Home » Warar »

Xarunta Al-Shahid oo dood Cilmiyeed looga hadlayo Fursadaha iyo Dhibaatooyinka haysta Suxufiyiinta Soomaaliya ku qabatay Nairobi

Xarunta Cilmi Baarista iyo Daraasaadka Iclaamiga ee Alshahid ayaa ku qabatay Andulus Hotel, Nairobi, dood cilmiyeed ay ka soo qayb galeen inta badan wariyayaasha Soomaalida ah ee Nairobi ku dhaqan iyo waliba kuwo dalkii ka yimid, loogana hadlayay fursadaha ay haystaan iyo dhibaatooyinka hor yaala suxufiyiinta Soomaalida ah gaar ahaan kuwa ka howl gala dalka Soomaaliya.

Warbixinta oo sawiro wadata ka eeg halkan (pdf)

Dood cilmiyeedka ayaa cinwaan looga dhigay: Abuurida jawi wanaagsan oo ay ku shaqayn karaan suxufiyiinta Soomaaliya;fursadaha, caqabadaha iyo sidii looga bixi lahaa dhibaatada haatan taagan.

Ugu horayntii,Yassin Ciise Wardheere, agaasimaha Idaacada Iqra laanteeda afka Soomaaliga, ahaana daadihiyaha barnaamijka ayaa ka hadlay doorka ay Alshahid ku leedahay tayaynta saxaafada iyo wariyayaasha Soomaaliyeed.

Mudane Wardheere ayaa carabka ku adkeeyay in xarunta Alshahid ay tahay tan kaliya ee mar waliba isku taxalujisa sidii ay saxaafada Soomaaliyeed u garab is taagi lahayd iyo waliba cilmi baarista iyo aruurinta dhacdooniyka Soomaaliyeed.

Intaas kadib waxaa kullanka ka hadlay Dr. Maxamed Axmed Sheekh Cali oo ah agaasimaha xarunta Alshahid ee Geeska Afrika. Dr. Maxamed ayaa ka waramay ujeedooyinka loo asaasay xarunta cilmi baarista iyo daraasaadka iclaamiga ah ee Alshahid oo ah in la aruuriyo dhacdooyinka Soomaaliya si looga faa’iideysto loogana baaqsado soo noqoshada khaladaadka mar waliba dhaca.

“Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya, waxaa sanad guuradiisii 50aad ee kasoo wareegtay markii la asaasay, laga qoray laba buug oo waaweyn, balse sanad guuradii 50aad ee kasoo wareegtay maalintii ay Soomaaliya xoriyada qaadatay ma jirto cid wax ka qortay.” Ayuu yiri Dr. Maxamed Axmed Sheekh Cali oo ka hadlay sida aan loo arrurin dhacdooyinka Soomaaliya.

Agaasimaha xarunta Alshahid ee Geeska Afrika ayaa ka waramay siminaaro ay xarunta ku kala qabatay gudaha dalka Soomaaliya iyo waliba Nairobi, kuwaasi oo loo kala qabtay qaybaha kala duwan ee bulshada, sida: bahda saxaafada, culimaa’udiin iyo odayaal dhaqameed,bahda waxbarashada iyo waliba mid looga hadlayay dhibaatada tahriibka oo ka kala dhacay, Muqdisho, Garowe, Hargeysa iyo Nairobi Sidoo kale Dr. Maxamed ayaa sheegay in dhibaatada haysata suxufiyiinta Soomaaliyeed ay tahay mid sii korortay sanadyihii ugu dambeeyay, waxaana uu soo qaatay in tacadigii ugu dambeeyay lagula kacay wariye ka tirsanaa Radio Daljir kaasi oo rag hubyasya ay habeen ka hor ku dileen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Xassan Ciise Cali Kuuriye, oo muddo dheer kusoo dhex jiray saxaafada Soomaaliya, marna ahaa agaasimaha wasaarada warfaafinta ee Soomaaliya ayaa ka hadlay fursadaha ay haysato saxaafada Soomaaliya, isaga oo carabka ku adkeeyay in fursadahaasi laga guul gaari karo haddii la helo midnimo ka dhex abuuranta bahda saxaafada Soomaaliyeed.

Mudane Xassan Ciise ayaa tusaale u soo qaatay sidii ay saxaafada Kenya uga hortagtay qorshe ay dowladdooda dhawaan ku doonaysay in ay ku yarayso xoriyadooda taasi oo uu sheegay in ay ku gaareen midnimada ka dhex jirta xarumaha warbaahinta ee kala duwan ee Kenya leedahay

Axmed Faarax Cali (Idaa Jaa’) oo ah aabbaha suugaanta Soomaaliyeed, aadna uga dhex muuqda saxaafada Soomaaliyeed ayaa kullanka ka sheegay in ay muhiim tahay samaynta urur ay ku midaysan yihiin saxaafada Soomaaliyeed, waxa uuna tilmaamay in xarunta Alshahid oo ah mid ay isugu tageen aqoonyahano Soomaaliyeed ay gacan ka geysan karto sidii lagu heli lahaa ururkaasi

Sidoo kale Idaajaa ayaa ku booriyay wariyayaasha Af-Soomaaliga ku howl gala in ay kordhiyaan aqoontooda dhinaca luuqada Soomaaliga ah isaga oo yiri “Af-Soomaaliga waa in la bartaa laguna mintidaa barashada suugaantiisa si aad uga baaqsataan isticmaalka ereyo aan sal iyo raad ku lahayn luuqada.”

Khadija Mayow Abukar, oo ah wariye la shaqaysa Idaacada Iqra laanteeda afka Soomaaliga, horayna uga soo shaqaysay Radio Muqdisho xiliyadii beri samaadkii ayaa ka hadashay muhiimada ay saxaafada u leedahay ummadda iyo in midnimo oo kaliya looga bixi karo dhibaatada ku habsatay suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Ka soo qayb galayaasha oo isugu jiray wariyayaal miisaan ku leh warbaahinta Soomaalida iyo tan caalamkaba ayaa fikradahooda ka dhiibtay dood cilmiyeedka ay Alshahid soo qaban qaabisay, waxaana la isku raacay muhiimada ay leedahay helida midnimo ka dhex dhalata warbaahinta Soomaaliyeed si looga gudbo caqabadaha lasoo gudboonaada warbaahinta dalka Soomaaliya

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Weriye u shaqeynayey Idaacada Daljir oo Tooreey lagu diley

Aug 31, 2010: Wararka ka imaanya MAgaalada Gaalkacyo      ee Gobolka Mudug ayaa sheegeya in dhinaca Puntland lagu diley Wariye u shaqeynayey Idaacada Daljir ee ka furan Magaaladad Gaalkacyo  ka dib Markii Kooxo ku Hubeysan Mindiyo ay soo weerarareen Weriyahaas

Wariyahaas oo lagu Magacaabo Cabduqaadir Cumar Geedi ayaa Idaacada Daljir wuxuu kaloo ugu shaqeyn jirey Farsamayaan waxaana la sheegey in markii la geeyey dhaawaciisa  isbitaalka uu ku geeriyoodey halkaa

Ciidamada Booliska ee Maamulka Puntland ayaa waxay goobta uu ka dhacay Falkaas ka bilaabeen Baaritaan xoog leh waxaana lagu waramey in dhowr qof loo qabtey dilkaas oo ay si aad ah ugu xumaadeen Ururada Saxaafadda ee ka jira maamulka Puntland waxaa sidoo kale iska soo daba dhacaya Cambaareyn ku saabsan dilka weriyahaas oo ay ku tilmaameen mid ka baxsan dhinaca Baniaadanimada waxayna codsadeen in deg deg loo soo qabto cidii ka dambeysey dilka weriyahaas si loo Mariyo sharciga

Waxaa waqtiyadaan dambe Dalka soomaaliya ka dhacayey dilalaka loo geysanayo Wariyayaasha waxana dhawaan Xabad wiifto ah ku dishey Magaalada Muqdisho Agaasimihii Idaacada Xurmo Barkhad Cawaale Aadan sidoo kale maamulka Pundland ayaa isana ka marneyn waxyeeleynta Wariyayaasha waxaana dhawan Magaalada boosaaso lagu xirey Agaasimihii Idaacada Horseed Media  Cabdi Fitaax Jaamac waxaana lgu xukumey lix Sanno oo xariga waxaana Cambaareeyey Qaybaha Warbaahinta soomaaliyed ka kooban tahay kuwaas oo maamulka Puntland ka codsadey in si deg deg ah loo sii daayo

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.