Home » Warar »

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasiirka Saxaafadda DFKMG

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo ku baaqay in dagaalada la joojiyo bisha Ramadaan awgeed, islamarkaana dusha ka saaray Masuuliyada dhibaatada ka dhalata dagaalada Kooxda Shabaab.

Muqdisho, (TFG): Wasiirka warfaafinta xukuumada KMG ah ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in dagaalada la joojiyo, islamarkaana la xushmeeyo bisha barakaysan ee Ramadaan.

Wasiirka oo u waramaayay warbaahinta dowladda ayaa nasiibdaro ku tilmaamay in iyadoo lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan lagu baaqo dagaal, wuxuuna sheegay in Dowladdu ku baaqayso nabad iyo in bisha la xurmeeyo, isagoo sheegay in Madaxweyne Sh. Shariif Sh. Axmed uu ku baaqay in Bisha la xurmeeyo oo loo dhawaado Ilaahay, la cibaadaysto islamarkaana la quudiyo Qofkasta oo baahan, wuxuuna nasiib daro ku tilmaamay in ay ka soo horjeestaan Baaqaas oo ay dagaal ku baaqaan.

Wasiirka warfaafinta xukuumada KMG ah ee Soomaaliya mudane Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisoow) ayaa sidoo kale sheegay in ay ku baaqayaan in Shacabku meel uga soo wada jeesto kuwa u diiday in gargaarka la gaarsiiyo, kuwa u diiday in ay cibaadaystaan Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan oo ay Masaajiddada aadaan, wuxuuna sheegay in ay ugu baaqayaan Kooxahaasi in ay ka fogaadaan arrimahaas oo dhan si Bulshaddu u hesho fursad ay cibaadaddooda si nabad ah ugu gutaan.

Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in Kooxaha dowladda ka soo horjeeda ay qaadayaan Masuuliyada dadkii barakacay, Kuwii ku dhaawacmay iyo Dhamaan kuwii ku geeriyooday dagaaladii ay soo qaadeen Kooxahaasi, wuxuuna sheegay in Dowladdu mar kale ku baaqayso in Bisha Ramadaan la xurmeeyo, dagaalada Shacabka lagu haayana la joojiyo, wuxuuna Cidkasta oo wax tabanaysa ugu baaqay in ay timaado Miiska wadahadalka si looga wadahadlo waxa ay tabanayso hadii ay ahaan lahayd xukunka iyo toosin intaba.

Mudane Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan ayaa intaa ku daray in ay ka xun yihiin in Muwaadin Soomaali ah uu ku dhinto dagaalada aan ujeedadda lahayn ee ay kooxaha dowladda ka soo horjeedda ka soo qaadayaan meelaha Shacabku ku badan yahay, wuxuuna sheegay in Dowladdu Aqoonsan tahay Masuuliyada ka saarran Shacabkeeda, islamarkaana ay ku dadaasho Qaabkasta oo loo yareyn karo Qasaarahaas, balse ay eeda dhibaatadaas qaadayaan Kooxda Shabaab oo diiday in ay nabada qaadato, wuxuuna ugu danbeyn Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u midoobaan Bisha Ramadaan fadligeeda sidii la isaga qaban lahaa Kooxahan dhibaatada dalka wada, islamarkaana laga shaqeeyo sidii Bishan barakaysan gargaar loo gaarsiin lahaa dadka dhibaataysan oo uu Qof walba oo Soomaali ah masuuliyad iska saaro arrintaas si dhibaatada guud looga baxo.

Wasaarada Warfaafinta, Muqdisho

War-saxaafadeed

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo Maalinta Howlaha Bini-aadanimo ee Aduunka awgeed ugu baaqay dhamaan Hay’addaha gargaarka in ay laban laaban gargaarkii ay siin jireen dadka dhibaataysan.

Muqdisho, (TFG): Maanta oo ah maalinta Howlaha Bani’aadanimo ee Adduunka waxey Dowladda Federalka KMG ah ugu baaqeysaa dhammaan Hay’adaha gar-gaarka Bani’aadannimo inay sii laba laabaan dadaalkooda si loo haqab-tiro baahida shacabka Soomaaliyeed ee sida aadka ah u dhibaateysan, Qaramada Midoobey ayaa u garatay 19ka August inay noqoto maalin la xuso howlaha Bani’aadannimo.

Dowladda FKMG ah waxey mudnaan siisey howlaha gargaarka bani’aadanimo oo Wasiir gaar ah loo sameeyey markii ugu horreysey taariikhda Soomaaliya, Wasiirka Gar-gaarka Bani’aadanimo waxuu in muddo ah ku howlanaa sidii loo fududeyn lahaa gargaarka bani’aadanimo iyo hagidiisaba, Dowladda FKMG ah waxey u mahadcelineysaa dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed ee ku howlan gar-gaarka Bani’aadannimo iyo sida ay duruufaha adag ee dalka ka jira ugu adkeysteen, iyagoo aaminsan gar-gaarka bani’aadannimo inuu yahay wax waajib ah.

Dadka Soomaaliyeed ee u baahan gar-gaar bani’aadanimo waxaa lagu qiyaasaa ilaa 4 million, Dadka waddanka gudihiisa ku barakacay waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 2 million, kuwa Qaxootiga u tegey waddamada deriska ah waxaa iyana lagu qiyaasaa 1.7 million, Sidaas daraadeed, baahidaas mugga weyn leh waxey u baahan tahay in dhammaan Caalamka ay iska kaashadaan sidii shacabka Soomaaliyeed gar-gaar deg-deg ah loola soo gaari lahaa.

Dowladda FKMG ah waxey aad uga xun tahay in Al-Shabaab ay shacabkii Soomaaliyeed ka horistaageen gaargaarkii bani’aadanimo, waxeyna tuseysaa sida gurracan ee ay shacabka u dhibaateynayaan. Arrintan waa mid ka soo horjeedda diinta Islaamka iyo dhaqanka suuban ee shacabka Soomaaliyeed. Al-Shabaab gargaarkii bani’aadanimo ayay ka hor- istaageen shacabka waxay ugu sii dareen in Carruurta ay si xoog ah u dagaal-geliyaan, taasoo mustaqbalka Carruurta Soomaaliyeed gelineysa mugdi. Al- Shabaab waxay dhowaan albaabada u xireen 3 Hay’adood oo gargaarka bani’aadanimo ku howlanaa, kuwaasoo kala ah:

-World Vision International

-ADRA.

-Iyo DIAKONIA.

Al-shabaab waxay Sidoo kale horey u bililiqeysteen kulana wareegeen si xoog ah agabkii Xafiisyadii Hay’adihii UNka iyo kuwii kale ee ku howlanaa gar-gaarka bani’aadanimo.

Dowladda FKMG ah waxey aad ugu mahadcelineysaa dhammaan Hay’adaha Gar-gaarka bani’aadanimo ka wada dalka gudihiisa, waxayna ugu baaqeysaa inay howlahooda sii labalaabaan. Walow ay Al-Shabaab ka joojiyeen howlahooda haddana Dowladdu waxey qabtaa in si kasta ee loo gaarsiin karo gargaar bani’aadanimo loo gaarsiiyo ummadda soomaaliyeed. Haddii ay noqon laheyd in Gobolada nabadda ah la geeyo gargaarka, islamarkaana shacabka Soomaaliyeed iyo Ganacsatadu iska kaashadaan sidii loo gaarsiin lahaa shacabka tabaaleysan meel kasta oo ay joogaan. Gar-gaar bani’aadanimo siyaasad ma geli karo waana in kooxaha ka soo horjeeda Dowladda ay taa fahmaan arrintaas.

Caalamka waxaan ugu baaqeynaa inay gar-gaarka bani’aadanimo la soo kordhiyo, isla markaana ay taageeraan dhammaan Hay’adaha gargaarka ka shaqeeya oo ay ku jiraan kuwa UNka oo aan heysan dhaqaalihii ay ugu talagaleen in ay ku sii wataan howlahooda, Sidoo kale waa in Caalamku taageero Wasaaradda Gar-gaarka Bani’aadanimo si ay ugu fududeyso dhammaan Hay’adaha ka howl gala waddanka, islamarkaana ay mucaawanadooda gaarsiiyaan shacabkii loogu tala galay.

Wasaaradda Warfaafinta, Muqdisho


Transitional Federal Government of Somalia Republic
Ministry of Information
Mahad Mohamed Sh. Sidow (Istila)
Webmaster of TFG Somalia
Mob. +252-15522262 (Mogadishu) +254-716564027 (Nairobi)
E-mail. medialiaisonsomalia@gmail.com or istiile@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.