leave somalia alone.

  3. abdirisaq says:

    Dhulka somalia waa dhul aad hodan ugu ah beeraha oo dhul nafaqaysan oo ugbaad ah ayay leedahay.
    Sidoo kle waxa mara laba webi oo ku filan waraabinta dhul badan oo ku filan cunnada Somalia iyo weliba dalalka deriska ahba.
    Waxa keliya ee meesha ku yar ama ka maqani waa dhaqaalihi lagu maal gelin lahaa horumarinta barwaaqadaas iyoo aqoonti farsamo(know how).

    Cunnada bilaashka ah ee deeqda lagu keenaayi faaiido weyn waxa ay ku leeyihiin marka abaari dhacdo oo dadki le’anayaan iyo xoolihiba markaas la joogo aad iyo aad ayay muhiim u yihiin. waxase ay xuntahay marka ay beerto waxa loo yaqaan dependency ama isku hallayn iyo ku tiirsanaansho deeqdaas. taas oo macnaheedu yahay sandka marka abaartu dhacdaba aannu hayadaha samafalka u qaylsanno kaddibna marka roobku dao halkeenni kasii soconno oo yaanan hab nololeedkeenni wax ka beddelin.
    Waxa kale oo kasii daran marka cunnada deeqda ah ee lacag la’aanta ahi kusoo beeganto bixinteedu xilligi uu soo go’ayay dalaggi beeraha dalka oo qiimo dhac aad u darani ku keeno dalaggi beeraha dalka kasoo goay kaas oo deyn iyo khasaare ku rida beeralaydii kusoo tiir iyo tacab beeshay sannad ku dhawaad, taasi oo keenta ninki inaanu naf dambe u hayn inuu mar dambe ku dhiirrado wax beerasho dambe.
    Waxa habboonaan lahayd cid kasta oo lala kaashadaba in dhulka beerashada ku habboon loo kala qorsheeyo qaybo kala diwan oo ah qaybta daaqa xoolaha oo adhiga iyo lo’daba loo sameeyo seere loo waraabiyo oo xilliyada jilaalka ay daaqan. sidoo kale in qayb laga dhigo beeritaanka geed miroodka sida liinta,muuska,liin macaanta cambaha iyo muuskaba.loona raadiyo suuq wershedaha cabitaannada sameeya ee dalaka deriska ah ama caranbaha.sidoo kale la sameeyo beero isku xigxiga oo sameeya Sonkorta lehna wershedo yaryar oo sokorta sameeya . si taasi u dhacdo waxa habbon shirkado dhawr inay dhulka iyo biyaha jiraba ku sameeyaan suvey oo kasoo saaraan natiijo la isku hallayn karo feasability study gooda.sidi biyaha faraha badan ee ka rogmada buuraha iyo kuraha oo kusii yaaca togaga iyo dooxooyinka dalka kuna kal shubma badda cas iyo tan indian ocean annaguna dad iyo xoolaba aan ka haraadannahay kana baahannahay loogu celin lahaa dhulka loona wada gaarsiin lahaa dhulka la beeri karo oo dhan xoolahana looga faaideyn lahaa biyahaas in loogu soo saaro daq ku filan oo kaga maarmaan hoos orodka daruuraha xilliga.
    waxan hubaa haddi biyahaas lagu sameeyo biyo xireenno iyo meelo badan oo lagu keydiyo biyaha iyo kanalo dhaadheer oo dhul dher gaarsiiya biyaha in dhib badan laga bixi lahaa.
    sidoo kale qalabki beeraha ee soo koobayay waqtiga shaqada sida cagafyada ayagu bannaya dhulka,haddana carro roga haddana sima haddana kanalki u jeexaya haddana abuurki rida kadiibna marka ay soo baxdo fala oo buufiya marka ugu dambeysa gooya miraha oo aan shaqale badan iyo waqti badan u baahnay ayaa rakhiisin kara tiradada kor u qaadi kara. waxa iyana loo baahanyahay halka dad badan wasaarado beero oo xaffisyo iyo shaqale ciida ka badan iyo kharashaad badan ku bixiya maamulka loo weeciyo khubaro lasoo kireysto oo ka shaqaysa cilmi baaris,hagaajin tayada xoolaha iyo dhirta la beerayo iyo injineero dhulka cabbira oo ka shaqeeya sidi si nabad ah oo ugu rakhiisan biyaha loogu maamuli lahaa.sidaas ayaan uga bixi karnaa abaaraha aan dhaaman ee maalin walba aan ka qaylo dhaaminayno.
    waxa laga yaaba dad badani inay is weydiiyaan sidey xilligaan waxaasi ku dhici karaan.
    Ok weydii xawaladaha lacagta iyo shirkadaha isgaarsiinta ee Somalia sida ay ku dhacday dagaalada dhexdooda inay maamul shabakaddisu caalmka dhan isku xirantahay sameyaan oo weliba lacag xaddigaas leeg ku kal wadaan dal dawlad xxoogani ka jirin.guusheedina caalmki kale ka masayrey oo cilmi baaris xoogan ku wadaan inay ayaguna sameystaan wax la taratama qarna u qiil dayayan inay sharci darro ka dhigaan oo meesha ka saaraan.
    maxaa haddaba diiday inaanu beereheennana tijaabinno sidaas oo ale.waayo xawaladaahaan maanata magacyadooda meel laga maro la layahay waxay ku bilowdeen nin sucuudiga dadka ka xamaasha lacago gacantiisa uga soo ururiya oo alaabo asoo gashada kaddibna reerihi u kala geeya marka ay soo caddato yio raiyo isgaarsiinta gobollada oo afka lagu kal wareejisto lacagta laba qof oo laba radio kala joogota.
    wax waliba wa isku dayid.ee gaajada aan la drino dagaaladuna way yaraan doonaane illen of waliba waa mashquulayaaye.