Home » Warar »

Warar kii ugu dameeyey ee Dagaalada ka socda Muqdisho

Shiikh Shariif: Kooxaha naga soo horjeed Goobo hor leh oo ku yaal magaalada Muqdisho ayey qabsadeen waxaan Caalamka ugu baaqayaa in ciidamo iyo Hub nala soo gaaraan.

Waxaa mar kale Magaalada Muqdisho ka bilowdey Dagaalo aad u qaraar ka dib Nasasho aan sidaa u Buurneyn, wuxuuna dagaalka xoogiisa uu ka socdaa dhinaca Degmooyin Boondheere iyo Hodon wuxuuna u dhaxeeyaa Ciidamada Dowlada FKMG oo gacan ka helaya kuwa Amisom iyo Xoogaga ka soo horjeeda waxaana labada dhinac la isku adeegsanayaa Hubka Noocuyadiisa kala duwan, waxaana Magaalada qaybaheeda laga maqlayaa Daryanka Hubka waxaana dhegaha dadka ku soo dhacaya Dhawaaqa Hubka BM-ka oo Ciidamada Amisom ka ridayaan Garoonka Diyaaradaha iyo Dekeda weyn ee Magaalada Muqdisho .

Dadka ayaa ka argagaxaya Dhawaaqa oo ah mid aad u culus waxaan Magaalada aad ku arkeysaa dad hadba dhinac u yaacaya oo garan la’ meel ay u dhaqaaqaan sidoo kale Gawaarida Gurmadka deg dega ah ayaa daabulaya Dhaawacyada ka dib markii dadkaas ay Guryahooda Madaafiic ugu tagtey sidoo kale Suuqa Bakaaraha ayaa mar kale Duqeyn ku dhacdey wuxuuna Madfac uu ku dhacay Suuqa Bacadlaha waxaa ku dhaawacmey Dad fara badan waxayna Duqeyntaan ku soo beegantey xilli dadka isu diyaarinayaan Ciidul-Fidri .

Xaalka ayaa marba marka ka dambeysa ka sii dadaraya waxaa dadka ugu darsamey iyadoo ay xirmeen Wadooyin fara badan oo la isaga socon jirey ka dib markii labada dhinac ay dhufeysyo ka qoteen mana muuqato saan saan lagu furayo wadooyinkaas waxana Suuqa weyn ee Bakaaraha laga galeyaa hal wado oo wareeg iyadoo midi furneyd iyana waxaa isku xirey Gawaarid fara badan oo qaar ka mid ah ay badeecooyin u sidaan Suuqa Bakaaraha.

Iyadoo Toddoba maalmood Magaalada uu ka socdey dagaal aad u qaraar ayaa kan maanta qarxay waxaaan la sheegey in uu ka xoog badan yahay kuwii la soo dhaafey iyadoo Gawaarida Gargaarka deg dega ay is dib dhaafayaan wadada keliya ee Maka Al Mukarama waxaa sidoo kale la arkayaa Gawaarida Ambalaaska ee Ciidamada Amisom waa si xowli ah ku marya wada Maka Al Mukarama, waxaa iyana la sheegey in Isibitaalka Dayniile la geeyey dad fara badan oo dhaawac ah oo u badan dad reyid ah waayo Isbitaalkaas oo keliya ayaa u furan Dadka degen dhinaca waqooyi maadaama Isbitaalka Madiina ay Gawaarida Gurmad deg deg ah ay ku adkaatey in ay halkaa gaaraan ka dib markii ay ciriiri Noqotey wadada keliya ee u furan sidoo kale Dhawacyada dhinaca Dowlada FKMG ayaa la sheegey in la geeynaya Isbitaalka Madiina .

Ilaa hada dagaalka maanta ayaa lahayn tirada rasmiga ah ee wax ku noqotey waxaa weli la maqlayaa daryanka Madaafiicda ee ay isweydaarsanayaan labada dhinac wuxuuna dagaalka ku soo beegmey xilli weli lala Tacaalayo dhawaacyadii ka dhashey Dagaalkii lixda maalmood socdey kuwaas oo ku ildaran Isbitaalada waxaana lagu waramey in ay daalan yihii Taqaatiirt oo lix maalmood oo habeen iyo maalin heegan ahaa.

Dadweynaha ku nool Magaalada Muqdisho gaar ahaa halka lagu magacaabo Baar ubax oo ay ku xoogan yihiin Kooxaha ka soo horjeeda Dowlada ayaa waxaa la keeney Meydka Askari ka tirsan Ciidamada Amison oo la sheegey laga soo heley Goobaha dagaalada ka socdaan waxaana meydkaas lagu jiidayey wadooynka Ilaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin dhinaca Amisom ee ku saabsan Meydka Askerigaas Afhayeenka Xarakada Alshabaab Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa sheegey in ay dileen 11 Askari Uganda ka dib markii Guutada Gantaalaha ay madfac laheleen Ciidamo ka soo baxay madaxtooyada oo uu sheegey in loo soo waday Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta oo ay ku sugnaayeen Xaagaga Ashabaab.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa ugu baaqey Beesha Caalami in ay Kaalmo Milatari lala soo gaaro oo isgu jirta Ciidamo iyo Hub isagoo sheegey in Kooxaha ka soo horjeeda maalmihii la soo dhaafey ay qabsadeen Goobo hor leh oo ka tirsan Magaalada Muqdisho.

Waxaa dadka dhegahod ku soo dhacaya Baaqyo Nabadeed kuwaas oo ka imaanaya qaybaha Bulshada ka kooban tahay waxaa baaqii ugu dambeyey uu ka yimid Madaxweynihii Hore ee soomaaliya Cabdi qaasim Salaad Xasan oo labada dhinac ugu baaqey in ay si deg deg ah u joojiyaan oo ay wada hadlaan waxaa kaloo baaq noocaas ah uu ka yimid Afhayeenka Beelaha Hawiye .

Axmed Diiriye oo sheegey in aan wax hormar ah laga gaarin dagaaladaas wuxuuna u soo jeediyey in ay deg deg dagaaalka u joojiyaan maadaama uu marba marka ka dambeysa uu sii badanayo Khasaarihiisa.

Sidoo kale siyaasiga Cabdulaahi Axmed Caddow ayaa ugu baaqey dhinacyada ku dirirayo Magaalada Muqdisho in ay xal ka gaaraan Dagaaladaas oo uu sheegey in ay ku nafwaayeyn dad fara badan .

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Muxamuud Tarsan ayaa ugu baaqey Ciidamada Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam in ay isku soo dhiibaan Ciidamada Dowlada si loogu sameyo Dhaqan celin hase yeeshee waxan muuqan in dhawaaqa ka soo yeerey Gudoomiya Gobolka Banaadir uu yahay mid aan ka soconeyn Dhinyacyada ka soo horjeeda isku soo wada duuboo waxaa muuqan saan saan ay ku wada hadli karaan labada Dhinac iyadoo midba midka kale uu ku eedeeynayo in uu Caqabad ku yahay Nabada soomaaliya iyadoo Xarakada alshabaab ayaa dooneyso in ay meesha ay ka saarto Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro.

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com .

.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.