Home » Warar »

Masjidka Risaalah Islington London oo la furey


Masaajidka Risaalah oo noqdey Masjidkii 6,aad ey  Soomaalidu ku yeelato London ayaa  laga hirgashey magaalada London, Masjidkan oo ahaa mid ey Soomaalidu ka-wada qeyb-qaadatey sidii ey  u ay gacanta ugu dhigi lahaayeen ayaa waxaa farxad ah in si-toos ah loo furey jimce ah 10kii bisha soon, waafaqsan 20/8/2010, Jimcadii u horreyseyna lagu tukadey taasoo boqolaal Muslimiin ah oo Soomaali iyo Qeyrkoodba ah ay kasoo qayb galeen Khudbadii Jimcahana uu ka akhriyey Sh. Muxamad Idris. Culumadii ka qeyb-qaadtey sida Shekh Maxamed Idris iyo Culumadii kale ayaa maanta ka soo jeedshey muxaadarooyin qiima badan.

Halkan ka daawo sawirada

Shekh Maxamed Idris ayaa ka Hadley ahmiyada ey leeyihiin Masaajida iyo in-la camiro si ubadaka Muslimiinta iyo guud-ahaan bulshaweynta Soomaaliyeed u helaan meel ey ku cibaadeystaan kana helaan talooyin iyo aqoon-kororsi  Sheekh Maxamed Idris, ayaa sidoo kale xusey in-loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ey mideyn karto oo kaliya Diinta iyo Tawxiidka. Sheekh Maxamed Idris ayaa ku soo koobey hadalkiisi qiimaha badnaa in-bulshada Soomaaliyeed ey isku kaalmeystaan khyerka iyo iney dalka wax-ka qabsadaan isagoo hadalkaas uula jeedey iney Soomaalidu yeelato Iskoolo, Machadyo, si loo helo bulsho dhisan waxna wada-qabsan karta Shekh Maxamed Idris ayaa u duceeyay dhamaan walaalihii Soomaaliyeed ee ka qeyb-qaatey isagoo Alle ka baryay inuu u dambi dhaafo sheekha ayaa u duceeyay Soomaalida oo idil iyo in nabad uu noqdo gayigii Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale ka Hadley goobta Masjidka cusub shekh Maxamed Shiino, Imaam ka ah Masjidka Edmington,  Sheekh Xussien Jaamac  oo ka ducaadda waaweyn ee dalkan, Shekh Cabdinoor Weerar oo ah Imaamka Masjid Quba,  Sheekh Saciid Maxamed Farax Imaamka Masjid Daarussalam oo Ramadaankii hore Soomaalidu London ka taagtey Ilaahay fadligiis, waxana ey kuligood tilmaameen ahmiyada ey leeyihiin Masaajida iyo sida Soomaalidu ugu baahan-tahey goob ey yeeshaan si ey uuga baxaan dhib iyo in Soomaalidu noqoto bulsho qeyb ka ah ummada dalkan dagan oo iyadu aan noqon marti.

Ugu danbeyn waxaa hadalka qaatey Dr, Cabdulqaadir Jaziira oo isagu ah Gudoomiyaha Golaha Shuurada  Masjidka ayaa ka warbixiyay marxaladii uu soo marey Masjidka iyo sidii ey ugu sabreen mashqadii ka soo martey, Dr Cabdulqaadir Jaziira ayaa tilmaamey in-Soomaalidu Uk ku dhaqan iyo Muslimiinta ey maanta u tahay maalin farxad ah waxana uu xusey iney jirtey dhibaatooyin Soomaalida ka heystay Masaajida iyo sida bulshada Soomaaliyeed ey  marti u aheyd walaalaha Muslimiinta kale balse hada kadib ey Soomaalidu noqon doonto kuwa  yeesha  Masaajido iyo goobo wax-barasho ugu danbeyn Mukhtaar Sheekh Cismaan oo kamid ah maamulayaasha Masjidka ayaa isna ka Hadley goobta waxana uu sheegey inuu ku farxsan-yahay waqti dheer kadib in maanta Masjidkii isagoo u duceeyay dadkii ka qeyb-qaatey iibinta masjidka iyo culumadii qeybta weyn ka qaadatey sida Fadiilatu Sheekh Maxamed Idris. Ugu danbeyn waxaa halkaas ka Hadley mid ka mida Odayaasha Xaafada Islington mudane Saciid Cagaweyne isagoo sheegey inuu aad u farxsan yahay iyo in-dadweynaha xaafada dagan ay ka faaideysan doonaan masjidka Risaalah isagoo xusey in masjidka uu noqon doono goob laga arimiyo xaalada ummada Soomaaliyeed iyo hoyga Jaaliyada Soomaaliyeed hadii Alle idmo

Sakariye Maxamed Isticmaar

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.