Home » Faallo »

Ileyn dibir kama dheregto!! | Amiin Yuusuf

Maqaalka oo sawiro wata ka akhri halkan GUJI

Tan iyo markii Madaxweynimo loo soo magacaabay 31-kii Janaayo 2009 Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxay dadka oo dhan niyadda ay ku hayeen in xaalka Soomaaliya uu ka soo reynayo isla markaana wixii markaa ka dambeeyey lagu noolaan doono nabad iyo baraare hase yeeshee xaalku waxa uu isku bedelay in markii  kooxihii ka soo horjeeday magacaabista Sheekh Shariif ay bilaabeen in ay dagaalo kala hortagaan, waxa uuna dagaalkaan hadba meel soo marayey marxalado kala duwan aakhirkiina wuxuu  keenay in dowladdii ay shacabku ku han weynaayeen in ay ku soo uruurto oo ay difaac ka gasho jidka dheere ee Makka Almukarama, sidoo kale Madaxtoonyada ayaa kaabiga loo saaran yahay, waxayna Kooxaha ka soo horjeeda Sheekh Shariif ay sabab uga dhigeen mucaaradnimadooda in Sheekh Shariif uu ka leexday wixii laga doonayey , isla markaana uu la macaamilay wax ay ugu yeereen Gaalo, hase yeeshee cadaadis Dowladda Sheekh Shariif uga yimid meelo badan ay ugu horeeyaan Culimada’udiinka Soomaaliyeed ayaa taasi waxay keentay in Golaha Baarlamaanka la horgeeyo in Dowladdu tahay dowlad islaami ah wiixi haatan ka dambeeyana ay ku dhaqmi doonto Shareecadda Islaamka, hase yeeshee kooxaha ka soo horjeeda Dowladda arrimahaasi dheg jalaq uma siin, waxayna halkaasi ka sii wadeen dagaaladoodii  oo sababtay inay la wareegaan goobo fara badan oo ku yaala magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif oo isku haleynayay ciidamadii Maxaakiimta Islaamiga oo taradooda lagu qiyaasay ilaa iyo 20 kun waa sida loo gudbiyey beesha Caalamka ayaa iyana Aagagiii ay ku lahaayeen Magaalada Muqdisho waxay ka soo baxeen maalin cad, waxayna u soo talaabeen dhinaca kale. Nin siyaasadda Soomaaliya u dhuun daloola ayaa waxa uu yiri “war ma garaneysaan sababta Shariif madaxweyne looga dhigay?”, kooxdii uu u sheekeynayay ayaa tiri “Maya ma garaneyno”, waxa uuna ku jawaabay “Waxaa la doonayey in Ciidamada tarada badan oo uu sheegtay lagu jabiyo kooxah ka soo horjeeda balse taasi ma noqon”, waxa uuna sii daba dhigay “waxaa markiiba la abaabulay ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca oo beesha caalamku doonayeen in ay garab siiyaan dowladda, haddana taasi ma suuragelin oo waxyaabihii laga filayey Ahlusunna ma aysan la imaanin waxayna soo dedejisay in uu khilaaf ka dhex oogmo Ahlusunna Waljameeca”. Intii uu madaxweynaha ahaa Sheekh Shariif waxay dowladdiisu la kulantay afar dharbaaxo oo ay u gaysteen Xarakada Shabaab Mujaahidiin , mid waxay ahayd qaraxii ka dhacay Magaalada Baladweyne wax auuna Sheekh Shairif  halkaasi ku waayey nin muhiim u ahaa dowladdiisii oo lagu magacaabo Cumar Xaashi Aadan, dhacdadaasi Dowladdu kama aysan jawaabin waxaa markale loo dhiibay dharbaaxo kale markii ciidamada AMSIOM dharaar cad labo gaari oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo ay saaran yihiin dad naftood hurayaal ah ay galeen xarun si aad ah loo ilaaliyo oo ay leedahay AMISOM oo ku taala Ex-Xaruntii hore ee Xalane waxaana halkaasi ku dhintay saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM. Dhacda kale ee iyana dad badan ka anfariirisay waxay ahayd markii nin waxyaabaha qarxa isku soo xiray uu isku qarxiyey Hotel SHAAMOW waxaana halkaasi ku dhintay afar wasiir oo ka tirsanaa golihii Wasiirada ee Sheekh Shariif kuwaas oo lagu tilmaami karay in ay ahaayeen raggii laf dhabarta u ahaa Dowladda Sheekh Shariif.

Dadweynaha Soomaaliyeed ayaa iyaga oo weli ka sheekeynaya dhacdooyinkaasi ayaa maalin cad Hotelka Muna ee ku yaala Degmada H/Weyne ay soo galeen rag hubeysan oo labo gaaraya kuwaas oo rasaas iyo qaraxyo isugu daray dadkii hoteelkaa deganaa kadibna iyana is qarxiyey, waxaana ku geeriyooday ilaa iyo lix xildhibaan iyo saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka, waxaase lala yaaban yahay in halka uu ka dhacay falkaasi ay ahayd meel aad ugu badan yahiin Ciidamada Dowladda, waxa uuna kaabiga ku hayaa Hoteelkaasi xarunta Madaxtoonyada.

Shiikh Xasan Daahir  Aweys oo ah  Hogaamiyaha Xisbul-Islaam oo wax laga weeydiiyey Qaraxaasi ayaa Yiri” waxaadd ka damqaneysaan 30 Qof oo dhimatey waxaa xiligaa Muqdisho Ciidamada Amisom ku dileen Boqol qof oo dad aan waxba galabsan ah markaa in kuwaa loo damqado kuwaan aan loo damqan waa Nasiibdarro war waad Fashilanteene iska tago meesha “

Dhowrkaa mar uu Dowlada Sheekh Shariif Dibir dhulka laga dhigay, waa mid marka la fiiriyo caalamka haddii dhacdo noocaan oo kale ah ay wadan ka dhacdo waxa uuna madaxweynaha wadankaasi isaga tagaa xukunka maadaama ay fadeexad ka soo gaartay dhanka amniga oo ay dowladdiisu ku guuleysan weysay in ay adkeyso laakiin Sheekh Shairif waxa uu weli joogaa Cambaareyn iyo dambiil tacsi ah, waxay dadka intiis badan soo jeediyey inay in Shariif ay la gudboon tahay in uu isaga tago xukunka isla markaana uu faarujiyo xilka madaxweynimo maadamaa ay dowladdiisu ku guuleysan la’ yahay in adkeyso amniga dadka xilalka ka haya Dowladda Federaalka iskabadaa in Dowladdiisu adkeyso amniga meel ay gacanta ku hayso.

Cabdi Ismaaciil Samatar oo ah siyaasi Soomaaliyeed ayaa wax laga weydiiyey markii ay Dowladdu codsatay ciidamo gaaraya 40 kun markaas ayuu waxa uu ku jawaabay “Horey ayaan u soo aragnay ciidamo intaa ka badan oo uu Mareykan horkacayo waxbna way qaban waayeen maalin cad ayayna isaga soo carareen Soomaaliya, waxaa isasa soo maqiiqay Itoobiyaan iyana waa la ogaa halkii ay mareen, marka waxaan oran lahaa Shariifow waxaa kugu haboonaan lahayd in aad iska dhiibto xilka madaama xitaa uu difaaci waayey dadkiisii uu ka dhashay”.

Nin odey ah ayaa yiri”Goobaha ay ku sugan yihiin kooxaha mucaaradka oo ah Gobolo aad u balaaran waxaa ka jira nabadgelyo buuxda hase yeeshee Sheekh Shariif oo gacanta ku haya dhowr degmo oo ka tirsan Magaalada Muqdisho ayuu ammaankeedii sugi waayey marka dadka qaar yiraahdeen “waxaa fiicnaan lahayd in ay dhinac u dhacdo arrintu oo qolo laga adkaado ama Sheekh Shariif uu yiraahdo ‘xilkii waa kaa’’.

Isku soo wada duuboo Dowladdii C/llaahi Yuusuf waxay ka cabaneysay faragelin shisheeye waxaana xaqiiqo ah in midda Sheekh Shariif ay iyana tahay mid kor laga maamulo oo ay ukunteedu ku jirto dambiil shisheeye, inta arrintaasi laga xoroobayana rajo laga qabo in xaaladda Soomaaliya xal loo helo iyadoo maalmahan Qaramada Midoobey la sheegay in ay wado dib u heshiisiin waxayna dadka Soomaaliyeed isweydiinayaan cidda dib u heshiisiinta loo qabanayo, maadaama kooxaha ka soo horjeeda Dowladda aysan ogoleyn Heshiis, waxayna dadka qaar u arkaan in ay dib u heshiisiin la sameynayo

xilkaan ay tahay mid lagu daalinayo shacabka Soomaaliyeed, sidaasi darteed xaaladda Dowladda Sheekh Shariif waxay mid aan dibir ka dhergin.

Maqaalka oo sawiro wata ka akhri halkan GUJI

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Ileyn dibir kama dheregto!! | Amiin Yuusuf "

  1. omar says:

    amiin waxan ku so jeedinaya in maqaalkaada aad sub-titles u sameeso si aqrinta noogu fududaato xiisona u yeesho.. barkee macluumaad muhiim ah ayaa ku jiro. waana lagu caajisa hadii aadan fududeenin adiga.