Home » Warar »

AMISOM oo Dalbatay 40,000 Askari

AMISOM waxay u baahan tahay 40,000 Askari si ay hawlahooda u gutaan:

Sarkaalka hoggaamiya Ciidanka AMISOM ee ku sugan Muqdisho Maj. Gen. Mugisha ayaa sheegay in AMISOM ay u baahan tahay 40,000 ciidan ah si ay u gutaan hawshooda. Sidaas waxa uu Talaadadii ka sheegay xarunta ciidamada Uganda ka deggan yihiin Muqdisho isagoo la hadlayey sarkaalka ciidamada dhulka Gen. Katumba Wamala iyo dublomaasiyiin, sidaas waxaa qortay Jariidadda New Vision ee ka soo baxda Uganda

Dalabka in si baaxad weyn loo kordhiyo ciidamada waxa uu yimi xilli ay hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya ay dhib ka haysato helitaanka ciidamadii asalkii hore lagu yaboohay oo ahaa 8,000. Sidaas waxaa qortay jariidadda New Vision oo itaas raacisay: Ila amaanta 6,000 askari oo keliy aayaa la geeyey Muqdisho kuwaas oo ka yimid Uganda iyo Burundi. Dalal kale oo ka tirsan Midowga Afrika oo ay ku jiraan Ghana iyo Nigeria ayaa ballan qaaday in ay ciidamo soo dirayaan laakiin ilaa hadda soo dirin ciidamada dhiman.

Sarkaalka hoggaamiya ciidanka AMISOM waxa uu sheegay in ciidamadii markii hore la doonayey in dalka la keeno (8,000) xilligaas oo ahayd 3 sano kahor in Al-Shabaab ay ahaayeen kuwo aan habaysnayn ama awood badan lahayn xilligaas. Laakiin in hadda xaaladdaasi isbedeshey oo ay dagaalka ku soo biireen dagaalyahanno ka yimid Ciraaq iyo Afganistnaa, taas oo kadhigtay kuwo  si xoogleh u wajahaya Dawladda Federlaaka Kumeel gaarka ah ee madaxweyne Sheikh Shariif Axmed.

“Waxaa arrinta sii carqaladaynaya waa hubka iyo dagaalyahanada Soomaaliya ka soo geliya dekedda Kismaayo oo ay xukumaan Al-Shabaab, iyo dawladda FKMG oo aan lahayd hab siyaasadeed ay ku abuuri karto nidaam isku xiran oo ka soo horjeeda iyo hoggaanka ciidanka daacadda u ah DFKMG oo ah mid liita,” ayuu yiri sarkaalku.

Warku waxa uu intaas ku daray, waa sida New Vision qortay’e,  in xilligan ay ciidamada AMISOM haystaan 8 degmo oo kamid ah 16-ka degmo ee ay ka kooban tahay Muqdisho oo uu ku jiro Garoonka, Aqalka Madaxtooyada, Jaamacadda Muqdisho iyo Dekedda Muqdisho.

“Waxaan hadda ku hawl jirnaa sidaan xukunkaya u hoos keeni lahayd 4 degmo oo kale. Kooxaha iskacaabintu waxay xakumaan 4 degmo oo ay ku jiraan Wardhiigley, Yaaqshiid, Huriwaa, iyo Kaaraan” ayuu yiri sarkaalka xukuma AMISOM.

Hore waxaa laga hadli jirey 20,000 askari in la keeno Soomaaliya, laakiin sarkaalka xukuma AMISOM waxa uu hadda sheegay in loo baahan yahay 40,000 askari.

Warkaas sidii ay u qortay New Vision hoos ka akhri:

More troops needed for Somalia mission



Gen. Wamala inspecting guard of honour mounted by the AMISOM Uganda Contingent troops on arrival in the Somali capital Mogadishu

THE African Union Mission to Somalia (AMISOM) needs as many as 40,000 troops to get the job done. The stark assessment was made Tuesday by the Force Commander of AMISOM Maj. Gen. Mugisha at the AMISOM Uganda contingent headquarters in Mogadishu while briefing Commander of Land Forces General Katumba Wamala and members of diplomatic missions.

The call for the huge increase comes at a time when the AMISOM mission in Somali continues to struggle to raise the original troop strength of 8,000. To date only 6,000 troops from Uganda and Burundi are deployed in the Mogadishu area. AU members including Ghana and Nigeria have promised but have not deployed the required additional troops.

According to Gen. Mugisha, the original troop strength made sense three year ago because the Al-Shabaab fighters were relatively less organized and lacked the capacity to further destabilize Somalia. However, the situation has since changed as more hardened resistance fighters from the Iraq and Afghanistan conflicts have joined the fray, resulting in a much more formidable and sophisticated front against the Transitional Federal Government (TFG) led by President Sheik Shariff Ahmed.

“Further complicating the picture is the unchallenged flow arms and other contrabands into Somali through the Kismayo port which is under the control of Al-Shabaab, the lack of political will among the TFG leadership to create a coherent and unified front, and weak centralized command over forces loyal to the TFG.

The General further argued that the stabilization of Somali on land will vastly improve maritime security for international shipping in the Gulf which is frequently attacked by organized pirates who use ports under the control of the Al-Shabaab.

“With just a fraction of the resources currently being poured into protecting international shipping, AMISOM would make greater gains on the ground, which in turn will clear up the problem of piracy and lawlessness along the Somali coastline and hinterland”, he pointed out.

General Mugisha, however praised the gains made so far with the small force on the ground.

The AMISOM troops currently hold 8 of the 16 districts in the Mogadishu area including the Airport, Presidential Palace, Mogadishu University and Mogadishu Port.

“We are currently working to bring under our control 4 more districts. The resistance movements have control over 4 districts including Wardiglei, Yaqshid, Huriwa and Karan.”

Since its deployment in March 2007, the AMISOM mission has seen increase in air traffic from once a week to almost half a dozen everyday at Mogadishu airport.

The mission is also involved in providing humanitarian assistance to Mogadishu residents including healthcare, water and food supplies as well as fire protection services.

SOURCE: http://www.newvision.co.ug/D/8/20/729173

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.