Home » Warar »

Hadal loo wada dhanyahay laguna cambaayeynayo weerarka Al-Shabab ay ku Qaadday dadka reer Muqdisho

Norway
Maraykanka
Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaiya
Midowga Yurub
Urur Goboleedka IGAD
Jaamacadda Carabta
Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya

Nayroobi, 26 Agooto 2010 – Norway, Maraykanka, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Midowga Yurub, Urur Goboleedka IGAD, Jaamacadda Carabta iyo Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya waxay si kulul u cambaareynayaan weerarka joogtada ah ee ay kooxaha xagjirka ahi ku hayaan dadka reer Muqdisho. Weerrarkan bahalnimada ah wuxuu ka socdaa dhowr dhinac. Waxaana ka mid ah sida sharci darradaha ah ee loo joojinayo cuntada gargaarka baniaadanimo iyo dilka naxariis darrada ah ee loo geysto dadka aan waxba galabsan, sida weerarkii lala beegsaday Hoteel Muna ee sababay dhimashada dad badan oo rayid ah. Waxaan tacsi u diraynaa dadka dhibaatada loogu geysto dalkoo dhan iyo qoysaska ay ka geeriyoodeen dadkii lagu laayay weerarkii Muqdisho.

Weerarkan sida gaarka ah loogu soo beegay bishan barakaysan ee Ramadan wuxuu ka marag kacayaan sida kuwa soo qaaday ayna inaba wax xurma ah ugu haynin nafta baniaadanka. Waxaanu si gaar ah uga welwelnahay dadka shisheeye ee dalka dagaal u jooga lana hawlgalaya Al-Shabaab si dhibaato loogu geysto dadweynaha Soomaaliyeed. Waxaa cad in kooxdani ay danaynayso keliya burburinta iyo in ummadda Soomaaliyeed lagu hayo dhibaatada.

Waxaa dhab ah in qaswadayaashu ayna guuleysanayn. Geeddisocodka nabadduna wuu ka sii socdon doonaa Soomaaliya, inkastoo kuwo laga tira badanyahay ay doonayaan inay joojiyaan. Norway, Maraykanka, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaiya, AMISOM, Midowga Yurub, Urur Goboleedka IGAD, Jaamacadda Carabta iyo Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda waxay ballanqaadayaan inay sii wadi doonaan taageerada ay u hayaan Dowladda iyo dadka Soomaaiyeed oo ku hawlan in si dhaqso ah oo waarta loo dhammeeyo dhibaatada ka taagan Soomaaliya si ummadda Soomaaliyeed u hesho mustaqbal aaya leh.

La xiriir

Public Information Office (PIO) United Nations Office for Somalia (UNPOS)

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Hadal loo wada dhanyahay laguna cambaayeynayo weerarka Al-Shabab ay ku Qaadday dadka reer Muqdisho "

  1. waa waajib in la cambaareeyo gacan ku dhiiglyaasha xagjirayaasha ah laakiin ma la is weydiiyey xagee aadeen Somalidii waddaniyiinta iska dhigi jirtey markii c/llaahi yuusuf ito Cali Moxamed geedi la dagaalamayeen xagjirayaashaan mudaaharaadka ka sameyn jirey London Miniapolis US Canada Sweeden etc jawaabtu waa ,waxay u hiilinaayeen qabiilkoodi oo axaa xagjirayaasha xaddana kama hadlikaraan oo weli waa qabiilkoodi xagjirayaashu.

  2. Cumar says:

    Waxaa mudan si aan kala sooc laheyn loo cambaareeyo kuwa wax canbaarynahaya iyo kuwa la canbaareynhayaba. Shaki kama noola inay mas’uuliyadda masaa’ibta dadka iyo dalka soomaaliyeed ragaadisay ay si wadajir isugu kaashanhayaan dhamaantood.
    WAA LAYS OG YAHAY