Home » Warar »

Shirkad Aan la Aqoon halka ay ka soo jeedo oo Federaalku ku Wareejisey Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Iyadoo Shacabka Soomaaliyeed weli dhegahooda ka sii yeereyso Heshiiska dhinaca badda ahaa ee dhex maray Soomaaliya iyo Kenya ayaa hadda waxaa Magaalada Muqdisho heshiis ku kala saxiixday Shirkad shisheeye ah oo la sheegay in ay ka hawgeli doonto Dekedda iyo Garoonka Caalamiga ah ee Magaalada Muqdisho.

Heshiiskaan oo dhawaan Dhacay ayaa waxaa  goob joog ka wada ahaayeen Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’isul Wasaaraha DFKMG Cumar C/rashiid Cali Sharmake iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Adan ayaa waxaa dhinaca shirkadda heshiiskaan galeysa oo lagu magacaabo SKA Air & Logistics u saxiixay guddoomiyaha Shirkaddaasi nin lagu magacaabo Douglas, waxaana munaasabadda heshiiskaasi ka dhacday xarunta madaxtoonyada, waxaana lagu waramay in heshiiskaasi uu dhigayo in shirkaddaasi ay dayactirto Garoonka Diyaaradaha iyo Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho isla markaana ay u qalabeyso si heer caalami ah.

Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Ra’isul Wasaare Cumar C/Rashiid iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Adan ayaa si weyn u soo dhaweeyey heshiiska lala galay shirkaddaasi oo ah horey uga soo shaqeysay wadamada Ciraaq, Kuweyt iyo Qadar, iyadoo Guddoomiyaha shirkaddaasi oo isna ka hadlay munaasabaddii heshiiska uu sheegay in shirkaddiisu heshiiskaasi ku faraxsan tahay isla markaana in shirkaddiisu ka hawlgasho Muqdisho ay noqon doonto mid yididiilo gelisa in ay ka shaqeeyaan shirkado kale Magaalada Muqdisho oo ay dagaalo sokeeye la degeen mudo 20 sano ah.

Aqooyahano soomaaliyeed ayaa aad uga xumaadey in Dowladda FKMG Heshiis la gasho Shirkad aan si wanaagsan loo garaneyn in ay ku wareejiso Dekedda iyo Garoonka Diyaradaha iyagoo ay joogaan Shirkado soomaaliyeed oo ka wanaagsan Shirkadaas waxay kaloo ay sheegey in u jeedada ka dambeysa in shirkad Shisheeye lagu wareejiyo Garoonka iyo Dekeda ay tahay in la Cunaqabteeyo Bulshada soomaaliyeed isla markaan loo horseedo Sicir Barar aysan Xamili Karin waxayna u soo jeediyeen Dowladd Federaalka in ay sida ugu dhaqsiyabaha looga laabto heshiiskaas, waxayna hadalkoodii ku soo gunaanadeen in Dowlada federaalka ay tahay Dowlada aan ka naxeyn Bulshada soomaaliyeed maadama ay hore ugu guuldareyseen in ay bixiyaan qaybo ka mid ah Badda Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa markiiba ka hor yimid heshiiskaasi kuna tilmaamay in la doonayo in lagu dhaco hantida ummadda Soomaaliyeed, “Waxaa la yaab leh in heshiis kasta oo ay saxiixaan madaxda sare ee Dowladda aan la soo marsiin Baarlamaanka, marka waxaa u aragnaa in heshiis lagu yahay in la dhaco dhamaan hantida ummadda Soomaaliyeed” waxaa sidaasi yiri qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka waxayna intaa ku dareen  “Horey ayay la isugu dayey in loo dhaco badda Soomaaliya, balse nasiib wanaag waxaa ka hor tagay Xildhibaanada Baarlamaanka oo ogolaan waayey in la bixiyo qaybo ka mid ah Badda Soomaaliyeed”, waxayna u soo jeediyeen Xildhibanada Baarlamaanka in ay sidii kal hore uga hortageen heshiiskii badda ay isla sidaas oo kale uga hor tagaan heshiiskaan la xiriira Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho oo aan la ogeyn halka uu salka ku hayo.

Heshiiska dhex maray Dowladda Federaalka Shirkadda Sky Air Logistic laguma faahfaahin qaabka Saami qaybsiga waana middaas midda shakiga gelisay heshiiskaan oo ay durba qaylo dhaan ka soo yeertay Qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo si kulul uga hor yimid Dastuurka Cusub ee dhawaan la sameeyey

WD: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

8 Jawaabood " Shirkad Aan la Aqoon halka ay ka soo jeedo oo Federaalku ku Wareejisey Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho "

  1. puntlander says:

    waxaan oran lahaa waxba kuma jabna hadii Dow lada koonfur ka jrtaa ey muqdisho Airporka iyo dekeda udhisto
    waa waxqabad intey awooday.

  2. alisalxa says:

    waxyaabaha ugu yaabka badan o ay ku kaceyso dowlaadu ayya ka mid tahay in maalinbta ay qeybta ugu danbeysa ay shaqada ka qabtaan, garoon, iyo daked waxey shaqeyn karaa markii si nabad leh loo xasiliyo dalka, balse bad,barin,garon iwm in malinba mashruuc lagu bixiyaa waa tabardarada dowlada ee indhha ka dawada wax sii shaqeenaya ma noqon doontee

  3. Ninkan caddanka ah umaba eka business-man wixii lagu yiqiinay. Xataa sida uu u labisan yahay wuxuu iila eg yahay nin ciyaal suuq ah.

    Waa ayaan darro kale oo Somali ku habsatay dowladan lagu macaabo Dowladii “Shiikh” Shariif. In ay saddexdii masuul ee ugu sareeyay dowladda sidaa u dullaysan yihiin – waa sida sawirrada ka muuqata – waa ayaan darradeena.

    Tani dowlad maahee Alle meel ha noo dhaafiyo.

    AMISOM-na waxay shaqo ka dhigatay silac dilyeynta inta ku hadhay Muqdisho oo maalin walba ay madaafiic ku asqeeyaan shacab aan wax galabsan oo giryahooda hurda ama suuqyada ka adeeganaya.

    Allow na soo gaar!

  4. awal says:

    anu waxan ku talin laha alshabab hala raco ayaga ayaa daacad ah oo la maqashiin karin shirkada wadanka dhacahya

  5. Naasriin says:

    waxaan rabi lahaa in aan fahmo waxa la diidanyahay, dekedda iyo Airporka in la dayac tiro maxaa ku jaban, haddii Shirkada ajnabi ah dayactireyso micneheedu ma in ay dekeddii iyo Airporkii qaateen baa? iney sicir barar shacabka u keeneyso maxaad u dallishateen illen qoraalkiina kuma aydaan faahfaahin, Sow dekedaha dunida ugu horumarsan shirkado ajnabi ahi ma maamulaan, sida tan Djibouti iyo Dubai. haddii aad heysaan wax dadka somaliyeed xaqiiqdii wax loogu dhimayo sheega sida ay wax ugu dhimayaan. haddii kale cawaadifka dadka ha kicinina fidnaha ha horseedina. waa iga talo

  6. nur says:

    meeshaan dowlad federaal wax la yiraah ma jira ee sedexdan heshiiska saxeexay iyo qaarka ayaga la mid ah ee horay noo soo maray waxay dowladnimada u soo galeen inay labada sano ka fara qabsadaan maadaama Soomaaliya ku jirto xillingii tuug kasta uu boobi lahaa mid shisheeye ah iyo mid shisheeye kalkaal ah. Teeda kale KAMAAL hadalkiisa ayaan ku soo celinaaya oo ah in la rabo Soomaalida inteeda badan la qaxiyo ka dibna ay Ethopia sidaas ku qaadato. waxaa laga yaabaa inay dadka qaar fogeystaan laakiin Gaalada qorshayaashooda mudo dheer ayay u qabtaan. Aaway dadkii asal u lahaa America, Australia, Falastiin dhulkkeeda intiisa badan, New Zealand haka reebin. Soomaliyeey indhaha fura oo si dhaqsa ah u heshiiya oo isu tanaazula hadii kale mustaqbalkeena iyo facyaha soo socda ayaa ku baaba’aya. Maalinta Qiyaame Allah wuxuu noo istaajinayaa dhul Muslim Soomaali ah oo lagu caabudi jiray qarniyo inaan faraha ka bixinay. Allah umada haka saaro dhibkaan ay ku jirto .wabillahit towfiiq.

  7. heshiis kastoo yaab badan oo aay gasho dowladdan taagta daran ninka ka mas uulka h waa sh sakiin taariikh xumo isaga ayey u taal

  8. kamaal says:

    waxaad la yaaban tihiin dekadii somaliya oo lagu wareejiyay dad aan la aqoon waxaa soo socda geedaha somaliya oo lagu wareejiyay ms marry carlos ha sugi waayina…..wixii maxamed siyaad naga hayay ayaa maanta banaanka u soo baxday waxa la inoo dilayaa waa in wadanka la dhaco ninkii aan ogayn anaa kuu sheegayo…

    Ilaa wadanka oo dhan lala wareego madfac nagama joogsanayo aan is dhiibno ama aan dagaalano wax ka dhexeeya ma jiraan……