Home » Faallo »

Safarkeygii Dalka Malaysia | Ibraahim Daa’uud


Kadib safar aan ku soo maray Mogadishu, Berbera, Hargeysa iyo Djibouti ayaan July 19, 2010 habeyn Isniin ah 11pm ka soo duulay gagida/garoonka Diyaaradaha ee caasimada dalka Djibouti ee Djibouti anigoo soo raacay diyaaradd ay leedahay sharikadda Yemenia Airways, waxaan ku soo hakaday intii aan safarka ku soo jiray Caasimada dalka Yemen ee Sanca, Magaaladda Dubai iyo Caasimada dalka Indonesia ee Jarkarta.

July 22, 2010 ayan ka soo dagay garoonka caalamiga ah ee Kuala Lumpur International airport (KLIA) Magaaladda Caasimada u ah Malaysia ee Kuala Lumpur saacada marka ay aheyd 5:25pm galabnimo xilliga dalka Malaysia.

Gagida/garoonka Diyaaradaha ee (KLIA) waa gaaronka 14-aad ee ugu mashquulka badan aduunka isla markaana waa garoonka 7-aad ee ugu mashquulka badan guud ahaan qaarada Asia.

kadib su’aalo sahlan oo ay Laanta Socdaal-ka ee dalka Malaysia iga waydiiyeen qorshaha safarkeeyga oo aan ka soo baxay Gagida  Diyaaradaha ee (KLIA) ayuu baabuur qurux badan igu soo qaaday saaxiibkeey Cabdulaahi Cigaal oo cilmiga Computer-ka ka barta Jaamacada Islamic university ee dalka Malaysia.

waxaa si gaar ah Malaysia iigu soo dhaweeyay saaxiibkeey Wariye Saciid Cumar Baafo oo aan dalka Kenya aan ka soo wada shaqeenay kuna soo nooleen in mudo ah.

Dalka Malaysia ayaan jeclaa nolasheyda in aan mar imaado, wax ka barto kuna noolaado si horumarka ay dalka Malaysia gaareen aan u fahmo waxa uu ku dhisanyahay iyadoo maalinkasta aan ka fakaro dadka reer Malaysia iyo horumarka ay nolasha ka gaareen iyo meesha aan dunida ka joogno. Malaysia 1957 ayay xoriyada qaateen halka dalkeena Soomaaliya aan 3 sano ka danbeenay oo 1960 aan xoriyadda qaadanay.. in ka badan 25 sano dagaal ayaan ku jirnaa marka Mustaqbalkeena siduu noqon doonaa?…

Sanadkii 2006 ayaan aqrisan jiray qoraal taxano ah oo shabakada Somalitalk.com ku soo baxay ee uu qoray sheekh Mohamed Idir cinwankeeduna ahaa “Shukran Malaysia” wuxuuna Sheekha kaga hadlayay horumarka Malaysia iyo meesha ay Soomaalidu manta joogto markaas ayaana go’aan ku gaaray in aan Malaysia imaado balse Alle mahadii 2010 ayuu Alle ii suura galiyay in aan dalka Malaysia imaado.

Dal sida Malaysia oo kalle ah haddana Islam ah runtii waa wax lagu farxo, waxaad dareemeysaa in aad tahay qof jooga dalka Islam ah, Diinta Islaam-ka macaankeeda ayad dareemeeysaa meel walba Masjid ayaa ku yaal 65% waa dadli waa Islam…Maasha Allah!.

Dalka Malaysia!

Wadanka Malaysia wuxuu aduunka  kaga yaalaa Koonfur-Bari ee Qaarada Eeshiya (Asia). Wuxuu ka koobanyahay 13-Gobol iyo 3-Deegaan oo gaar ah kuwaasoo Dowlada Wadaaga ahi (Federaal Government) ay tahay nidaamka lagu maamulo. Tirada dadka waxeey kor u dhaafeeysaa 28-Million. Caasimada wadanku waa Kuala Lumpur, halka Putrajaya tahay meesha Dowladu fadhiso oo eey ku shaqeeyso.

Wadanka Malaysia wuxuu xuduud la leeyahay wadamada kala ah: Thailand, Indonesia iyo Brunei. Cimilada dalka Malaysia waa mid aad u macaan una Roobab badan, sidaa daraadeed meelkasta waa Geed Xagaaran iyo Doog iyaguna aad usii qurxiyeen.

Dalka Malaysia waxa uu xoriyadiisa ka qaatay dalka Britain sanadkii 1957 waana 3 sano ka hor markii dalkeena Soomaaliya uu xoriyadiisa helay maantana nus Qarni kadib halka ay Malaysia mareeyso iyo meesha aan Dunida ka joogno cid walba oo Caqli leh way dareemi kartaa.

Dalka Malaysia waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay eeshiyada dhabta ah ah ama waxa luuqada qalaad lagu yiraahdaa “truly Asia”

Soomaalida iyo magacbixinta.

Dalka Malaysia waxaa ku nool sadex qoomiyadoot oo kala ah Malay oo ah dadka dalka loogu yimid. Waxaa soo wehliya Hindi iyo Shiinees. Waxaa kaloo dalkan ku nool dad badan oo ajaanid ah oo ganasi iyo waxbarasho u yimaada sida Carab iyo Afrikaan.

Si aan loo ogaan marka ay Soomaalida isku tilmaamayaan dadkan waxa ay la baxeen magacyo ay ku gartaan iyadoo Soomaalida qaarkood marka aad la sheekeesato ay ku oranayaan Magacyadan Soomaalida waxa ay ula baxeen in ay wax xantaan balse dadka qaar ayaa aaminsan in aysan dhibaato aheyn oo ay ka cabsanayaan in la ogaado waxa ay sheegayaan.

Soomaalida oo magacyo bixinta ku fiican gaar ahaan kuwa ku salaysan is-af-garadka ama isku baaqa kana taxadareysa si dadka wadanka eeysan u fahmin marka eey ka hadlayaan, ayaa Is-Afgarad gaar ah u wada sameystey dadka dalka u dhashay oo ku kala magacaabay sidan

  1. Malay-ga (Kaluun-ka)
  2. Chinese-kana (Indha-yarta)
  3. Hindida(Timo-Jilicda)
  4. Carabta (Dhaga cas)
  5. Afrikan-ka (Dhagax)

Soomaalida ku nool dalka Malaysia waxaa lagu qiyaasaa ku dhawaad 4 kun oo ka qofood waaana dad aad dalka looga ixtiraamo inkastoo isku xiraanta iyo iska warqabkooda uu aad u yaryahay.

Dalka Malaysia waxaa ku nool soomaali badan oo siyaabo kala duwan u yimaada, wax barasho, deegaan, Ganacsi iyo caafimaad.

F.G. Insha Allah qoraaladda danbe waxaan kaga hadli doonaa Nolasha Soomaalida ee dalka Malaysia, Soomaalida iyo wax barashada, Soomaalida iyo Buufiska.. iyadoo Malaysia ay ka midtahay dalalka loogu jecelyahay Soomaalida iyo fursadaas ay soomalida heestan sida ay ooga faa’iideesteen.

Ibrahim Da’ud Abdalle

sayfudiin@gmail.com

sayfudiin@hotmail.co.uk

Tell:- +6014 6260 923

Kuala Lumpur, Malaysia.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.