Home » Warar »

Sheikh Maxamed Umal oo Si kulul uga Horyimid Heshiiskii Jabhadda UWSLF iyo Itoobiya

  • Sheikh Maxamed Cabdi Umal ayaa Jabhadda UWSLF ugu baaqay in ay deg deg uga laabtaan heshiiskii dhexmaray Jabhadda iyo Itoobiya, isagoo heshiiskaas u tilmaamay khald weyn oo ka hor imanaya Mabda’a Diinta Islaamka, oo qodobo ku jirana ay yihiin Gaalnimo Cad, waxana uu sheegay in uusan waxba ka ogeyn heshiiskaas… Waxaa sidoo kale heshiiskaas in uu khalad ahaa ka hadlay Sh. Xasaan Xuseen oo ku tilmaamay heshiis meel ka dhac ah…

Waraysi uu TV-ga Aljazeera siiyey Sheikh Maxamed Cabdi Umal ayaa sheegay in farqadda 5aad ee Qodobka 1aad ee heshiiska uu yahay “Gaalnimo cad” “كفرا بواحا”, sababtoo ah, ayuu yiri, waxaa qodobkaas ku cad in Jabhadda UWSLF ay aqbashay Dastuurka Itoobiya. (Qodobkaas waxa uu dhigayaUWSLF waxay aqbashay in ay u hoggaansamayso Dastuurka Federaalka ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Itoobiya iyo qawaaniinta kale ee dalka.)

Sheikh Maxamed Umal waxa kale oo uu sheegay in uusan waxba ka ogeyn ama waxba kala socon heshiiskaas dhexmaray UWSLF iyo Itoobiya, sida ay saxaafaddu hore u faafisay. Sheikh Ibraahim oo ah guddoomiyaha UWSLF oo heshiiska la saxiixay Itoobiya ayaa hore u sheegay in uu hambalyo ka helay culimo uu ka mid yahay Sheikh Maxamed Umal. Sheikh Ibraahim oo sheegaya magacyada culimada heshiiska ugu hambayleeyey DHEGEYSO.

Sheikh Umal waxa uu heshiiska UWSLF iyo Itoobiya ku tilmaamaay “khalad aad u weyn oo ka soo horjeeda mabaadiida iyo qawaaniinta Islaamka.” Waxana jabhadda UWSLF ugu baaqay in ay arrintaas ka laabtaan , oo saxaan, inta goori goor tahay.

Warka Aljazeera (Carabi) ka akhri halkan

Sheikh Xasaan: UWSLF haka laabtaan heshiiska, hana ka toobad keenaan.

Sidoo kale waxaa arrintaas ka hadlay Sheikh Xasaan Xuseen Aaden, heshiiskaas UWSLF iyo Itoobiyna ku tilmaamay mid meel ka dhac ah iyo xadgudub ah, waxana uu jabhadda iyo taageerayasheeda ugu baaqay in ay heshiiskaas degdeg uga laabtaan, kana toobad keenaan.

Sheikh Xasaan (Abuu Salmaan) hore ayuu fadwo dheer (oo ka kooban 45 bog kuna qoran Carabi) uga soo saaray heshiiska jabhadda iyo Itoobiya oo uu ku tilmaamay isdhiib (akhri) ama halkan.

Sheikh Maxamed Cabdi Umal ayaa hore uga hadlay Dastuurada kale, gaar ahaan xilligii lasoo dhisay DFKMG ee Sheikh Shariif ayaa Sheikh Umal waxa uu magaalada Nairobi salaadii Jimcada ee Janaayo 30, 2009 oo uu si kulul ugaga hadlay ku dhaarashada Kitaabka Quraanka iyadoo la adeecayo Dastuur aan waafaqsanayn Quraanka. Halkan ka dhegeyso ama soo rogo (mp3).

July 29, 2010 ayaa heshiis dhexmaray jabhaadda UWSLF iyo Itoobiya, kaas oo heshiisku dhigayo in la soo afjaray iska caabintii ay jabhaddu soo wadey 18 sano (oo ay u dagaalamaysay xornimad doon), isla markaasna in jabhaddu u hoggaansantay dastuurka Itoobiya, ayna noqotay shacab.

Culimaada Soomaaliyeed marar badan oo hore ayay aah uga hadleen qadiyadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Guubaabadii Culimada Dhegeyso ama soo rogo(mp3)

Sidoo kale dhegeyso Culimada Dhegeyso ama soo rogo

Dastuurka Itoobiya: http://www.erta.gov.et/pdf/Constitution.pdf

Heshiisha UWSLF iyo Itoobiya AKHRI: https://somalitalk.com/2010/uwslf/

Qoraalka Aljazeera

سلفيون بالصومال: اتفاق إثيوبيا كفر
يدور جدل ديني وسياسي هذه الأيام في أوساط التيار السلفي الجهادي الصومالي إثر الاتفاقية التي أبرمت بين إثيوبيا والجبهة المتحدة لتحرير الصومال الغربي في 29 يوليو/ تموز الماضي بالعاصمة الإثيوبية أديس أبابا.
فبينما أعلنت قيادات الجبهة موافقة أهم المرجعيات المعتبرة في التيار السلفي على مضمون الاتفاقية، برزت إلى العلن انتقادات شديدة من تلك المرجعيات نفسها، لوجود ما اعتبروها مخالفات صريحة للشريعة الإسلامية في الاتفاقية.
أخطار جسيمة
فقد أقر الشيخ محمد عبده أمل، أحد أبرز المرجعيات السلفية في منطقة شرق أفريقيا، بوجود ما سماها أخطارا جسيمة في الاتفاقية، قائلا في تصريحات خاصة للجزيرة نت إنه ما كان للجبهة أن توافق على مثل هذا الاتفاق.
وكانت إثيوبيا والجبهة توصلتا في أبريل/ نيسان الماضي في جيبوتي إلى هدنة لوقف إطلاق النار تمهيدا لتوقيع تلك الاتفاقية، حيث وافقت الجبهة بمقتضاها على الالتزام بالدستور الإثيوبي ووقف كفاحها المسلح، الذي يمتد إلى حرب أوغادين بين الصومال وإثيوبيا في نهاية سبعينيات القرن الماضي.
واعتبر الشيخ أمل ما ورد بالفقرة الخامسة من البند الأول في الاتفاقية “كفرا بواحا” لأنها تنص على التقيد بالقوانين الوضعية، ونفى ما تردد في وسائل الإعلام عن علمه بالهدنة الموقعة بين الجانبين وموافقته عليها.
واتفقت المرجعيات السلفية الصومالية الكبيرة على أن الجبهة المتحدة ارتكبت خطأ فادحا بتوقيعها بندا يتناقض مع أسس وقواعد الإسلام الكلية، ودعت إلى تصحيح الموقف قبل فوات الأوان.

استسلام للعدو
أما الشيخ حسان حسين آدم –الذي يعتبر أيضا من أهم مرجعيات التيار السلفي الجهادي بالمنطقة- فقد أصدر فتوى بعنوان “النصائح المنجية من الفضائح المخزية” حيث وصف الاتفاقية بأنها استسلام للعدو.
ويتفق الشيخ حسان مع رأي الشيخ أمل في اعتبار ما أقدمت عليه الجبهة “كفرا وردة عن الإسلام” مضيفا أن “المكاسب التي يتحدثون عنها لا تعادل شيئا مقابل تمييع الدين وتبديل الشريعة وتلويث الفطرة، وترويج الباطل”.
كما دعا الجبهة ومؤيديها إلى التوبة عما وصفه بالمخالفات الكفرية وغير الكفرية، ونقض المعاهدة التي وصفها بالمخزية، قبل فوات الأوان، والعودة إلى الجهاد في سبيل الله.
على خطى القاعدة
من جانبه استغرب مسؤول بارز في حركة الشباب المجاهدين الصومالية وعضو بلجنتها التنفيذية، الاتفاقية الموقعة بين إثيوبيا والجبهة المتحدة لتحرير الصومال الغربي.
وأشار المسؤول –الذي آثر عدم ذكر اسمه- إلى وجود مخالفات شرعية تتمثل حسب رأيه في موافقة الجبهة على المشاركة في “المؤسسات العلمانية الإثيوبية، وقبولهم الدستور الإثيوبي، وموالاتهم الكفار”.
وقال المسؤول البارز “إنها سابقة خطيرة” أن يقر ويعترف فصيل “كان ينتمي إلى التيار السلفي الجهادي الدستور الإثيوبي الوضعي، ويتخلى عن الجهاد في سبيل الله”.
واتهم المسؤول الجبهة المتحدة بما دعاها “الميوعة الفكرية والمنهجية، والجري وراء الإغراءات الإثيوبية الكاذبة”.
وحول تأثير الاتفاقية على مجمل الأوضاع في التيار السلفي الصومالي الجهادي بمنطقة القرن الأفريقي، أكد المسؤول البارز أنها لن تؤثر سلبا على التيار بل تقوي شوكة الجهاديين الذي يستلهمون طريقة تنظيم القاعدة.

قرارات إستراتيجية

وكشف المسؤول للجزيرة نت عن اتخاذ حركته قرارات وصفها بالإستراتيجية تقضي بإرسال كتائب إلى إقليم الصومال الغربي “أوغادين” في الوقت المناسب.
غير أن مختصين بالإقليم ذكروا للجزيرة نت أنه دون مثل ذلك القرار تحديات تتمثل في توتر العلاقات بين الجبهة الوطنية لتحرير أوغادين وحركة الشباب المجاهدين، ووجود قوات خاصة بإدارة الإقليم.
كما أن أي تحرك عسكري من حركة الشباب إزاء الإقليم قد يؤدي إلى نتائج عكسية وصفها البعض بالكارثية، ليس أقلها غزو إثيوبي جديد على الصومال بذريعة محاربة الإرهاب، والدفاع عن الأمن القومي الإثيوبي.
وقد استبعدت مصادر أخرى إمكانية فتح حوار ما بين التيار السلفي الجهادي الصومالي بقيادة الشباب المجاهدين وإثيوبيا وحلفائها للوصول إلى تفاهم على غرار اتفاقية الجبهة المتحدة مع إثيوبيا، لتمسك حركة الشباب برؤية فكرية وسياسية وإعلامية تتصادم مع مصالح دول الجوار.
وأضاف المسؤول البارز في حديثه الخاص للجزيرة نت قائلا “إن الجبهة المتحدة كانت عقبة أمام الجهاد في سبيل الله، وبتوقيعها الاتفاقية مع إثيوبيا، تكون الساحة قد خلت للمجاهدين الحقيقيين”.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Sheikh Maxamed Umal oo Si kulul uga Horyimid Heshiiskii Jabhadda UWSLF iyo Itoobiya "

  1. abdirisaq says:

    Khayr badan ayaan u tuhmayaa Sheikh Umal xafidahullah wala yuzakka calalaahi axad.
    Laakiin imaam maalik wuxuu yiri raximahullah qof kasta hadalkiisa waa la qaadan ama waa laga tegi ninka qabrigaas leh mooyaane oo uu ku wado rasuulka suubban sallalhu calayhi wasallam.
    Qof culimo ah oo macsuum ka ilduufo masalo ama ka eego dhan kale.Sayid cumar iyo haweneydi maharka qaaliga arrinkiisa isku qabtey wuxuu sayidku yiri akhda’a cumaru wa asaabat imara’tun.

    Heshiiski xudeybiya rasuulka waa laga diiday inuu rasuulnimadiisa sheegto oo ku saxiixo warqadda waana aqbalay ooka tirtirey ereyga “rasuulki allah” meeshi ay ku qorneyd. taas marka caadi loo hadlaayo masa’lada rasuulka allah in la diido rasuulnimadiisu waa gaalnimo cad in gaal lagu raacona qofka caadiga ee muslimka ahi waxay ku tahay gaalnimo cad.
    nin asxaabi ah wa tuu rasuulka weydiistey inuu wax ka sheegi karo rasuulka oo marmar u gefi karo haddi gaaladu ku qasabto inuu sidaas yeelo markuu ayaga la joogo oo ka cabsanayo rasuulkiuna u idmay.

    Qodobki ahaa qofki muslina ee gaalada kasoo fakada in la celiyo kii muslimiinta kasoo fakadana inaan la celin oo wqeliba wiilki qaylinaayay silsilad lagu jiitey asagoo gargaar ka baryaaya muslimiinta aad ayay u xanuun badnaayeen.
    markaa shekh umal kheyr allaha siiyo igalama duwana maalinkaas sayid cumarki joogsan waayey ciil iyo caro oo marna rasuulka ku qaylinayay oo lahaa rasuulki ilahow soo rasuulki allah ma tihid annagunmamusliminti ma nihin ayaguna gaalo iyo ereyo badan… marna abuubakar u ordaayay markuu qaadan waayey heerka laciifnimada u muuqday ee maalinkaas heshiiskaas muslimiintu ku saxiixeen hasyeeyshee marki dambe noqday furihi fatxu maka.
    Shareecada islaamka akhafu darareyn, masalatu daruuraha tubiixul maxduuraad,iyo maslatu masaalix almushtaraka wax la yiraa ayaa jira oo haddi arrin uu arrin kale suurtagal ahayn in la helo in kaas kale loo soo maro mooyaane ay marmar daruuradu ama duruufto bannaynayso in la sameeyo wax aan bannaanayn marka xaalku caadi yahay.
    Hadda shekh umal kheyr allaha siiyo Nairobi ayuu ku noolyahay dastuur iy sharci bayna dawladda Kenya leedahay wuxuna ugu noolyahay sida qof kasta oo muwaadin ah dhalashdeeda inuu haysto waan rajaynayaa sidoo kale qurba joogta calamka daafihiisa ku kala nool oo dhan ma wuxuu leeyahay ciddi sharci kale ku hoos noolaata ama aqbasha inay ku noolato oo u hogaansanto waa gaal cad XAALADDA OO AAN LOO KAL SAREYN DURRUFTU SIDA AY TAHAY HAYSTA QOFKA MUSLIMA EE KU NOL MEESHAAS.
    Muxuu rasuulka alle S.C.WASALLAM ugu soo direy asxaabtiisi najaashigi xabashida oo ugu tilmaamay nin caddalald ah ma wuxuu wax ku xukumayay dastuur islaami ah oo ma islam buu ahaa maxayse u aqbaleen in gartooda ay qaaddo maxkamd uu guddomiya ka ahaa najaashi oo markaas gaal ahaa iyo baarlamaankiisa oo ayagi iyo qureesh loogu kala gar gooyey ma gaalo ayay noqdeen mar hadday aqbaleen inuu gaal kala xukmiyo ayagi iyo qureesh.
    Waxan ka codsanayaa culimada islaamka oo ah indhaha umadda inaysan ku dagdagin masaaisha aadka u culus sida tan umadda Somaliyeed ee itoobiya ku hoos nool oo ah dad ay dul saarantahay awood caalami iyo maxalli ah oo aad u culus,durruf aysan si sahlan xal ugu heli karinna haysato, kana eegin arrimaha dadkaas hal masalo iyo hal dhan keliya ee ay eegaan dhibka haysta dadka iyo meesha xaqiiqda taal maslaxada iyo madarrada kasoo xasilaysa nabad raadinta iyo xabbad joojinta iyo salbiyadda iyo iijaabiyada uu leeyahay dagaalka ay hadda wadaan intaba.Annaga oo ogeyn walaalkeen sidi uu dhawr mawqif oo kal duwan uga qaatey arrinta Somaliya hadda ka hor marki hore iyo marki uu asagu shakhsiyan u tegey Somaliya oo indhihisa wax kusoo arkey soona gaadey xaqiiqda iyo duruufta ka jirta meeshaas.