Home » Maqaallo »

Sideed ugu xamaalan kartaa Qatar – Q.5aad | Al-Hasani

Assalaamu Calaykum akhristayaasha sharafta leh. Wallaahi, magarankaro ma Ciida Bisha Barakaysan ayaan idinka tahniyadeeya ama waxaan idinka tacsiyadeeya gumaadka xamar!

Dhowr jeer ayaan ku mahiyey inaan iska joojiyo maqaaladan oo ay kuhaboontahay in waxkale qora hadana waxan isku qanciyey ‘Timirtii horaba dab loo waa’!

Calaakulin, waxaan horey idinku balanqaaday inaan idin soo gudbin doona canaawiinta shirkadaha ugu muhiimsan ee aan isleeyahay qofkii shahaado iyo khibrad fiican leh waxbuu ka helikaraa.

Waxaan markale ka codsanlahaa dadka ila soo xariiraya ayagoo soo akhriyay maqaaladan qaar kamid ah oo isoo waydinaya su’aala aan horey ugu soo hadalnay, fadlan dib ufiiri maqaaladii hore si aad ula jaan qaadid meesha aan wax marayaan.

Top online companies and schools in Qatar

No Name Special for
1 Education city Umbrella for education
2 Virginia commonwealth university (USA) US university in Qatar
3 Weill corneil university (USA) US university in Qatar
4 Texas A& M university (USA) US university in Qatar
5 Georgetown university(USA) US university in Qatar
6 North Western university(USA) US university in Qatar
7 Qatar faculty of Islamic Studies Islamic University
8 University of Calgary /www.qatar.ucalgary.ca/home Nursing university
9 North Atlantic university Canadian university
10 Aspire Academy School for sports
11 Qatar telecom Communication
12 Qatar petroleum Oil company
13 Rasgas Oil company
14 Qatargas Oil company
15 Qatar aluminum Steel company
16 Voda phone Communication
17 Qatar petrochemical company Oil company
18 Qatar Fertilizer company Oil company
19 Sidra Medical Research Research
20 Qatar national research fund Research
21 Qatar national convention center Research
22 www.qf.org.qa/output/page17.asp Links for schools
23 www.qf.org.qa/output/page Links for community
24 Qatar Islamic Bank Islamic Bank
www.alrayan.com Islamic Bank
25 Qatar International Islamic Bank Islamic Bank
26 Al-Jazeera network Media
27 Supreme education council Education
28 www.english.education.gov.qa/schools/EISsearch.htm All schools in Qatar
29 www.eslbase.com/schools/qatar All schools in Qatar

Habka ay shirdaha waawayn ugu soo qoraan shaqooyinka online

Tusaale ahaan, Shirkada Rasgas sidaan ayay usoo qortaa shaqooyinka ka banaan ee fadlan kudhufo linkan hoose http://www.rasgas.com/rg/rgr/

Inkasta oo aan horey idinku dar-daarwariyey (marka ay noqota) xaga xamaalka ,hadana waxaan ubaaqaya Somalida professionals ah inaay soo fiiriyaan xagaan iyo Qatar; waana hadafka dhan ee aan ka leeyahay maqaaladan oo ah ‘in shacabkayga kaqayb galo cakega meesha lagu cunaya ee dadyowga aduunka isugu habarwacdeen’.

Dadka Somaliyeed marka ay kasheekeysanayaan Carabta iyo sida shaqada looga helo  intooda badan waxay aaminsanyihiin in gaalada (cad) laga danbeeya oo qofka Muslimka ahi ay ku adagtahay inuu shaqo kahelo sikasta oo uu wax uyaqaan; arintaas sidaas sax uma wada aha oo waxay ubahantahay in lafaahfaahiyo.

Aniga lafteyda ayaa sidaas aaminsanaa ilaa aan indhaheyga ku arkay dad Muslimiin professionals oo lagu badalay (shaqo) gaala horey gacanta ugu hayn jirtey. Aqoonta muslimiinta aad ayay usoo kobcaysaa meelkasta oo ay joogaanba. Wadama badan oo Muslimiin ah( Malaysia, Indonesia and kuwa kale oo fara badan) ayaa bilaabay inaay   soo saaraan rag professionals oo hada lawareegaya shirkadaha batroolka Qatar.

Shaqooyinka noocaan ah uma baahno in qofka lagu qaato diintiisa iyo midibkiisa midna. waxaa laqadarinaya wax qabadkiisa, shahaadadiisa iyo khibrada uu uleeyahay shaqada. Waana tan keentey inaay gaalada ubadato meelahaan oo kale.

Tankale ee gaalada caawisay inaay ubataan meelahaan oo kale waa ayagoo horey ugu soo shaqeeyey shirkadahan(laftooda) wadamadooda ama meele kale oo aduunka  ah; ma’ahan dad ku cusub majaalkan, balse waxaaba lagayaaba mas’uulka shirkadan Qatar inuu horay uhaystay shirkadan lafteeda xafiiskeeda Maraykanka!.

Ma jiraan aqoonyaaniin Somaliyeed oo dibada kayimid oo kashaqaysta Qatar?

Su’aashan waxay kamid tahay  su’aalo badan oo la isoo waydiyey intii aan bilaabay maqaaladan. Haa waa jiraan laakinse  ma’ahan dad sidaas kugu muuqanaya inaay soo kordheen iyo inkale sababa badan awgood.

Waa mare, waxaa laga yaaba inaysan iman meelaha fadhi kudirirka Somalida oo  aan kuhaboonayn in laysku arko. Waxa kale oo dhicikarta inaay  kashaqeeyaan shirkadaha batroolka oo ubadan meel magaalada Doha kabaxsan. Laakinse waxaad maqlaysa had iyo jeer qof kuleh: Eng. Aniga ah ayaa kayimid dibada oo shaqo kaheley shirkad hebel.

Waxaanse shaki kujirin inaanu soo kordhin qof magac culus sita sida diktoor ama khabiiir culuum gaar ah kusoo takhasusay oo jaamacadahaan kashaqeeya.

Dadyowga kale (Carab/cidkalaba)  ee dibada kasoo laabtay aad ayaad u dareemaysa joogitaankooda ; sigaar ah waxaad u arkaysa marka aad booqatid meelaha ay kubadanyihiin ‘ajaanib’ oo laga wada dadka cad cad ee Yurub kasoo jeeda.

Baraarujin: Liiskan wuxu isugu jiraa shirkada gaar loo leeyahay iyo kuwa dowlada leedahay ama qayb kuleedahay. Waxaa xusid mudan, in shirkadaha batroolka inay dowlada wada leedahay ama qayb kuleedahay.

Jaamacadaha reer galbeedka(USA) ee meesha ka furan inkasta oo ay madax banaanyihiin dowlada ayaa taageerta dhaqaale ahaan si loogu soo jiita dadka gobalka dagan ee doonaya inaay caruurtooda  uhelaan wax barasho reer galbeed, intii ay udirilahaayeen USA, halkan ayaa ugu dhow.

Iskuulada dugsiyada sare/dhere intaba dowlada ayaa iska leh marka laga reebo qaar yar oo sigaar ah  loo leeyahay.

Macalimiinta kashaqeeya iskuuladaas waxba kama liitaan kuwa kashaqeeya jaamacadaha iyo batrooka  marka ay noqota mishaarka iyo faa’idooyinka kalaba. Dabcan aqoonta qofka, takhasuska iyo meesha uu ka imaanaya dowr wayn ayay ka ciyaaraysa wax lasiinaya qofkaas.

Luuqada rasmiga ee dalka lagaga hadlo waa Arabic laakinse shaqooyinka intooda badan waxaa loo baahan yahay(oo shardi ah) luuqada English ee hakawalwalin haddii aadan Arabiga isku fiicnayn.

Waa inoo isbuuca dambe iyo qoraalka inta kadhiman, inta kahoraysa aad ayaad umahadsantihiin intiinii qoraalkan akhrisay ee tacliiq saartay, ama si toos ah iila soo xariirtey.

” Somali ha israacdo” Aamiin.

Qaybtii hore: https://somalitalk.com/tag/al-hasani/

Adam Abuzuhri Al-Hasani

Email: abuzuhri1@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.