Home » Warar »

Ahlu-Sunna oo Dumarka ku amray Xijaabka iyo Alshabaab oo Masoomayaal karbaashay

Ahlu-Sunnah oo Gobolada Dhexe ka mamnuucay Daawashada Aflaamta, dumarkana ku amray in ay xijaabka xirtaan iyo Alshabaab oo Bay iyo Bakool ku karbaashay Masoomayaal…

Galgaduud: Maamulka culimada Ahlu Sunnah Waljamaaca ee Gobolka Galgaduud ayaa haweenka ku amray in ay xirtaan Xijaabka, isla markaasna waxa ay mamnuuceen daawashada aflaamta. Sidaas waxaa xaqiijiyey Sheikh Cabdiwali Xaaji Diiriye oo ka tirsan hoggaanka Ahlu Sunnah ee Gobolka Galgaduud.

Guriceel: Sidoo kale Cabdiwaaxid Siyaad oo kamid ah hoggaanka Culimada Ahlu Sunnah Waljamaaca ee Dhuusamareeb iyo Gurceel ayaa sheegay in dumarka lagu amray in ay qaataan xijaabka oo ay jirkooda asturaan ama daboolaan, isla markaasna Guriceel iyo Dhuusamareeb laga mamnuucay in la isugu yimaado goobaha lagu daawado aflaanta xilliga lagu jiro Ramadaanka.

Diinsoor: Dhanka kale, xarakada Al-Shabaab Al-mujaahidiin ee gobolada Bay iyo Bakool ayaa qabqabtay dad lagu soo eedeeyey in aysan soomin ama masoomayaal ah, sida laga soo xigtey Abuu Hurayra oo ah hoggaanka Al-shabaab ee Bay iyo Bakool, waxaana warku intaas raaciyey in dadkaas masoomayaash ah lagu ridey xukun tacsiil oo ah ilaa 25 karbaash.

Caabud Waaq: Madaxa arrimaha bulshada maamulka Ahlu Sunna ee degmada Caabud Waaq oo la hadlayay saxaafada ayaa sheegay in la xari dhamaan goobaha lagu daawado Aflaamta taa oo guud ahaan goboladaasi ka jiray in muda ah ayadoona hogaanka sare ee Ahlu sunah ay sheegeen in dhamaan dadka deegaankaasi ay u hogaansamaan awaamirta loo soo jeedsay ee ka dhan ah anshax xumada.

Sheekh C/wali Xaashi ayaa uga digay bulshada ku dhaqan goboladaasi ay ka taliyaan in cidii u hogaansami weydo awaamirtaasi ay ka qaadi doonaan talaabo sharci ah oo waafaqsan taa oo ay sheegeen in dhawaan ay si toos ah u dhaqan galin doonaan.

Dhanka kale, awaamirtasi ayaa la sheegayaa in ay ka danbeysay ka gadaal markii ay kulamo xasaasi ah ku lahaayeen baryihii ugu danbeysay odayaasha dhaqanka goboladasi iyo maamulka Ahlu sunah oo ugu danbeyntii ka soo baxda natiijooyinkaasi ahaa in la xiro dhamaan goobaha lagu daawado aflaamta guud ahaan gobolada ay ka tiliso Ahlu sunah gaar ahaan degamda Cabuud-waaq.

Muuse Maxamuud Jiisow
somalisan39@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.