Home » Warar »

Xafladii Caleema Saarka Hiiraan State

NAIROBI: Waxaa Xaflad aad iyo aad ah loo soo agaasimey eey ka dhacdey Hotelka Caalimiga ah ee Inter-Continental Hotel. Xafladaan oo aheyd caleema saarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Cusub ee loo doortey Hiiraan State of Somalia.

Halkan ka daawo sawirada

Xafladaan oo aheyd Xafladii si weeyn looga soo shaqeeyey taasoo eey kasoo qeeyb galeen Dadweyne kor u dhaafey 500 Xubnood, Qurba Joog Reer Hiiraan State ah oo ka yimid Dalalka Canada, Mareykanka, Europe, Carabaha, Africa iyo Gudaha Somalia waxaana sidoo kale xafladaas goobjoog ka ahaa madax caan ka ah dalka Somalia sida Madaxweynihii Hore ee Somalia Madaxweyne Ali Mahdi Mohammed, Ku Xigeenka Baarlamaanka dalka Kenya Mudane Farah Moalim, Xildhibaanad Caasha Abdalla, Xildhibaan Qoono, Saraakiil sare oo ka tirsan Maamul Goboleedyadda Somaliland, Puntland, Galmudug, Jubbaland.

Sidoo kale waxaa kasoo qeeyb galay Saraakiil Caalami ah oo ka socdey Safaaradaha Shisheeye sida Sweden, Canada iyo Heya’adaha Qaramadda Midoobey.

Xafladaan ayaa waxaa lagu dhaarshey Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka Hiiraan State ayadoo uu dhaarshey Sh. Abdulkadir Sh. Muumin Shiiraar.

Fanaaniinta Soomaliyeed ee Nairobi ayaa gogosha si talantaali ah u maaweelinayey ayagoo soo bandhigey heeso cusub oo loo sameeyey Hiiraan State.

Gabagabadii waxaa halkaas ka hadlay Madaxweyneha Hiiraan State Ing. Mohamud Abdi Gaab iyo ku Xigeenka Madaxweynaha Col. Isaaq Ali Abdulle kuwaasoo runtii hadal aad u qiimo leh dareenka dadkana soo jiitey ka jeedshay madasha caleema Saarka balana ku qaadey ineey xilalka loo dhiibey kasoo dhalaali doonaan.

Dhamaan dadweynihii Boqolaalka kor u dhaafey ayaa runtii uga mahadcelshey Afurkii iyo Cashadii sida wacan loo soo agaasimey ee loogu sameeyey Hotelka Intercontinental ee lagu dhaarinayay Madaxda Hiiraan State.

DAADIR GUURE
awdhallo@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " Xafladii Caleema Saarka Hiiraan State "

  1. wadani says:

    maasha allaah hambalyo reer hiiraan guusha ay gaareeen dadka isku dirka wada looma joojinaayo sida warsame oo kale becous waa beenaale reer hiiraan ma ahan hadii uu reer hiiraan yahay dhibaatada haysato ayuu ka nixi lahaa wax uu ku faraxsan yahay dadka tuugada afka soo duubtay ee rabo in ay hiiraan ka dhigaaan meel argagaxisada ku dhuumato waxa illahay mahadiisa ah maanta hadii ay is raaceen reeer hiiraan oo ay gacamaha is qabsadeen alaahu akbar guuuuuuuuul guuuuuuuuul hiiraan state ha noolaato cadowga ilahay ha ka qabto iyo munaafaqiinta gooooooooooooood

  2. Saciid says:

    Hiiraanland from Nairobi, waa qosol iyo majaajilo. Sidee Hiiraan lagu tego doonaa oo ay alshabaab iyo xisbul islam isku haystaan.

  3. Rashid says:

    Waxaa mahad leh ilaahay. waxan anigu qabaa in dad walba ee somaliyed ay dhistan mamul ay ku nabadeysanayan dhulkoda marka waa wax lagu farxo in xudunta somalia ee Hiiraan mamul ay sameestaan. marka yaan la isku mashquulinin dad dhulkooda mamul u sameystay.

  4. MOHAMED says:

    HIIRAAN UMA BAAHNA DADKASI DIBADAHA JOOGA IN AY MAAMUL USAMEEYAN ILAAHAY FADLIGII MAAMUL AYAA KA TALIYA ISAGA AYAANA SOMALIA OO DHAN WADA GAARI DOONA HADII ALLE IDMO. XAAFADAYSUGU WAA ISKA DHAMAANDONA.

  5. Waxaa inoo dhiman in 14ka degmo Muqdisho in ay gooni isu taagaan oo ay isu soo sharxaan qurbo joogta sida Wardhiigleey state , Waabari state, Kaaraan state, Shingaani state ,Xamarwayne state. sidan ayaa Soomaaliweyn u dambaysay ilaahow inoo gargaar.

  6. burburkii dowladdii m s barre ka dib reer hiiraan waa jeclaayeen in la dhiso maamul sii haga shacabka gobalka inta laga helayo dowlad dhexe oo soomaali ka dhexeysa nasiib darro lama dhisin maamulki shacabka rabeen marka waxaa arrin lala yaabo ah maanta oo aay dhisantahay dowlad ku meel gaar ah isla markaana gobalka hiiraan uu gacanta ugu jiro ururka alshabaab oo runtii nabad ka dhigay gobalka isla markaasna aan gorgortan lala gali karin in shaqsiyaad xawaadle oo baagamuundo ahaa aay sameeyaan maamul ku sheegan kuna casuumaan xafladan dad shisheeye ah iyagoo sidaan la tahay guul aniga oo ah nin reer hiiraan bari ah waxaan odorosayaa in kuwaan aaysan meelna gaareyn tan kale waxaan waxaay farxad galinaysaa xabashida oo doonaysaa inaay hirgaliso fikradihii sheydaankii haile selasie oo ku taliyay in soomaaliya lakala googooy
    waana tan