Home » Maqaallo »

RATIGii JAABIR IYO IPODKII SHIBLE ???(2) !!!!

Horudhac :

Waxaan Qeybtii hore ku soo qaadanay sida Axaadiista loo aruurin jiray oo ay Saxaabaddii iyo taabiciyiintii iyo kuwii kale ee Ahlu Xadiiska ahaa ay Safro dhaadheer iyo Khataro u jibaaxi jireen in ay soo xasiliyaan hal Xadiis kaligiis, sida ay ku Qaatatay Saxaabigii weynaa ee Jaabir ibnu C/llaahi in uu Rati u gatay si uu ugu Safro Shaam oo uu hal Xadiis uga soo wariyo C/llaahi ibnu Unayso oo xadiiskaas loogu sheegay.
Waxaan kaloo Barbar dhignay Aaladda Ipodka oo haatan aad 10,000 oo Xadiis iyo wax ka badan aad ku shuban karto oo aad maalin kasta dhageysan karto.

Attixiyaadka in farta la dhaqdhaqaajiyaayi ma banaana :

Cilmiga aan ka faa,ideystay Sharaxa Naylu Awdhaarka ee Shiikh Shible Bal ila Fiiri Akhristahaygoow .
Wuxuu yiri Shiikh Shible Asagoo Sharxaaya Kitaabka Naylu Awdhaarka ee AL-Shiikh Showkaani Raxmatulaahi Calayhi :

Baabu ishaarati in lagu tilmaamo buu u Baab yahay bi sabaabati farta wax lagu caayo ama musaxabana waa la yiraahdaa, waa farta suulka ku xigta, waxna lagu murdiyo iyo wasifatul wadcul yadeen labada gacmood sida bowdyaha loo saaraayo:

[ Wuxuuna Shiikhu soo daliilsaday Xadiiskii Waa’il bin xajar RC wuxuu yiri Waa’il asagoo ka sheekeynaya Sifada Salaadda Nabiga NNKH : ( Markaas kadib waa fariistay oo lugtiisa bidix ayuu dhulka dhigtay oo ku dul fariistay, gacantiisa calaacasha bidixna wuxuu saaray bowdadiisa ilaa lowgiisa bidixda, gacantii bowdada qeyb ka mid ah ilaa lowga ayuu intaa soo saary gadaalna ma geyn lowyahana ma dhaafin, wuxuuna ka dhigay suxulkiisa midigta ah halkuu xadku ka bilowdana , wuxuu ka dhigay afkiisa iyo bilowgiisa bawdadiisa midigta ah ayuu saaray ,wuxuuna laabay labo ka mid ah farihiisii ,inta kalena waa isku xidhay oo tii seddexaad iyo suulkii buu isku xidhay,markaas ayuu fartiisii murdisata ayuu kor u qaaday, waxaana arkay asgoo dhaqdhaqaajinaya oo Allaah ku baryaya) waxaa wariyey , Axmed , wa nasaa’i iyo Abuu Daauud.

Xadiiskan Asalkiisu waa xadiis saxiixa ah oo sugan weeye , Duruq badanna oo kala duwanna xadiis ku yimid oo ku soo ku soo arooray weeye !!! Hase ahaatee waxaan leenahay Culumadu waxay ilaa xad ah isku Qabteen Ereyga ( yuxarikuhaa) Lafdhigaas in uu dhaqdhaqaajin dheeraad ah oo ishaarada macno ka saa’id ah tusaysaayi in uu sugan yahay iyo in kale .sababkuna waxaa keenay waxaa la kaliyoobay Zaaidata ibnu Qudaamah oo ka warinaaya Caasim ibnu kulaybin can abiihi can waa’il ibnu xujrin !!!! Ruwaada Ragga Xadiiska wariyey oo ah rag aad u tiro badan ilaa 17 gaaraaya oo thiqaat iyo Dicaafba iskugu jira waa ay khilaafeen Zaaidah waa wariyeen xadiiska mana sheegin far la dhaqaajinaayo, ilaa 15 thigaat ah ( Rag xadiiskooda lagu kalsoon ayahay)ayaan hadda ka garanayaa waxaan ka mid ah :

Sufyaanu AL- thowri, ibnu Cuyeynaha, bishir bin mufadil, C/llahi ibnu Idris AL-Awdii, abuu Axwas, Shucbatu ibnu Xijaaj, C/waaxid ibnu Ziyaad, zuhayr ibnu mucaawiyah, Abuu Cuwaanah AL-yashkuri, Qayraan ibnu jaamic, jacfar ibnu ziyaad Axmar, Muusa ibnu abuu Kathiir, C/aziiz ibnu Muslim, mohammed ibnu Fudayl, abuu Isxaaq AL-Sabayci .

Shan iyo Tobankaas oo thiqaat ah oo kala wariyey Can Caasim Ibnu Kulayb yuxarikuhaa kuma aysan Darin ( yuxarikuhaa) oo ah Dhaqdhaqaajinaaya kuma aysan darin..
Waxaa kaloo Wariyey oo ducafada ka mid ah ( kuwa Axaadiistoodu Daciif yihiin)
Qeys ibnu Rabiic Sida Dhabaraani wariyey isna kuma darin Yuxarikuhaa , Waxaa kaloo wariyey Canbasata ibnu Saciidin oo aanan Tarjamidiisa aanan helin, waxaa kaloo ka mid ah Shariik ibnu C/llaahi Al-Nakhaci asagu Caasim bin kulayb ka wariyey ma sheegin.

Haddaba waa 18 qof oo 15 Thuqaat yihiin bay noqonayaan, Zaaidata ibnu Qudaama kaliyah ayaa sheegay Lafdiga ( yuxarikuhaa) oo ah in uu Nabigu Farta Dhaqdhaqaajinayey.
Intooda kale waxay isku Raaceen in uu Farta Taagay oo kaliyah marka lafdigaas waa Shuduud Culumada Musdhalixu ay yiraahdaan oo uu la kali noqday Zaa’idat ibnu Qudaama Xadiiska uu ka wariyey Can Caasim ibnu Kuleyb.

Sidaas Darteed baan waxaan leeyahay sida Sawaabka ah( Wallaahu Aclam) Qaacidatu Ahlu Xadiiska keenaysaa in uu yahay min baabu Al-Shuduud !!! Halkaas uu Shiikh Muqbulna uu shuduudkeeda ku xukumay kitaabkiisa ( Alsaxiixul musnad mimaa laysa fil Saxiixayn) Culumo badan oo horena ay ka hadleen in ay shaada tahay.
Ilaa yarkii reer Yamanayd uu ka qoray Risaaladiisii :( albisharah fii taxriiku shuduudu fi Tashahudi wa thubuutu AL-Ishaarah) Ishaaradu in ay sugan tahay lagu tilmaamo laakiin in la dhaqdhaqaajiyaayi in aysan sugnayn.
Waxaa sidoo kale sugnayn Riwaayadda kale ee laga wariyey C/llaahi ibnu Zubayr ee Oranaysa ( Laa Yuxarikuhaa) Maxaayeelay waxaan leenahay Riwaayadaas waxaa laga wariyey min Dariiqi Caamir ibnu C/llaahi ibnu Zubayr can abiihi Seddex nin baa ka wariyey Cusmaan ibnu xakiim sida imaam muslim iyo Bayhaqi Qeyrkii ay wariyeen , Makhramata ibnu Bukayr oo Bayhaqi iyo Qeyrkii ay wariyeen labadaas midna ma sheegin
( laa yuxarikuhaa) ma dhaqaajinayn , midda seddexaad waxaa wariyey Ibnu Cajlaan baa ka wariyey Caamir ibnu C/llaahi ibnu Zubayr waa la isku Khilaafay Abuu Khaalid Axmar , yaxya ibnu saciid AL-Qadhaan iyo Layth ibnu Sacad seddedaas rag ah aan hadda ka xasuustaayi ma sheegin lafdhigaas , Ziyaad ibn Sacad baa ka wariyey Thiqaba ha ahaadee,
markaas buu laa yuxarikuhaa ku daray waa min baabu Shuduud.

Marka Shiikh Naasir Allaah ha u Naxariistee markuu xadiiskaan kaga hadlaayey kItaabkiisa ( Tamaamu Minah) ee Takhriijiyey Fiqhu Sunah li Sayid Saabiq , wuxuun yiri Shuduudkeeda waxaa ku tusinaaya labadii kala warisay caamir ibnu cajlaan ma sheegin ,afartii kala warisay ziyaad ibnu sacdina ma sheegin, marka ziyaad ibnu sacad shaduudkaas iyo wahamkaas baa ka dhacay.Haddii uu taa ku dhabaqi lahaa Xadiiskii ( wa idaa qari’a Fansituu) ibnu Cajlaan laftigiisa oo ibnu cajlaan maa ahane Shiikhiisa abuu Saalix lixdii la warisay aysan sheegin laba kala warisay oo ka thiqaysanna shiikhiisa kala warisanna aysan sheegin ibnu Cajlaan aydana in uu shuduudkeeda raaciyo ayaa ahayd.

Calaa kuli xaal Riwaayada Yuxarikuhaa iyo Laa yuxarikuhaa AL-Saawaabu walaahu Aclam ma sugnaanin waana shaada se Qadiyadda Sugani ay Ishaarada kaliyah tahay.

Mulaaxadadha kale ay dadku sheegeen ay leeyihiin Abuu Daauud Riwaayadda
( Yuxarikuhaa wa yadcuu bihaa) ma warinine Maxaa loogu tiiriyey, waxaan leenahay wuxuu ka wariyey : Dariiqa Al-xasan ibnu cali xuluwaan can abii waliid dhiyaalasi can zaaidata ibnu qudaamah can caasim ibnu kulaybin can Abiihi Can waa’il ibnu Xujrin.

Laakiin Riwaayad kaloo ka horeysay Bishir ibnu fadal buu wuxuu yiri Bi isnaadihi wa Macnaahu , Riwaayaddii hadda zaaidata Qudaamah Ruwaadii kale ee faafaahisay marka loo yimid sida fadal ibnu xubaab oo ibnu xabaan iyo dhabaraani Dariiqiisa ka wariyeen, C/samad C/waarith imaam Axmed Bin Xanbal Dariiqiisa ka wariyey , C/llaahi ibnu Mubaarak,C/raxmaan ibnu Mahdi, Mucaawiya ibnu Cumar nin la yiraahdo iyo Qeyrkooda wey ku dareen, marka Riwaayadda wuu wariyee macnaheeda uun buu macnaha midda kale ku xanbaaray, wallaahu Aclam.

Haddaba Calaa ku xaal Khulaasada aan rabo in aan gaaro ayaa waxay tahay ayadoon warka lagu dheeraanin ( Ma sugna yaxarikuhaa iyo laa yuxarikuhaa) middna, Cillada labadana haysatana waxaa waaye shuduudka Thiqaatu waxayna ku darin lagu daray waaye ] Hadalkiisii halkaas buu ku dhamaaday.

Wuxuu Shiikhu Halkaas ku soo taxliiliyey in AL-Taxiyaadka Farta la dhaqdhaqaajiyaayi ama la nuuxnuuxiyaayi ma Sugna sida dad badan ay sameeyaan waayahan.

Sababtuna waxa weeye Nin Xadiiskaas wariyey oo la yiraahdo Zaa’idata ibnu Qudaamah ayaa ku Daray ( yaxarikuhaa) nuuxnuuxiskaas ama Dhaqdhaqaajintaas asagoo khliaafaaya 15 nin oo ka xoog badan waxay isku raaceen iyo Seddex nin oo kale uu asagu dhaamo xagga xifdiga !!!! 18 kaas wariye ayuu khilaafay isla silsiladda Xadiiskaas Waa’il ibnu xujrin haddii lagu daro Axaadiissta kale sida kan ibnu Cumar ibnu Khadaab weyba ka badanayaan.

Marka sida Shiikh Shible yiri : ( Qaacidatu Ahlu Xadiiska keenaysaa in uu yahay min baabu Al-Shuduud !!! ) oo macnaheedu yahay mid takooran oon la qaadan karin .
Farta oo la nuuxnuuxiyaa ama la dhaqdhaqaajiyaa Attixiyaadka dhexdiisa ma banaano sida aan ku soo kornay ee Culumada Shaaficiyadda ay Qabaan.

Aniga & Far Nuuxnuuxinta sidee isku aheyn:

Akhristahaygoow Sidaan Horay u Soo Xusay Waxaan Kitaabka Salaadda ka Bartay Kitaab weyn oo labo Shiikh waaweyn Sumcadna leh ay iskaga Danbeeyeen waa kitaabka :
( Zaadul Micaad fii Hadyi Kheyrul Cibaad) oo uu leeyahay Shiikha Ibnu AL-Qayim AL-juuziyah,Kitaabkaas waxaa soo gaabshay oo Mukhtasir ka dhigay Caalimkii weynaa ee Reer Najdi Al- imaam Mohamed Bin C/Wahaab Raxmatullaahi Caleyhim Ajmaciin.
Kitaabkaas oo aad u fudud una macaan, ayaan filayaa in uu Xadiiskan ku daraayo
( yuxarikuhaa)(1) islama markaasna uu sheegaayo in labaduba banaan yihiin.
SE waxaa la yaab ah Akhristahaygiiyoow in aan anigu ilaa waagaas aan ku dhaqmaayey in aan farta taago oo kaliyah anigoo ay iga tahay in aan dadka tuso in ay tanina bannaan tahay oo kaliyah.
Se maanta markaan ogaaday in ta kale banaaneyn sida Shiikhunaa shible noo bayaanshay Allaah ha ka abaal mariyee in dhaqdhaqaajintu tahay erey Shaad ah, aad baan ugu farxay waxaana ku darsaday Macluumaadkii iga maqnaa ee Salaada oo aan ilaa 1990 seddex kaliyah ka badalay wixii aan kabartay ( Mukhtasir Zaadu Micaad) 1979-1980.
Markaan Ipodka ka dhageystay Sharaxa Shiikh Shible waxaan arrinkaygii u Qaatay ILhaam Allaah xaggiisa ah wa bil fadli laahi tatimo alsaalixaat .

Haddaba waxaan Maqaalkayga ku soo gabagabaynayaa in Dad fara badan oo Farta Attixiyaadka ku nuuxnuuxiyaayi ay maanta laga bilaabo ka tanaazulaan ayagoo Raacaaya Xadiiska intiisa saxa ah ee ah in farta murdisada,midda la isku caayo(2) midda lagu Tasbiixsado in la taago oo kaliyah ay tahay ee aan la nuuxnuuxin lana dhaqdhaqaajin.
Cilmigaas iyo 10,000 oo axaadiis oo kale intaad ipodka ka buuxsato midba maalin dhageyso waa Aalad yar oo Sacabkaaga ama jeebkaaga le,eg oo aad Cilmi oo dhanba ka buuxin karto Allaah baana noo sahlay technologiyadaas ninkii Sameeyey wuxuu ugu tala galay in Heeso ama filimo laga Buuxiyo se annagu Cilmi Islaami ayaan ka buuxsanaynaa.
Taasina waxay ku tusinaysaa Islaamku Horumarka Technolojiyadda ma diido ee sida Fiican buu uga Faa,ideystaa !!! AL-Islaamu huwa Al-Xadaarah islaamku asagaa ilbaxnimada ah sida uu yiri Mufakirkii weynaa ee ( Sayid Qutub) Raxmatullaahi caleyhi.
Wuxuu Allah Quraankiisa ku yiri : ( … Risqiga Allah Cuna, Allahna ku shukriya Balad wanaagsan iyo Rabbi Idiin Danbi dhaafa ) 34:15
Haddii aad isku hesho Balad Wanaagsan oo Nabad ah iyo Towxiid iyo Shareecadda Allaah oo la isku xukumo waa Adduunka Qiimihiisa oo dhan ee la soco (3).

FII AMAANI LAAH ( CIID WANAAGSAN ).

Shiikh Saahid mohamed yusuf
Valley city,North Dokota (USA)
AL-mutakhasis fil Xarakaat AL-Islaamiyah
sahidyusuf@yahoo.com

1) Waqtiga aan kitaabkaas akhristay ayaa ahaa mid fog abaarihii 1979.Se Allaah haddii uu i waafajiyo in aan mar kale helo waan ka fiirin doonaa Arrinkaas.
2) Alsubaabah in ay tahay midda la isku caayo Shiikhaan ka maqlay horayba uma sii fasiran se in ay tahay murdisada waan ogaa!!! Anaggu Mareykanka midda far dhexada ayaa la isku caayaa !!!
3) Balad nadiif ah oo dadku nabad ku noolyihiin oo sara dhaadheer leh iyo wax kasta oo nolosha sahlaaya sida subwayga,wiishashka,laamiyadda,Bulaacadaha,Jardiinooyinka iwm

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.