Home » Warar »

Gudoomiyihii Golaha Samadoonka oo lagu diley duleedka Muqdisho

Iyadoo weli dagaalo ka sii socdaan Magaalada Muqdisho  ayaa hadana waxaa sii dheer dilal aan la garaneyn Cidda ka dambeysa

Waxaa shalay (Axad Aug 15, 2010) galinkii dambe ay koox bastooladu ku hubaysan  ku dileen deegaanka Ceelasha Biyaha gudoomiyihii golaha samadoonka Soomaaliyeed; Sheekh Maxamed Tahliil Warsame.

Marxuumka ayaa xubin sare ka ahaa Midowgii Maxaakiimta Islamiga ah, waxaana uu gudoomiye ka noqday golaha samadoonka Soomaaliyeed oo la dhisay kadib markii ay dalka ka baxeen ciidamada Ethiopia horaantii 2009.

Sheekh Maxamed Tahliil ayaa u ololeyn jiray in Muqdisho ay noqoto caasimad nabad ah oo ay ka baxdo dagaalada mudada dheer ka socday.

Marxuumka ayaa xiliyadii dambe mucaaradsanaa dagaalada dalka ka socda kaasi oo ay kooxaha kasoo horjeeda dowladda KMG ku tilmaamaan mid Jihaad ah.

Gudoomiiyha Hay’adda Culumada Soomaaliyeed; Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka hadlay dilka Sheekh Maxamed Tahliil ayaa sheegay in kuwii ka dambeeyay falkaasi aysan iska qarin karin Alle maalinta Qiyaamo, waxaana uu carabka ku adkeeyay weyninka dambiga daadinta dhiiga qof Muslim ah oo sooman bisha Ramadhan.

Sidoo kale, Axmed Diiriye Cali oo ah Afhayeenka Odayaasha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiya ayaa sheegay in Sheekh Maxamed Tahliil uu ahaa qof sumcad balaaran ku leh dadka Soomaaliyeed dhexdooda waxa uuna ugu baaqay ururka Xisbul Islam in ay gacanta kusoo dhigaan kuwa ka dambeeyay falkaasi foosha xun maadaama ay maamulaan goobta uu falka ka dhacay.

Marxuumka ayaa dhawaanahay sida la sheegay ku howlanaa dhisida Masjid weyn oo laga dhisi lahaa deegaanka Ceelasha Biyaha halkaasi oo ay ku nool yihiin dad badan oo kasoo barakacay dagaalada ka jira Muqdisho. Wuxuu dilkaan ku soo beegeymey xili lagu jirro Bishii Barakeysneyd  Ramadaan

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.