Home » Maqaallo »

Talooyin kuu fududeeynaya sidaad bishaan ramadaan ee barakaysan ooga faa ideeysan lahayd . Qore: C/laahi Sh.xasan (Sancaani)

Ilaah waxaan waydiisanayaa in naftayda iyo qofwalboo aqristaaba qoraalkan ku anfaco ilaahna naga dhigo kuwa bishaan loogu danbi dhaafo kuwo kamid ah,ilaahna marar badan bishaan oo kale kuwii gaara kana faaiideeysta naga dhigo, bilaha kalana kuwii marwalbaa ilaah cabsidiisa joogteeya alaah hanaga dhigo aamiin .

Qaybta 1 aad;

Waxaan og nahay bishaan in ay tahay bil aad u qiimo badan, tahayna bishii ilaah qur,aanka soo dajiyay, ay tahay bil uu kujiro habeen cibaadada aad sameeysid ka ajri badan tahay 1000 bilood oo bilaha kala ah cibaadada aad sameeysid , sido kale ay tahay bil ilaah dadbadan oonaan soo koobi Karin habeen walboo kamid ah naarta kasoo baxsho uu janadiisa gasho ,ay tahay bil raxmad iyo naxariis iyo barakooyin badan ku dhax jiraan,

hadaba waxaa aad muhim u ah in qofwalbaa ka fakaro sida uu bishan si aad u haboon ooga faa iideeysan lahaa ,taas darted halkaan waxaan ku soo gubinaya talooyin aan is leeyahay nafteeyda iyo aqristayaashaba wax badan ayeey ka caawin karaan :

1- Bishaan waa bishii Qur,aanka allaah waxa uu yiri. ((شهر رمضان الذي أنزل فيه القرآن 000))
Hadaba waxaa muhim ah in aan in badan quraanka aqrino anagaoo waliba aad ugu tadabureeyna oo ugu fikirayna aayadaha aan aqrinayno macnahooda si quraaanka aan aad ugu dhadhansano una fahano waxaana aad u fiican qofku in uu dhageeysto ama aqriyo turjumaada qur aanka, ama ugu yaraan meelaha uuusan fahmin ka fiirshaa kutubta tafaasiirta sida ibnu kathiirka ama aysaru tafaasiirka iyo tafaasiirta kale oo lamidka ah ,
waxaa runtii aad u fiican qof walbaa in uu si toos ah u qaabilo siduu qur aanka u baran lahaa asagoo hadaba bilaabaya bishaan barakeeysan gudaheeeda maalintiiba inta uu awoodo .

2- Bishaan waa bishii deeqda ama qofwalbaa uu deeqsi noqon lahaa kaan ahayna isku dayi lahaa si uu unoqdo hadii bilihii ka horeeyay oo dhan naftiisa bakhiil nimada ka gooyn waayay waa fursad bishaan ee haka gooyo rasuulkeenana SCW isagoo dadka ugu deeqsi sanaa ayaa hadana deeqsi nimadiisu bishaan ugu sii badneeyd qofkana waxaa wanaagsan haba yaraatee maalin walbaa in uu naftiisa baro in uu wax sadaqeeysto.
(( كان رسو ل الله صلى الله عليه وسلم أجود الناس ، وكان أجود ما يكون في رمضان …))
3- Bishan waa bisha Qiyaamu laylka waxaana aad u haboon qofwalbaa in uu kutala galo in aysan bishan ka tagin halhabeena qiyaamkeeda qofkii saayeelana isagoo ilaah ka ajri xisaabsanaya ilaah waxa uu udhaafaa danbigiisa horoo dhan rasuulkana SCW waxa uu yiri:
((من قام رمضان إيمانا واحتسابا غفر له ما تقدم من ذنبه ))

Waxaana aad u fiican in lala dhameeyto salaada taraawiixda imaamka oo salaadii oo dhamaan afar ama lix rakcadood looga tagin illaa in daruuf adag jirto maahee rasuulkna waxa uu yiri SCW :
(( من قام مع إمامه حتى ينصرف ، كتب له قيام ليلة .))

Qofkii la istaaga oo latukada iimaamka illaa uu salaadii ka baxo oo dhameeyo waxaa loo qoraa habeenkaas oo dhan qiyaamkeeda .

Hadii lacala arin uun kaa dhex gasho oo awoodi waydo in aad la tukato imaamka sadex ragcaba ha ahaatee yeesan salaada subax kugu soo galin adoon qiyaamu layl sameeeyn .

4- Isku day bishaan hal qofba ha ahaadee in aad qof sooman afuriso ama kula jooga ama wadan kalaba jooga sida wadankeena ood ogtahay baahida ka jirta saa hadaa yeesho waxaad noqo naysaa sidii nin labo bilood soomay hadaa kasii badisana ka sii badan rasuulkana SCW waxa uu yiri :
(من فطر صائما كان له مثل أجره .. ))
Qofkii qof sooman afuriya waxa uu helayaa ajriga qofkii soomanaa oo kale, waliba midkoodna ajrigiisa lagama nusqaaminayo.
5- Ha iloobin in aad alla bariga iyo ducada badiso waxaa ku dhex jirtaa Shahru Ducaa rasuulkana SCW waxa uu yiri :

(( ثلاثة لا ترد دعوتهم ، الصائم حتى يفطر … )

Sadex ducadooda ama ala barigooda lama radiyo oo lama aqbali waayo waxaa kamid ah qofka sooman ilaa uu ka afuro .

Waxaa muhim ah marka qofka sooman in uu aad ugu dadaalo in duceeysto muslimiinta dhamaana uduceeyo kuna dadaalo marwalba adkaarta tan subixii iyo galabkii iyo kuwa kalaba, mar walbaana dikriga alaah ha ka qoyonaado carabkaada adigoo kucamal falaya dardaarinka nabiga SCW :

(( لا يزال لسانك رطبا بذكر الله . ))

6- Hafududeeysan saxuurta adiga oo is xasuusinaya faaaiidooyinka ay leedahay suxuurta oo ay ka mid tahay adiga oo rasuulkeena SCW ku dayanaya adiga oo barakada uu ku sheegay in aad hesho rajaynaya waqtigii fadliga badnaana ee habeenkii ugu danbeeyay aad haleelayso fiicantahayna in aad alaah barido danbi dhaafna way diisato sidoo kale salaadii fajar oo xili fiican aad tukankarto iskana ilaali in uu shaydhaan ku siro oo hurdo kugu cesho khayrbadana ku dhaafo ,rasuukana SCW waxa uu yiri :
(( إن الله تعالى وملائكته يصلون على المتسحرين)) حديث حسن رواه الطبراني في الأوسط وابن حبان

Ilaah waa uu amaanaa waana uu u naxariistaa malaa igtatana waa ay uducaysaa ilaahna u danbi dhaaf waydiisaa kuwa saxuurta.

Sidoo kale rasuulku SCW waxa uu yiri :

(( فصل ما بين صيامنا وصيام أهل الكتاب أكلة السَّحر ))رواه مسلم وغيره.

Waxa u dhexeeya soonkeena iyo soonka ahlu kitaabka waa suxuurta .

Sidoo kale waxa uu yiri :

(( تسحّروا فإن في السحور بركة)) متفق عليه

Suxuurta barakaa ku jirta suxuurtee.

7- Bishaan waa bil tarbiyo oo nafta la bari karo waxa wanaagsan waa madrasa aad isku badali karto hadaa dadaasho ilaah baryadiisana badiso in sha allaah waa bil wax kastoo naftaada ku amarto oo xun aad u fiirsan karto wax wanaagsana ku badali karto sida haduu afkaada yaqaanay hadal xumada oo kale iwm, rasuulkuna SCW waxa uu yiri :

((من لم يدع قول الزور والعمل به فليس لله حاجة أن يدع طعامه وشرابه ))

Qofkii aan katagin Hadalka been abuurashada ah ama hadalkastoo xun iyo ku dhaqankiisa ilaahay dan kamale inuu cuntada iyo cabitaanka iska daayo ,macnaha soonkiisii waxba kama jirayo ama nusqaan wayn ayaa xaga ajriga ku dhacaysa weeyaan,

marka waa in qofku uusan ka soomin cuntada iyo cabitaanka kaliya ee uu kasoomaa wax walbaa oo ilaahay uusan jecleen raalina ka ahayn,saas ayaa ah soonka dhabta ah ,ilaah soonkeenana kaas haka dhigo aamiin.

Gababo :

Ogsoonow in ay tahay bishan maalmo tirsan 30 maalmood ama 29 maalmood lagana yaabo teeda kale in aadan gaarin taa darteeed isku day in aad si wanaagsan uga faaiideeysato,

iska ilaali wax walbaa oo kaa mashquulinaya in aadan ka faaiideeysan bishan .lasaaxiib oo lasoco dadka wanaagsan oo ku xasuusinaya sida ad uga faaiideeysan lahayd bishan barakaysan hadii aadan waqtiga wax fiican kaga faaaiideeysan Karin wax xun iska ilaali kolaad gurgaada iska joogto saad uga nabad gasho asxaab xun oo wax xun bishaan gudaheeda sabab kuugu noqota

Go aanso in aad bishaan ilaaah u noqoto ood utoobad keento ilaah baryadiisa in uu ku waa fajiyana badi,ilaahna talo saaro oo kaalmeeyso hana caajizin waa maalmo isku day in aad si fiican ooga faaiideeysato ,

Ilaah waxaan waydiisanayaa in naftayda iyo qofwalboo aqristaaba qoraalkan ku anfaco ilaahna naga dhigo kuwa bishaan loogu danbi dhaafo kuwo kamid ah,ilaahna marar badan bishaan oo kale kuwii gaara kana faaiideeysta naga dhigo bilaha kalana marwalbaa ilaah cabsidiisa joogteeya aamiin .

Wixii sixid ah ama talo soo jeedin ah iigu soo hagaaji emailkan : waaniye@hotmail.com

Qoraalada Ramadaanka: https://somalitalk.com/tag/ramadaan/

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.