Home » Warar »

Randers, Denmark, Kampala, Cape-Town, Nairobi, Toronto, Minneapolis iyo guud ahaan dunida oo Si heer sare ah looga Ciidey

Jimcadii oo taariikhuna ahayd 10-ka September 2010 waxaa si heer sare ah ciid fidriga loogu tukaday magaalada Randers ee Denmark.

Sifiican ayaana loogu wada ciiday magaalada, markii salaada ciidufidriga latukaday siday caadadu ahayd waxaa bilaabmay khudbadii markay dhamaatayna waxaa halkaa lagu wada cunay macmacaan iyo kaffe iyo shaah muslimiintii halkaa isugu timi jawigu aad buu uga duwanaa ciidihii hore, dadkuna uu ka badnaa intii hore, dadkaas oo isugu jira soomaali iyo muslimiinta kale ee deggan magaalada. ilaahay waxaanu kabaryaynaa inuu ramadaanka dambe nagu gaarsiiyo barwaaqo iyo baraare kana aanu ciidiisa soo qaadanayna ilaahay dambigeena ku dhaafo.

Halkan ka daawo Sawirada

Magaalada Randers waxay ku taalaa wadanka denmark gaar ahaan jylland waxay 35km xaga nordka ka xigtaa caasumada labaad ee denmark ee Aarhus, waana magaalada 6aad ama 5aad ee denmark.

Halkan ka daawo Sawirada

KULU CAAM WA ANTUM BIKHAYR
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Randers, Denmark


Muslimiinta reer Minnesota oo camiray dariiqyada Magaalooyinka Mataanaha

Minneapolis: Jimcadii oo ahayd Maalin ciid ah, cimiladu waxay ahayd maali daruuro iyo caad ay qorraxdu ka soo dhex bidhaamaysey, kulayl iyo qabow aysan jirin, dhexdhexaad cimilada ugu wanaagsan, oo aan rob da’ayn. Kumanaan Muslimiin ah ayaa u soo dareeray goobahii lagu tukanayey salaadda ciidda, waxaana goobahaas ka mid ahaa bartaamaha faras-magaalaha Minneapolis oo dariiqyadii ay saxmad la noqdeen gawaari iyo Muslimiin cibaadasanaya.

Carruur iyo cirroole, rag iyo dumar looma kala harin. Waxay ahayd maalin farxadeed, oo si wada jir ay Muslimiintu u ciideen.

Halkan ka daawo dabaaldeggii Ciidda ee reer Minnesota

Halkan ka daawo dabaaldeggii Ciidda ee reer Minnesota


Toronto oo si weyn looga ciidey

Sawirada Ciida ee Toronto Halkan ka daawo


Magaalada Kampala ee dalka Uganda oo Jimcadii si weyn looga ciiday,

Halkan ka daawo sawirad ciida ee Kampala

Boqolaal dadweyne muslimiin ah ayaa Jimcadii waxa ay aroornimadii buux dhaafiyeen wadooyinka waaweyn ee magaalada Kampala kuwaasi oo ay wejigooda ka muuqatay faraxad iyo reen reen ku wajahan sida ay ugu faraxsan yihiin munaasabada ciida,

Dad tiradoodu xad dhaaf tahay ayaa waxa ay ku tukadeen maasaajidka weyn ee lagu magacaabo Masjid Qadafe kaasi oo ah masaajidka ugu weyn ee ku yaala East Africa iyadoona umadda muslimiinta ah ee soomaaliyeed ay ku kala tukanayeen maasjidada waaweyn ee ku yaala caasumada dalka Uganada ee Kampala waxaa kaloo isana ka mid ah maasjidka sida weyn saalada ciida loogu tukaday manta Masaajidka weyn ee ay soomaalidu u badan yihiin ee lagu magacaabo Tawhiid Islamic Mesquite oo ku yaala xaafada kisenya ee gudaha magaalada Kamapla iyadoona dadka saaka aroornimadiiba ay isku salaamayeen ciid wanaagsan kulucaamun wa,antumbikheyr iyadona ay isugu hambalyeynayeen munaasabada ciida,

Hadaba waxaa ii suurtogashay in aan makaroofanka la dhexmarayo ardayda soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Uganda sida ay u arkaan ciida waxaa ka mid ah Xildhibaanka ardayda soomaaliyeed ee isaga dhigta Jaamacada Kampala Universitay ee ku taala dalka Uganda Xildhibaan Maxamuud Maxamed Ismaaciil, isagona ii shegay in uu si weyn ugu faraxsan yahay,

Sido kale waxaan isna wax ka weeydiiyey Mr Axmed Geele Shire oo isana ka mid ah ardayda muddo badan wax ku baranaysay dalka Uganda isagona shegay in uu manta si aad ah u faraxsan yahay hambalyna u diray umadda musliminta ah meel weliba oo ay joogaan Waxaan isna wax ka weeydiiyey sida uu u arko ciida Suldaan Mukhtaar C/salaan (Jeeg) isagona hambalyo tas la mid ah u diray umadda soomaaliyeed.

Hadaba dhamaan umadda muslimiinta ah meel weliba oo ay aduunka ka joogaan waxaan leenahay hadii aanu nahay bahda warfidiyeenada Ciid Wanaagsan ilaahay Ciidaan Ciideeda kale Barwaaqo ha nagu gaarsiiyey iyo anagoo sida ka fiican oo isu niyad san.

Xuseen Cabdulaahi Xasan
Email Xuseen339@hotmail.com
Kampala Uganda


Koonfur Afrika oo si weyn looga ciidey

Halkan ka daawo Sawirada Ciida ee K/Afrika

Munaasabadda Ciidul Fidriga ayaa Jimcadii si weyn looga dabaal degay maaglooyinka waa weyn ee ku yaalo dalka doonfur africa, iyadoo dadku subaxnimadii hore ee Jimcada ay u dareereen masaajidda iyo goobaha sida gaarka loogu dukado salaadaha ciidaha.

Magaalada cape-town ayaa si weyn looga ciiday iyadoo dadka ku nool magaaladani cape-town ay salaadda ciidda ah ku dukadeen meel fagaaro ah oo aalaaba loogu talagay salaadaha ciidaha waxaana salaadda la dukaday abaarihii sagaalka subaxnimo.

Salaadda ciida ka dib ayaa waxaa khudbad kooban ka jeediyey goobta salaadda lagu dukaday Sheekh Cumar waaberi oo ah imaamka masjidul Salaam ee xaafadda ay Soomalidu ka degan tahay magaalada cape-town ee Bellville waxaana uu sheegay in maanta oo kale muslimiinta ku nool caalamka laga doonayoin in ay muujiyaan farxad.

Qudbado kale duwan oo culumadii meesha isugu timid ay ka jeediyeen madasha ayaa dhamaantooda waxa ay uga hadleen faa,iidada ay muslimiinta u tahay maalinta ciidda ah waxaana ay tilmaameen in muslimiinta laga doonayo inay is cafiyaan islamarkaana ay wax sadaqeestaan.

Sidoo kale waxa ay culumadu u duceeyeen dalka ay colaaddu dhulka dhigatay ee Soomaaliya oo ay Eebbe kaga tuugeen inuu ka dul qaado dhibatada heysata shacabka Soomaaliyeed ee muddada labaatanka sano ah ku jiray dhibaato ilsmarkaana ilaah ugu badelo nabad iyo barwaaqo.

Nuur ismaaciil sheekh (nuuryare)
Cape-town South ,Africa
E;mail: nuur.usa@hotmail.com


Ciida Soonfur oo maanta si weyn looga dabaal dagey Nairobi

Halkan ka daawo sawiradii Ciidda ee Nairobi

Magaalada Nairobi oo ah xarunta dalka ayaa maanta waxaa si weyn oo wadajir ah ay dadka Muslimiinta ah uggu dabaal dageen Ciida Soonfur, taas oo ay dadka dhamaantood aad uggu riyaaqeen.

Dadka ayaa sida caadada ah waxey uggu soo baxeen fagaarayaasha waa weyn ee magaalada, si ay u oogaan salaadda sunadda ee ciida, iyadoo ay si weyn uggu soo baxeen dadweynaha Muslimiinta ee kudhaqan magaalada.

Qaar kamid ah dadkii soo xaadirey salaadda ciida ayaa muujiyey farxaddooda, waxeyna ALLE ka quud dareynayaan inuu ka aqbalo acmaashii kala duwaneyd ee ay soo qabteen intii lagu jirey bisha barakeysan ee Ramadaan ee aynu soo gaba gabeynay.

Fagaaraha weyn ee lagu magacaabo Ali Muslim Club ayaa waxaa isugu soo baxey dadweyne aad u fara badan, korna u dhaafayey kumanaan kun, si ay u wada qeyb sadaan farxadda Ciidul Fitriga, iyadoo dadka ay isugu jireen rag, haween iyo caruur.

Halkaasi waxaa khudbad ku wajahan salaadda ciida kasoo jeediyey Sheekh Maxamed Cabdi “Umal”, isagoo ummadda Muslimka ah marka koowaad ALLE ugga baryey inuu ka aqbalo soonkii ay soomeen.

Dhanka kale, Sheekhu waxa uu ka hadley qabqabasho iyo xir xirid loo geystay dhawaanahan dad Muslimiin Keenyaan ah loona dhoofiyey dhankaa iyo dalka Uganda, wuxuuna ku tilmaamey in taasi tahay xadgudub loo geysanayo dadka Muslimka ah, isagoo dadka uggu baaqey in arrintaasi laga dhiidhiyo.

Uggu danbeyn sheekhu waxa uu cambaaraayey arrin fool xunna ku tilmaamey go’aanka kitaab gubitaanka ee uu qaatey wadaadka Kiristaanka mayalka addag ee xukuma kaniisad kutaal gobolka Florida ee cariga, wuxuuna intaasi raaciyey in diinta ALLE ayansan jirin cid hoos u dhigi karta hadda iyo mustaqbal kaba.

Meelaha kale ee ay Muslimiintu ku tukadeen magaalada Nairobi ayaa waxaa kamid ah barxadda weyn ee u dhaw Burhan Estate, Jamia Mosque iyo South C.

Ciidda Soonfur ayaa dhacda ka gadaal gudashada Soonka oo ah rugni kamid ah tiirarka Islaamka, halka sidaas si lamid ah ciidda weyna ay ka danbeyso gudashada Xajka, oo isna kamid ah tiirarka Islaamka.

Ciidan Soonfur wey ka badbaadey khilaaf, marka loo eego bilashadii Soonka oo ay dadka laba maalmood oo is xiga ay kala soomeen.

Aalaaba Soomaalida inta badan iskuma raacaan bilashada bisha soonka iyo sidoo kale ciidda, taas oo loo aaneyn karo firqo diimeedka oo kusoo badanaya dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah gudahooda, iyadoo aan horey loogu aqoon arrintaas.

Dadka waxaa wajiyadooda ka muuqdey reyn reyn, qof walbana waxa uu qabey dhar cusub oo uu uggu tala galey inuu ugga qeyb qaato maalinta ciidda.

Dhanka kale, si weyn ayaa looga ciidey dhamaan qeybaha kale ee dalka Kenya, sida waqooyi bari Kenya oo ay dagto Soomaalida Kenya iyo gobolada bartamaha iyo dhanka xeebta oo ay u badan yihiin dadka Muslimiinta.

Said Hassan Anteno
saidanteno@hotmail.com


Sidee looga ciiday magaalada Laascaanood

Waxa si weyn looga ciiday magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Boqolaal dadweyne ah ayaa isugu soo baxay banka lagu tukado ee Masalaha loo yaqaano, waxa dadweynaha ku wehelinayay madax ka tirsan maamulka Gobolka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Qaar ka mid ah ururada bulshada rayidka ah ayaa diraya tahniyada cidal fitriga barakaysan.

Ururka Mideynta iyo Horumarinta Dhalinyarada Gobolka Sool (SYUDO) ayaa diraya tahniayda ciida iyagoo u diraya dhamaan umadda islaamka ah gaar ahaan umadda soomaaliyeed waxayna leeyihiin wa kulu can wa antum bikhayr.

Hogaanka warfaafinta iyo xidhiidhka dadweynaha
C/rashiid Axmed Aadan
Dhan ka kale:
Waxa tahnyada ciidda diraya ashkhaasta kala ah:
1. Xuseen Cal Dhegahoray
2. Maxamed Cawil Xuseen Qalaaf
3. Maxamed Maxamuud Dhegahoray
4. Axmed C/laahi Jaamac Carab (gabyaaga)

Si kastaba ha ahaatee, xaflada ciida ayaa si balaadhan looga ciiday Laascaanood dadweynuhuna ay aad ugu faraxsanaayeen inay soo guteen 30 beri ee ramadaan.

Subeyr Cismaan Idiris
Laascaanood, Sool
subeyr1425@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Randers, Denmark, Kampala, Cape-Town, Nairobi, Toronto, Minneapolis iyo guud ahaan dunida oo Si heer sare ah looga Ciidey "

  1. ccd says:

    maa sha Allah waxaan lee nahay ciidaan ciideeda kale nabad iyo barwaaqo illahay hanagu gaarsiiyo dhamaan muslimiinta dunida kunool

  2. mohamerd j says:

    maanshaa alaah reer randers baashaaal camal meesha alaaah
    meesha ali madaree ka gartay lool