Home » Maqaallo »

Khilaafka Shariif iyo Sharma,arke Ma sharciyaa Ma Dan Shacabaa mise waa Sheekadii hore?

Waxaan igu kelifay inaan maanta arimaha siyaasada oo aan ka gaabsaday mudo xuskooda inaan bal qalinka ku falanqeeyo ummadii dhamayd ee soomaalida ahayd oo noqotay daawadayaasha aflaanta lagu jilo madaxtooyada iyo hoteelada magaalada muqdisho Somalia , Nayroobi Kenya, Adisaba itoobiya iyo Jabuuti.

Waxaynu ka wada dheregsanahay waxaa la yidhaahdo filin inuu yahay sheeko aan dhicin dhicina doonin ee qof mala awaalay si uu u kasbado maskaxda daawadayaasha ama xiiseeyaa aflaanta waxaa ku baxa qarash badan waxaa dadka loo bixiyaa magacyo badan waxayna ku metelaan martabado kala duwan ee ay bulshadu u qaybsan tahay , shacab, madax , askar, iwm hadaba waxaa hadana jira mawduucyo kala duwan iyo magacyo ay leeyihiin. Oo uu qof waliba meel kaga aadan yahay filinkaas.
Miyaysan isu ekayn aflaanta lagu jilayay magaalooyinka aan soo sheegay mudo dheer kuwa lagu sameeyo Hollywood, ee sanadka danbena kuwo ka cusub oo kuwii hore u eg soo baxaan hadana mar kale laga gado dadka wajiyo cusub iyo magacyo cusub.

Waxaa ka dib burburkii dowladii dhexe bilowday khilaaf iyo ismaan dhaaf ku dhisnaa dan shakhsiyadeed mana jirin ilaa hada ilaa waqtigaas wax waday danta shacabka waxuu u dhacay intaan ka xasuusto jiiroonigan ama is reebreebkani sidan:-

Maxamed siyaad Vs jabhado.
Caydiid Vs Cali Mahdi
Caydiid Vs Caato
Caydiid Vs Cabdulaahi yuusuf

Cabdiqaasim Vs Cali khaliif Galaydh
Cabdiqaasim Vs Abshir Muuse
Cabdi qaasim Vs Hogaamiye kooxeed

Cabdilaahi yuusuf Vs Jaamac Cali Jaamac
Cabdilaahi Yuusuf Vs Cali maxamed Geedi
Cabdilaahi Yuusuf Vs Nuurcade

Shariif Vs Sharma,arke

Waxaan dhamaan daawayaasha soomaaliyeed ka marqaati yihiin hogaanka umada soomaaliyeed oo noqday mid ay isu dhiibtaan muqdisho iyo boosaaso in laga dhaxlay ciyaar aad u cajiiba oo marna boosaaso dhexdeeda ah marna muqdisho dhexdeeda ah marna muqdisho iyo boosaaso ah.

Hadaba waxaa marba guusha dhamaadka filinka raacda ama bari iyo koonfur midkood iyada oo uu kan kalena caro iyo ciil la caraabo .
Waxaa ciyaartii ugu danbaysay ku dhamaatay bari oo laga badiyay iyo koonfur oo koobka haysata
Waxaa hadana dib u bilowday wareegii cusbaa ee labadii sanoba mar la qaban jiray oo dhex marayaa labada ciyaaryahan ee cusub waa shariif iyo Sharma, arke

Ilaa hada ma jiro mid guusha dhamaadka metelaada filinka loogu magac daray dowlada midnimada qaran oo aan mudo sacabka u garaacayna ahaana filin bilowgiisii qiiro lahaa oo qaab wadaniyad iyo lagu metelayay ayaa hada waxay u socotaa sheekadu dhamaadkii filinka iyo ka dhursugii
Ciyaaryahanada cusub ee iman doonaa labada sanee fooda inagu soo haysaa
Ciyaaryahanadan oo calaamaadsan ayaa waxay jiib iyo jaan raacin doonaan qolyahan tartanku u socdo ilaa ay meesha ka baxaan , metelayaasha filinka waa baarlamaanka iyo wasiirada ayaa ah
Xubno aad u firfircoon oo iyagu jaanis u hela inay filin walba wax ka metelaan maadaama ay ku caan baxeen fahanka doorka jilitaanka loo dhiibo daacad iyo daalin labadaba kii loo dhiibo ay jili karayaan.

Ugu danbayn waxaan sugaynaa aniga iyo daawadayaasha kale cida goolasha ku badisa
Waxaa filinkan qaadan doona abaalmarintiisa labada nin midkood isaga oo lagu gudoon siin doono
Caasimadaha deriska midkood waxaana bixinayaa abaalmarintaas jimciyada quruumaha ka dhaxaysa
Ururka igad iyo jaamacad carabta iyo midowga yurub iyo midowga afrika oo ah
Kuwa iyagu iska leh maalgelinta iyo soo saarista iyo habaynta isku dubaridka filimaantii mudada labaatanka sano ah lagu dhigayay cariga soomaalida .

Waxayna siin doonaa ninka ku guulaysta kaalmihii iyo scoredii ay mutaysteen kuwii ka horeeyay
Waxaan iyaduna meesha ka maqnayn. In nin waliba qaato darajo ama ka hooseysa ama ka saraysa kuwii ka horeeyaa,waxyaabaha lagu siiyo dalacaada waxaa ka mida, xasuuqa, khilaafka joogta ah, kala fogaynta umada,dagaalada , kala googoynta gobolada iyo deegaanka, burburinta magaalooyinka dhisan , abuurista mucaarad hore leh, kor u qaadista maciishada iyo sicirbararka iibsashada hantida qaranka sida badaha , dhulalka macdanta, lunsashada hantida iyo mucaawino ku sheega ay bixiyaan soo saarayaasha aflaanta .

Nin walibana waxaa lagu dhigaa xidig ku taal aqalka jimciyada quruumaha ka dhaxaysa iyo aqalada kale ee midowga yurub iyo afrika iyo igad iyo jaamacada carabta magaciisaa inuu yahay jilaa wayn
Oo filimo badan ka soo metelay wadankiisa soomaaliya.

Hadal badan dan baa dhaanta bulshadii dawakha ee soomaaliyeedeey waxaan sugnaaba waa ciyaartii sanadka cusub ee 2010 iyo dhamaadkii dowlad ku sheega umada labada shariif iyo Sharma,arke.

Waxaan ku soo afjaryaa qoraalkayga .

Shilin laysku haystiyo
Shaxaadkii aduunyada
Ayaa shaamareer dhigay
Shandadii shariifiyo
Shirqoolkii Sharma,arkaa
Shirku maanta weeyee
Tolow kuma la shidanoo
La shafaysan doonaa

Haddii ay is sheelaan
Ama ay is sheegaan
Ama shuhub abuuraan
Shiinkaba kumaan arag
Shaqo ay qabteeniyo
Sharci ay sameeyeen
Iyo shay wax gali kara
Shido iyo dhib mooyee
Shawahaad ciyaariyo
Hadba shirar u duuliyo
Shabahaad xun mooyee
Shay xalaal ah kuma maqal

Haddii ay is shiishaan
Ama kala shakiyayaan
Ama kala shirayaan
Shilimaad u qaybshaan
Baarlaamka shaahana
Shaqo shacabku kuma laha
Shuqulkoodu waa gaar.
Shishaa laga hagaayoo
Shidaal looga shubayaa
Shaqaalay u wada yihiin
Cadawgiyo shisheeyaha

Waa Qalinkii iyo Hal_abuurkii
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Galayr1977@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.