Home » Warar »

Puntland: Jawaab Wasiirka Warfaafinta TFG iyo Mamnuucid

War saxaafadeed:

Wasaaradda Warfaafinta Puntland

– Ogoosto 18, 2010 –

Dowladda Puntland waxay ku caan baxday xoriyadda saxaafada madaxa banaan waana marag ma doonto, marka loo eego dhamaan qeybaha kale ee Soomaaliya gaar ahaan Koonfurta Soomaaliya oo sal dhig u ah DFKMG, halkaas oo ay caado ka noqotay tacadiga ay qeybaha ku hardamaya u geystaan Suxufiyiinta ka howl gala. Xaqa fikirka xorta iyo hadalkaba waxaa sugay oo dhidibadda u aasay Dastuurka Dowladda Puntland, sidoo kale waxaa lagama maarmaan ah in cidda walba ay u hogaansato sharciga.

Waxaa hadaba hoboon in aan la degdegin, lana xushmeeyo sharciga Puntland, waxaana wax laga xumaado ah, in wasaaradda warfaafinta DFKMG ay ka hadasho arin ay haba yaraatee wax xog dhab ah ka hayn, lana xiriirin cidii ay qusaysay. Waxaase lagama maarmaan ah in meel looga soo wada jeesto sarenyta sharciga iyo kala dambeynta, si looga fogaado xaalka naxdinta leh ee ay hadda ku sugan tahay Muqdisho, iyadoon lagu xad gudbayn xaquuqda aasasiga ah ee shaqsiga. Waxay sidoo kale dowladda Puntland soo dhowaynaysaa, lana wadaagtaa DFKMG fikirkooda ku aadan kooxaha ay ugu yeertay nabaddiidka, annaguse aan u naqaan Argagaxisada Caalaminga ah.

Waxaan mar labaad ugu baaqaynaa dhamaan Saxaafada Soomaaliyeed meel ay joogtaba, ka shaqeynta Illaalinta barbar istaaga iyo difaaca lama taabtaanka Ummadda Soomaliyeed, ee qarka u saaran dabar go’a, lagana shaqeeyo sidii loo soo dabaali lahaa Nabadda.

Hadabba Dowladda Puntland waxay had iyo jeer u taagan tahay dhowrista Dastuurkeeda iyo dhamaan sharuucda caalamiga ah ee xorriyadda fikirka iyo hadalka.

Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hiaha iyo Dhaqanka ee Dowladda Puntland


Ref: W/W/Isg/H/Dh/ 45/2010 Date: 14/08/2010

KU: Dhamaan Qeybaha kala duwan ee warbaahineed
OG: Wasaaradda Arimaha Gudaha
OG: Wasaaradda Amniga
OG: Taliska Ciidanka Booliska Puntland
OG: Xeerillaaliyaha Guud
OG: Madaxtooyada Dowladda Puntland

UJ: Mamnuucid Baahineed

Si loo sugo Amniga iyo xasiloonida Dowladda Puntland, waxay Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hidaha iyo Dhaqanka mamnuucday baahinta maqal, muuqaal iyo qoridba ee Argagxisada Caalimiga ah ee la isla aqoonsaday, cidkasta oo wakiil u ah, iyo cidkasta oo afkooda ugu hadlaysa si toos ah iyo si dadbanba. Cidii ku xadgudubtana waxaa lala tiigsanayaa sharciga.

Dowladda Puntland waxaa ka go’an xusmaynta iyo meelmarinta xoriyadda fikirka, iyo hadalka, waxaana aaminsan nahay in saxaafadda xorta ay tahay muraayadii aan ka dheehanahay horumarka shacabkeena iyo dowlad wanaagaba.

Wada shaqeyn wacan

Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hidaha iyo Dhaqanka
Puntland State of Somalia
Garowe.

###

::: Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdixakiim Axmed Guuleed ayaa soo saaray warsaxaafadeed uu ugu jawaabayo warsaxaafadeedkii Wasiirka Warfaafinta DFKMG. .. DHEGEYSO

::: Warsaxaafadeedkii Wasiirka Warfaafinta DFKMG…. AKHRI

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.