Home » Maqaallo »

Xaaladda Dalka Soomaaliya Xalkeedu Muxuu Yahay?

Dhulka Soomaalida ayaa waxaa lagu yiqiinay nabbad reer guura roob doon ah iyo dad is jecel oo ay ka dhaxayso xiriir xididnimo iyo degaan oo ay huwan tahay muxubbo iyo raxmad Caasimadda Dalka Soomaaliyana ay ka mid ahaan jirtay Caasimadaha ku soo Nabad toosay ee Dunida gobolllada iyo degmooyinkuna ay ahaayeen kuwa la mid ah
Haddaba waxaa is weydiin mudan Xaalladani Dagaal, Qarax, Dhiig qubanaya , Carab la goynayo, Dad la Xasuuqayo , lana Qixinayo xaggee bay ka socdaan maxaase keenay?
Su’aalahani jawaabtoodu waa mid u baahan qoraal aad u dheer hase ahaatee waxaan ku soo koobaya Baarlamaanka FKG ahi ee Dalka Soomaaliya oo kaallintii laga sugayey gabay oo Shaqadiisii gudan waayey , Sababtuna waxay tahay Shacabka Soomaaliyeed waxay u doorteen ama loo soo magacaabay Xubno gaaraya 550 Xildhibaan inay Dalka Xaallada murugsan ee uu ku jro ka saaraan isla markaana ay soo diyaariyaan wada hadal dhexmara DFKMG iyo Xubnaha ka soo horjeeda ee Dagaalamaya isla markaana Xal mooday inay Dad aan waxba galabsan iyadoo lagu jiro bishii Dunida ugu Cibaadada badnayd Xasuuqaya isla markaana ku tilmaamaya inay cibaado guteen.

Barnaamijka Geedi socodka nabadda ee Dalka Soomaaliya ee ay hormoodka u tahay Hay’adda Qaramada Midoobay ee Dalka Soomaaliya ayaa waxaa hortaagan Caqabado aad u adag marka hore Dadka loo xilsaaray arimahani oo aan khibrad dheeraad ahi u lahayn iyo Baarlamaanka FKG ah ee Soomaaliya oo fahmi waayey waajibaadkii ku aadanaa barnaamijkani , waxaa nasiib darro ah Waddamo fara badan oo Afrika ka mid ahi inay heshiiyeen iyagoon qaarkoodba Diin lahayn inagoo isku af ah isku Diin ahina aannu is Xasuuqayno taasi macnaheedu qof waliba wuu garan karayaa , Waddamada horumaray ee Dunida ayaa Gobolkiiba waxaa laga soo doortaa oo keliya Laba Mudane Soomaaliyana Baarlamaankeedu waa 550 Xubnood oo laga yaabo gobolkiiba inay ka yimaadeen 50 Xubnood iyo in ka badan , Mudanayaal maxaad Shacabka Soommaliyeed beenta ugu sheegaysaan oo aad isugu laynaysaan haddii aadan waxba u qaban karin Ummadda Soomaaliyeed oo Qaxa , Qaxootiga Xasuuqa iyo Xabaaluhu ay hareeyeen .

Dagaalladan aan dhammaadka lahayn waa kuwa aan xal u ahayn Shacabka Soomaaliyeed meel waliba oo ay Dunida ka joogaan ciribtooda damabana waa kuwa ku daba taagan in gebi ahaanba Dalka Soomaaliya la doonayo in dib loogu celiyo Gumaysi ,taasi oo aad ka garan karto markii laga laayo waxgaradka dhallinyarada iyo aqoonyahanada waxaad garan kartaa in si sahlani ay Carruurta iyo Dumarku ay gacanta u soo galayaan , Ninka Diinta ku Dagaallamayo iyo kan Dowladda sheeganayo maxay u Heshiin waayeen oo ay Madaafiicda iyo Hoobiyaasha Shacabka ugu qaraacayaan arrintani waxaa ka dambeeya Siyaasado ay labada dhinacba ay u adeegsanayaan Gumeystayaasha laakiin ay garan la’yihiin labada dhinac ee Dagaallamaya Hubka Dalka Soomaaliya ku qulqulayana uu yahay mid la doonayo in tirada guud ee Shacabka in lagu dhimo si iyadoon loola Dagaallamin ay gacanta ugu gasho Dowladda Itoobiya sidaana Soomaaliya Xoriyadeedii ay ku weydo taasina waa qorshaha is Istiraatijiyada Gumeysiga Cusub.

Waxaannu ku jirnaa bishii Ramadaan ee Ilaahay uu ka fadilay bilaha intooda kale waxaa qof waliba waajib ku ah inuu khayrka ka shaqeeyo shartana ka fogaado iyo waxyaabaha dembiyada ah si uu camalkiisu uu u noqdo mid laga aqbalay aakhirana uu janno ku mutaysto, laakiin haddii aad xasuuqdo naf aan wax dembi ahi gellin oo weli Sooman camalkaasi muxuu noqon karaa? Qof waliba wuu garan karaa waxyaabaha Soonka burinaya sida uu Nebi Maxamed CSW, Xadiis-alqudisi uu Alle ku yidhi” Bani’aadanka Camalkiisa oo dhami isaga ayaa iska leh Soomka mooyaane , Soomka aniga ayaa leh ayuu yiri Alle anigaana ka abaalmarinaya” bishaan fadli walbaa oo aad gudataa waxaad ku helysaa 70 darajo.waxaa kaloo wanaagsan in laga fogaado waxyaabaha Soomka Jebiya ama buriya oo dhan kuna dayataa Sunadii Nebi Maxamed CSW.

Sidaa darteed maxaa la gudboon Guddoonka Sare ee Baarlamaanka iyo Dowladda FKMG ahi ee Soomaaliya? dhab ahaan xaalladani cakirani waxay u baahan tahay wada tashi aqoonyahano khibrad dheer u leh Xaaladahani dib u heshiisiineed oo kale iyadoon loo eegayn Qabiil iyo weji garadnimo , sababtoo ah waxaa la heli karaa Qof aan Dowladda iyo Baarlamaanka midna ka mid ahayn oo arimahani wax weyn ka bedeli kara Soomaalina ah Khibradna u leh sida loo xalliyo gulufaha Colaadeed ee Qabaa’ildada ama beelaha wada dega ee Soomaalida haddii aan Tusaale u soo qaato “Mudane Boqor Cusmaan Buur Madow”oo ka mid ah waxgaradka ay Ummadda Soomaaliyeed ku faani karto lana ogyahay inuu yahay Shaqsi sharaf ku leh Siyaasadda Dalka Soomaaliya kana mid ahayn Dowladda iyo Baarlamaanka laakiin lagu kalsoon yahay inuu wax ka bedeli karo Xaaladdani Xabadaha iyo Xabaalaha ku sii fogaanaysa.

Gabagabadii iyo faalladani ku saabsanayd Xaaladda Dalka Soomaaliya Xalkeedu muxuu yahay ayaa waxaa inooga soo ifbaxay in loo baahan yahay Guddi sare oo heer Qaran ahi loo dhiso Xaaladdan ka sii daraysa ee Dalka Soomaaliya Guddigaasi oo aan ka badnayn 10 Qofood oo Khibrad lagu soo Xulo si loo badbaadiyo Dadka, Diinta ,iyo Dalka Soomaaliyeed oo halis ugu jira in ay dib gacanta ugu dhigaan Gumeystayaal aan Dalkeena hel u ahayn oo Dibadaha uga soo duulay ha ahaadeen kuwa ay Dowladdu wato ee ah Ciidanada Shisheeye ama kuwa ay wataan Kooxaha Dowladda ka soo horjeeda , waxaa intaa kasii darran Dowladda maxaysatada ah ee Itoobiya oo aan Bad lahayn ee doonaysa in mar keliya ay Soomaaliya gacanta u soo gasho mar kale, Soomaaliyeey caqligeenu waa inuu dib inoo celiyaa dagaal iyo xabadi xal inooma aha ee Xalkeennu waa Kitaaba Alle oo aan si Xaq ah ugu dhaqano.

Eng. Cabdulqaadir Cumar Yusuf (Daadurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.