Home » Warar »

Saacadda Dunnida ugu dheer laga dul taagey Magaalada Barakeysan ee Makka AL-Mukarama

Makka oo noqoneysa Bartanka Dunida…..

Dhawaan Magaalada Barakeysan ee Makka Boqortooyadda Sacuudiga waxaa lagu soo gabagabeeyey dhisme Saacad la sheegey in ay ku baxdey Malaayiin Doolar iyadoo inta uu socdey dhismaha Saacadaan ay u soo daawasho tagi jireen Dada fara badan kuwaas oo aad u la yaabey sida loo qurxiyey iyo weliba sida loo dhisey.

Saacadaan ayaa noqneysa Saacada Aduunka ugu dheer taasoo dul taagan Kacbada Magaalada Maka Almukaramah iyadoo dhererkeedana lagu qiyaasay 640 Mitir taasoo ah bartamaha aduunka iyo halka ay muslimiintu Jaheeyaan wajigooda Meel kasta ay Joogaan laguna wado in lagu saleeyo Waqtiga aduunka.

Saacada oo kor u qaadey Bilicda Magaalada Makka ayaa dul dhigay Magaalada barakaysan ee Makah Burjiga lagu magacaabo (Royal Mecca Clock Tower) looguna Magac daray Burji Bayd ayaa Waxa uu dhismaha noqonayaa dhismaha labaad ee aduunka ugu dheer kuna xiga dhismaha Burj Chalifa ee Dubai waxuuna Noqonayaa Saacada Aduunka ugu weyn kana waynaatay saacada Big Ben waxaana lagu wadaa in dhawaan Xaraga laga Jaro waxaana la sugaayaa dhamaadka Bisha Ramadaan Taasoo warbaahinta Calaamka aan Islaamka Aheyn ay ka Mujiyeen wel wel Weyn ayna ku tilmaameen in ay Saacadaan Tahay mid gabbalka u rideysa Big Ben .

Dunida Muslimka dadkooda ayaa tiradooda lagu qiyaasay ilaa 1.5 Bilyan oo qof ayna Qibladooda Tahay Magaalada Barakaysan Ee Maka ayaa waxaa lagu Wadaa in ay waqtigooda ku sargoyaan saacaddan oo la jaanqaadi doonta waqtiga Aduunka (Local Standard Time) taasoo 3 saacadood ka horeeysa GMT Big Ben oo Hadda ah bar biloowga waqtiga aduunka (International Dateline). –

Saxaafadda Reer Galbeedka ayaa arinkaan qaylo dhaan ka soo saartay iyagoo Afka labadiisa Furtay si ay ugu hortagaan Arinkaan waxayna maalmahaan wadeen Dacaayado looga soo horjeedo Saacadaan oo ay si aad ah u soo dhaweeyeen Dunida Muslimka Taasoo ay doonaayaan Wadamada Carabeed iyo kuwa Islaamkaba ah in ay ku garabsiyaan ka hortaga arinkaan waxayna bilaabeen tabo ay ugu horimanayaan iyagoo wadamada aan islaamka aheyn durbaba ku qanciyay in aysan arinkaan Qaadan waxay doonayaan in ay geliyaan qaar ka mid ah wadamda Islaamka iyo kuwo Carbeed taasoo ay u badan tahay in ay garab ka heli doonaan kuwo carbeed kuwo badan oo islaam sheegto inay yihiin inay Sacadaan u qaadan in ay tahay (Local Standard Time) ka Aduunka

Saacadaan Cusub Ayaa waxaa ay ku samaysan tahay Afarta Jaho dhismaheeda Saxankeedana waxa uu ku Fadhiyaa midkiiba 46m oo isku wareeg ah Halka saxan saacadeed iyo tilmaamaha Daqiiqadaha oo ah 20m taasoo Noqoneysa mid ku Shan Jibaaranta midda reer yurub ugu weyn taasoo ah Kaniisada Zürich ee lagu magacaabo (Jenes Der St-Peter) iyadana uu saxankeeda Saacadeed uu ku Fadhiyo 8,64 Mitir Waxaa ku xiran Saacadaan Cusub Labo Milyan oo Nal iyadoo shidayso Habeenka ay Ciida Fidriga Islaamka ay soo galaysa ilaa Habeenada Ciida ay Jirto oo dhan in ka badan 20 000 kun oo nal oo isugu Jira Cadaan iyo Cagaar oo Signallo bixinaayo Waxayna Ifinayaan Habeenkii Ciidaha Islaamka Cirka In ka badan 10km waxaana saacadan laga Arkaa Afarta Jiho ee Maka in ka badan 30km .

Ingriiska Dowladiisa ayaa waxay Mudo suuqa ugu Jiray warbeena iyadoo ku doodaysay in ay ku dhowaad dhacda Cirifka Woqooyi ee aduunku ayna tahay Bartanka aduunka Taasoo Gumeeystayashii reer Galbeedka ay galiyeen wadamo Badan oo islaam ah oo ay Gumaysanayeen , waxaana Maanta doodaasi ka raacday Waji Gabax iyo ceeb kadib markii qaar ka tirsan Culumada Sayniska ku xeel dheer Carabta iyo Islaamka ay doodooda si Cilmiyaysan u soo hordhigeen in Makah ay dhacdo Bartamaha Calamka taasna lagu Xaqiijiyay kadib markii la helay in aysan laheyn awooda Birlabta ee loo yaqaano “Zero Magnetism Zone“ taasoo la waafajiyay shuruuda jiheeye ee la dhigay halkaasi aanay Caarada wax sheegta dhana u dhaqaaqin waana arin ay horay uga dhawaajiyeen Cirbixiyeeno Maraykan ah oo uu ka mid ahaa Neil Armstrong oo sheegay inay Maka dhacdo dhex Bartanka Dunida

Saacadaan ayaa waxaa la sheegey in ay u soo dalxiisi doonaan dad fara badan oo dunida Islaamka tirsan waxaana xariga ka jari doono Boqorka Sacuudi Caraabiya Boqor Cabdlla waxaana lagu marti qaadey Madax fara badan oo dunida Islaamka sidoo kale waxaa hambalyo soo gaaraya Saynisyahanada Islaamka ee Daaha ka rogey arrintaan iyadoo Furitaankeeda la soo beegey Ciidda Islaamka ku weyn ee Ciidu fidriga

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Saacadda Dunnida ugu dheer laga dul taagey Magaalada Barakeysan ee Makka AL-Mukarama "

  1. MAASHA ALLAAH WAXAAN AAD UGU FARAX SANAHAY HORUMARKA ISLAAMKA GAALADUNA WAXAY KA XUN YIHIIN HORUMARKA ISLAAMKA IYO CILMIGA ISLAAMKA INKASTOO AAN TAAS KA JECLAA ISKU DUUBNI ISLAAM O MEEL LOOGA SOO WADA JEENSADO GAALADA ILAAHAY WAXAAN ILAAHAY KA BARYAAYAA IN ILAAHAY ISLAAMKA ISKU DUUBNIDOODA IYO WADA JIRKOODA KULMIYO AAMIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIN