Home » Faallo »

AL-Callaamah AL-Shiikh Abuu AL-Xasan AL-Nadawi (1)!!!

Waa kuma Abuu AL-Xasan AL-Nadawi ????:

Waa Abuu Xasan Cali AL-Xasani AL-Nadawi oo ahaa Shakhsiyadda ugu weyn uguna caansan ee Culumadda Hindiya (1).

Wuxuu ku dhashay Tuulada Takiit oo ka tirsan Degmada Raali Bariile ee Hindiya Sannadku markuu ahaa 1332 H oo ku Aadanayd 1913 M.

  • Wuxuu waxbarashadiisii ka Bilaabay Daarta Culuumta ee Nadwatul Culamaa.
  • Wuxuu uga sii gudbay Dugsiga Shiikh Axmed Cali ee Laahoore,halkaas oo uu ku soo qalin jabiyey Maadada Tafsiirka(2).
  • wuxuu noqday xubin ka mid ah isutagga Luqadda Afka Carabiga ee Dimishiq ee Dalka Suuriya.
  • Aasaasaha isutagga Cilmiga ee Dalka Hindiya iyo waliba madaxiisa.
  • Xubin ka mid ah Isutagga Cilmiga ee Dupont.
  • Madaxa Markazka oxford ee Daraasaatka Islaamiga ah.
  • Xubin ka mid ah Aasaasayaashii Raabidhadha caalamka Islaamka.
  • Waxaa lagu tiriyaa Culumada ugu waaweyn Dalka Hindiya,wuxuuna ku soo biiriyey Maktabadda Islaamka Kutub fara badan oo Qiimo leh.

Waxaa aad loogu xasuustaa Kitaabkiisa Qayimka ah ee laga daba dhacay ee uu qoray asagoo 30 jir ah waa kitaabka la yiraahdo:

( Maadaa Khasara AL-Caalam bi inxidhaadhil Muslimiin) (3)

oo macnihiisu yahay muxuu adduunku Khasaaray markii ilabaxnimadii Islaamku Burburtay ????!!!!
Kitaabkaas oo uu Shiikhu aad u farsameeyey wuxuu ka soo bilaabay intaan Nabi Mohamed NNKH aan la soo saarin Qarnigii 6aad ee Miilaadiga iyo adduunku sida uu ahaa, iyo Dawladihii waagaas jiray iyo sida ay u dhaqmi jireen siiba:

Roomaanka(yurub) persianka(Iraan),Hindiya,Shiinaha,Yahuuda Iyo Carabta iwm.
Sida Diintoodu aheyd,Cadaaladooda,Noloshooda Bulshanimo, Xoogooda,Caafimaadkooda,Haweenka sida ay ula dhaqmi jireen IWM.

Kadib ayuu haddana Barbardhigay soo Bixitaankii Dawladdii Islaamka ee uu Hogaaminaayey Nabi Mohamed NNKH iyo waxay Adduunka ku soo kordhisay Caqiido ahaan iyo Horumar ahaanba .

Kadib ayuu ka sheekeeyey laga soo bilaabo khulufaddii Rasuulka ilaa laga soo gaaro Dawladdii Cusmaaniyiinta oo dhacday 1923.

Shiikhu Wuxuu kitaabkaas ku muujiyey sida Muslimiintu u hormarsanaayeen markay Diintooda ku dhaqmaayeen iyo sida ay u duloobeen markay Diintoodii ka tageen iyo Waliba sida adduunweynuhu u tabay Ilbaxnimadii Islaamka markay Burburtay dhanka Ruuxiga iyo Dhanka maadigaba.

Kitaabkaan oo soo baxay Xaalad ay Muslimiintu ku jireen Gumaysigii Reer Yurub, ayaa ahaa mid Muujinaaya heerkii Nolosha & Ilbaxnimada ee Islaamka uu soo maray iyo Xaaladduu Waagaas ku jiray oo kala ah Kaaf & kala dheeri .
Kitaabkan Waxaa Qiimihiisa sii Siyaadshay Markii lagu Daabacay Masar 1950 oo ay Horudhac u sameeyeen Seddex Qoraa oo waaweynaa oo kala ah : Sayid Qudub,DR. Mohamed Yusuf iyo Ustaad Axmed AL-Sharbaasi.

Sayid Qudub oo Kitaabkaan aad uga helay wax badanna Kutubtiisa
( Reference) uga soo qaatay ayaa kitaabka ku tilmaamay sida :

( Kitaabkaani waa mid Taariikheed oo ay lagama maarmaan tahay in ay Muslimiintu Taariikhdooda ka qaataan, kaligiisna kaga kaaftoomaan Taariikhda Reer Yurub ay Islaamka ka sheegaan, Maxaayeelay sida kitaabkaan uma habaysna,umana cadaaladsana umana xaqiiqsana.

Sidoo kale ayaa Dr. Mohamed yusuf Wuxuu kitaabkaan ku tilmaamay:

( In Ruux kasta oo Muslim ah oo doonaaya in uu Islaamka Sharaftiisii soo celiyo ay waajib ku tahay in uu Kitaabkaan Akhriyo ) !!!!!

Saaxiibkiis Ustaad Axmed AL-sharbaasina wuxuu Shiikha ka yiri :

( Shiikha ayaan mar weydiiyey Dadkii ka horeeyey ee uu ku dayan jiray ???
Markaas ayuu iigu Jawaabay Shiikh Axmed Bin Xanbal Saaxibul Mixnatul Khalqul quraan,Shiikh Ibnu Tiimiyah, Shiikh Axmed ( AL-sirul hindi) waa magaalo ku taal haatan Bunjaab oo dhintay 1024 H waa saaxiibka Risaalooyinka waaray ee ka hadlaaya shareecadda,Bidco la dagaalamka iyo Xaqiiqada.
Sidoo kale waxaan ku daydaa Mujadadkii ummadda ee Waliyulaahi
AL- Dahlawi oo dhintay sannadkii 1176 H Qoraagii weynaa ee Islaamka saaxiibka Kitaakiisa ( Xujatul Laahi Baaliqah)
iyo AL-shiikh AL_Shahiid Axmed Aasaasihii Dawladdii Islaamka ee ugu Horeysay Qarnigii 13 ee Hijriga taas ooy af qabatay Dawladdii Ingiriiska markay Shahiid Axmed ku Dishay Magaaladda Baalakaat oo haatan Pakistaan ka tirsan sanadkii 1246 H Shiikhaas oo ka mid ahaa qoyska Reer Nadawi.

Shiikh Abuu AL-Xasan wuxuu Jaaliyadda Muslimiinta Hindiya oo ah Jaaliyadda ugu Badan Adduunka ee Dawlad aan Muslim aheyn ku dhex nool oo lagu Qiyaaso 150 malyan ayuu Shiikhu Muddo 40 sano ka badan uu ahaa hogaamiyaheedii,Hanuuniyaheedii,Caalimkeedii iyo Barbaariyaheedii iyo Xuquuq Dhawraheedii.
Wuxuu kaloo Sumcad aan la koobi karin ku lahaa Caalamka Islaamka oo idil Xagga Dacwadda & Sugaanta Islaamkaba.
Waxaa Shiikha u Baroor Diiqay Dhamaan Isutagyadda & Hay’adaha Cilmiga ee Hindiya oo idil waxayna ku tilmaameen Dhimashadiisa mid aan laga soo kabsan karin Hindiya ahaan iyo waliba Caalamka Islaamka.
Waa inoo qeyb Labaad iyo Waxay Culumadu Ka yiraahdeen Shiikh AL-Calaamah Abuu AL-Xasan AL-Nadawi Raxmatulaahi Calayhi.

Fii amaani Laah

Shiikh Saahid Mohamed yusuf
Valley City, North Dokota USA
sahidyusuf@yahoo.com
AL-Mutakhasis Fil Xarakaat AL-Islaamiyah.
1) waxaan ka qoray kitaabka ( Culumaa Faqadnaahum) culumo aan weynay.
2) waagaas hindiya & pakistaan wey isku jireen oo labo dal ma aysan aheyn
3)kitaabkaas afka isgiriiska waa lagu tarjumay magaciisana waxaa la yiraahdaa ( Islam& the World)sidoo kalena afka urduga waa lagu turjumay se asalkiisu wuxuu shiikhu ku qoray Afka carabiga fasiixa ah, aydoo lala qabo in uu cajami ahaa.

http://www.somalitalk.com/2009/jul/04dh209.html

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.