Home » Warar »

Xarakada Mujahidiinta Alshabaab oo meel fagaaro ah ku gubtay raashin ay laheyd WFP oo dhacay

Sheekh Cali Maxamed Xuseen “qaraar waxaa lagu gaarey in WFP dalka laga mamnuuco oo aanay ka shaqeyn karin waxna ka qabankarin waxna aysan ka qeybin karin”

“Shacabka somaliyeed hadii ay ganacsato yihiin ,haday qandarasle yaal ahaayeen ,waxaa loo sheegay in aan lala tacaamulin ,in aan waxba lagu darsanin ,in WFP la go.doomiyo,ayaa umadda Somaliyeed loo sheegay.”

Halkan ka dhegeyso

Raashinkaan oo midabkiisa iyo urtiisu ay isbedeshay ayaa ka koobnaa Galay.masago, Qamadi.iyo Boorash In mudo ah ku keydsanaa Baqaaro ka dibna ganacsato gaadiid ugu rarneyd lagu qabtay xili ay ku sugnaayeen goobaha ay gacanta ku heyso Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab oo Jimcadii lagu soo bandhigay deegaanka Heliwaa, kaawo u dhaxeyso xaafada Gubadley iyo Waxaracade ee Magaalada Muqdisho .

Halkan ka daawo sawirada raashinka la gubay

Waaliga Gobolka banadir ee alshabaab, Sheekh Cali, oo shir jaraid ku qabtay munaasibadii lagu gubayey rashinkaan dhacay waxaa uu saxaafada u marsiiyey fariin digniin ah dhamaan dhinacyada xiriirka toos ka ah la leh hey’adda Cuntada Aduunka ee WFP oo hostagta qaramada midoobey oo ay Xarakada Mujaahidinnta Alshabaab ugu yeeraan Galaada Midowday .

Waaliga walaayada Gobolka banadir ee Xarakada Alshababaab Sheekh Cali Maxamed Xuseen ayaa ka hadlay xaalada caafimaad daro ee uu keeni karo rashinka noocaan ah oo aan xitaa la siin kari xoolaha rajada laga qabo wuxuuna ahaa mid midabkiisu isbedelay oo ay galaydsu u ekaatay sidii timirta oo kale halka borishkuna u ekaa caro kaaro .
Waaliga ayaa ku eedeyey dowlada reer yurub iyo mareykan in ay wadamadooda ku biilaan qarashka ka soo galay rashinka dhacay ee laga iibiyo dalalka soo korayo oo ay africa ugu badan tahay wuxuuna sheegay xili kasta iyo goor kasta in aysan dayneynin dilka,barakicinta,dahca dad ban,sumeynta ,in ay waxyeelo u geystaan umadda Somaliyeed .

Sheekh Cali Maxamed ayaa tusaale ahaan u soo qaatay hay’adda cuntada aduunka ee WFP oo gor sii horey loo sheegay hadii ay cunto bixinayaan waxa ay gadayaan in ay ka gadaan ganacsatada iyo beeraleyda Somaliyeed wuxuuna sheegay in ay si cad u diideen arintaa waxaana dareensanahay buu yiri dhaqaalaha ka soo baxay in lagu maal galiyo mareykan iyo yurub .

Sheekh Cali Maxamed Xuseen waxa uu yiri “qaraar waxaa lagu gaarey in WFP dalka laga mamnuuco oo aanay ka shaqeyn karin waxna ka qabankarin waxna aysan ka qeybin karin , “Shacabka somaliyeed hadii ay ganacsato yihiin ,haday qandarasle yaal ahaayeen ,waxaa loo sheegay in aan lala tacaamulin ,in aan waxba lagu darsanin ,in WFP la go.doomiyo,ayaa umadda Somaliyeed loo sheegay “

Sheekh Cali waxaa kale oo uu shirkiisa jaraid ku sheegay in rashinkaan dhacay ee maanta saxaafada loo soo bandhiga marka laga soo tago ay jiraan kiisas kale oo la haayo rashin noocaan oo kale ah oo ay dad iyo xoolo ku sumoobeen isaga oo inta ku daray in dhawaan maxkamad la soo tagi doono edeysanyaasha lagu soo qabtay isla markaana la amrsiin doono sharciga islaamka ayna heli doonaan wixii ay sharecadu u ogoshahay .

Gaadiidleyda iyo ganacsatada ayuu sidoo kale sheegay in horey loogu dilay si aanay ula tacaamulin hay’adda Cuntada Aduunka ee WFP ganacsatada waxaa loo shegay in aysan ka ganacsan shacabkana waxaa loo shegay in aysan isticmaalin .

Sh. C ali ayaa sheegay in arintaa qeybo badan oo ka mid ah ay fuleen balse weli ay agan tahay bahidii loo qabay wuxuuna si cad u shegay in gadiidka lagu qabtay markii ugu horeysay la iska cafiyey .

Sheekh Cali Maxamed Xuseen waxa uu intaas ku daray    “Maantaka dib qofkii lagu qabto wax ay hay’adda WFP leedahay haduu gaadid leeyahay ,haduu dameer ku wado ,haduu baqarkiisa yaalo ,waxaa loo arkayaa qofkaas qof cadow Ah islamarkaana cadowga la shaqeynaayo oo umadda dilkeda ,dhaceeda iyo baaba’eeda ka qeyb qaadanaya ayaa loo arkayaa “

Qofkaas cudur dar ma lahaandono ,haduu gaadiid leeyahay waxaa laga yaabaa in gaadiidkiisa galala wareego ,haduu baqaar leeyahay waxaa laga yaabaa in lagalawarego ,waxaana laga yaabaa ninkii waxaas isaga oo faafinaya lagu soo qabto in uu dil ku muto oo sidaa uu naftiisa ku waayo ,

Shekh Cali oo hadalkiisa sii wato ayaa Ugu Baaqay shacabka somaliyeed hadu gaadiid leeyahay ,haduu baqaar leeyahay ,haduu ganacsade yahay ,haduu rabo in uu gurigiisa ku isticmaalo .hay’adahaa waxaa ay wadaan in ay ka waantoobaan ,ruuxuu ka waantoobi waayo beri wuxuu ku yimada yuusan eersan cid kale ee nafsadiisa ha eersado wuxuuna ugu godiyey in uu arki doono wixii ku dhaco .

Isaga oo hadalkiisa ayuu Cali Maxmed Xusen ayuu mar labaad ugu baaqay bulshada qeybaheeda kala duqwan in ay iska daayaan hay’adda WFP iyo howlaheeda ,in aan lala xiriirin ,in aan wax loo qaadin ,in aan baqaar laga kireynin,
Sidoo kale cidii hada gacanta ku haysa ayaa sidoo kale looga digay in ay iska fogeeyaan waxaana lagu wargaliyey in ay ku soo afjaraan laba maalmood ,

Qolokasta oo heysa rashin ay leedahay Hay’adda Cuntada Aduunka ee WFP ayaa loogu baqay in ay ku wareejiyan xafiiska xarakada Mujaahidiinta Alshabaab goobaha ugu dhow ee ay joogaan .

Raashinkaan dhacay ee maanta la soo bandhigay iyo hanjabaadaha hor leh ee ka yeerayo xarakada mujaahidiinta Alshabaab ayaan la ogeyn in u waji kale u yeelo hay’adaha qaramada midoobey oo maalmiii lasoo dhaafay faafinayey in ay Muqdisho u soo guurayaan .

Arintaan ayaa ku soo beegmeysa xili xalay ay qoys Muqdisho dagan ay ku sumoobeen caano gasacadaysan oo ay qasteen taasina ay dhalisay in ay u geeriyoodaan ilaa 4 ruux oo isku qoys ahaa.

Muuse Maxamuud Jiisow
00252-061-5576666
00252-0699-907666

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.