Home » Warar »

Sheikh Ibraahim oo lagu fariisiyey Kursigii…..

Guddoomiyaha Jabhadda UWSLF, Sheikh Ibraahim ayaa Khamiistii waxaa la kulmay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Itoobiya Meles Zenawi ee gumaysiga ku haysta dhul iyo Shacab  Soomaaliyeed. Kulankaas oo ka dhacay Addis Ababa SII AKHRI

Warbixinta Kulanka Sheikh Ibraahim iyo Zenawi Akhri/Dhegeyso

Warbixinta Kulanka Akhri /Dhegeyso

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

15 Jawaabood " Sheikh Ibraahim oo lagu fariisiyey Kursigii….. "

  1. Awgaab says:

    Sheekh ku sheeg Ibraahim Yuu Matala? Waa Qofna Tankale Uwslf Waxuu ahaa Magac U Yaal Sanadahii la so dhaafay Urur Xabad Si kulul u Rida maba Aheen Zenaawi Sida u sheegay ee ah Tabar xumo darteed markay ogaden inaysan waxba isla haynin ayaay nabad qateen Taas macnheeda waxa weeye Sheekh Ibraahim oo Sadaqo ka waayay Carabaha awgood ayuu malez isugu dhiibay Waqtina Siya Afarta bari ee Danta Zanawi ka le yahay ka dib Xabsi bay ku uri doonan

  2. Cabdalla says:

    Asalamu Calaykum
    Qofba si u arag, qofba si udhig, laakin waxa macnaha iyo dhadhanka samaynaya waa dhanka aad ka arkayso, fahankaaga xeelka dheer, macluumaadka aad hayso iyo sidaad waaqica ula socotto.

    Marka waxaan u arkaa hadii dhan laga fiirsho arin farxad wayn keenaya maaha Sh. Ibraahim iyo xawaaraha siyaasadiisa, markii dhan kale laga fiirsho oo aan xaqiiqda la iska indha saabina, waan dareemi karaa inay macquul tahay hishiiskaas ay UWSLF galeen, sababtuna waxaa weeye:
    1) Cid cadow la hishiisa uguma horayn UWSLF, balse Nabi Muxamed scw oo ka khayr badan, gargaar Rabbina haystay ayaa Quraysh oo aan ka xoog badnayn la hishiiyay. Markaa halkee joogaan UWSLF oo aan dal haysan, dad haysan, dhaqaale haysan,umaddii (Somaliwayn) ay kadhasheena midba meel lagu cunayo? Sidoo kale fiiri dagaaladii aduunka 1aad iyo 2aad, hishiisyadi dhexmaray dowladihii dagaalamayay.
    2) Hadii dadkaagi lagugu diro oo iyagii aad badbaadinaysay u arkaan inaad cadow kutahay jahli xumo haysa awgeed. Sidoo kale dalkii waynaa ee aad ku gaban lahaydna dab ka holcayo oo nin walba gobolkuu udhashay buul hoosta ka galay, hadaad gabaad usoo raadsatana uu kuu dhiibayao cadowgii. Sidoo kale aysan dunidii oo idil arxan lahayn oo hal nin oo xoog wayn loo wada shaqeeyo, bal fakaroo maxaad yeeli lahayd? I oran maysid waan isdhiibayaa hadaad caqli badan tahay, laakin waxaad fahmaysaa muhiimadda ay leedahay inaad hesho dad tayyo leh, aqoon leh, isku kalsoon, dadkooda kasban yaqaan, halgan dheerna u babac dhigi kara. Hadaba dadkaas hadaad qaab nabada kusoo saari karto, maxaa kujaban inaad hishiis gasho?
    3) Sh. Ibraahim dheere iyo ururkiisi UWSLF hoos ma ognahay siyaasadda uqodan ee ay damacsan yihiin? Mase ka maqalnay hadalo isdhiibid ah iyo fakar badalasho ah? Mise hadalada aan ka maqalnay waa hadalo siyaasadaysan? Hadii uu wadaadku ku hadlo kalmadaha lagu yaqaan ragga isdhiibi jiray ama caado qaatayaasha ah, waa arin fiiro gaara ubaahan. Hadii kale uu u hadlo inta aan ilaa hadda aragnay ee ah inuu shacabkaas u danaynayo oo hadalku ku kooban yahay siyaasad, wax lagu degdego oo xukun dhaleeco ah meesha iigama muuqdaan. Balse waxaa wanaagsan inaan u sugno natiijada talaabooyinkooda sanadaha soo socda.
    4) Hadii ay shacabkooda kamid noqdaan, markaa raggu way daaleen, waana niyad jabeen, taasna wax lagu eedayn karo maaha qofku haduu baqay oo xeelad iyo tab toona hayn. Hadii ay horumar shacab sameeyaan oo dad badan oo aqoon leh soo saaraan oo aayahooda aduun iyo aakhiro diyaar u ah oo halgan siyaasadeed ama mid dagaal oo hor leh bilaabaan 10-sano kadib, markaana waxaa haboon inaan lagu degdegin.

    Dhanka kale
    Waxaan fahmayaa dadka Soomaliyeed ee wadaniyiinta ah ee si fiican uga dharagsan cadownimada Itoobiya ilaa xadka ay ka xumaanayaan, laakin walaalahey waxaan oran lahaa dhawr arin maka fakarteen?
    1) Inta Soomaliya sidaas tahay, waxba tari mayso inaan u ciishoono Itoobiya. Xalka kaliya ee nimankaas naga qaban kara, waa midow. Marka maxaad ka eedaysaa gobol awalba la haystay, hadii dal waynihii dhan loo haysto siyaasad iyo dhaqaale ahaanba?
    2) Ma u malaynaysaa ciishood iyo is eedayn inuu xal ku imaan karo? Adiga maanta ciishoonaya, kasoo qaad inaad booskaas joogi lahayd oo aad maamuli lahayd umad dhan oo aan dal iyo duunyo dan kalahayn, maxaad fali lahayd?
    3) Mid aad ka walwali karno oo saxa waa jirtaa oo ah Itoobiya inaysan ahayn dad qawl iyo balan leh, dal Soomaliyeedna rabin, laakin ilaa xadkee arinkaa fahansannahay oo diyaar u nahay inaan si qorshaysan ugu babac dhigno?

    Walaal, waxbadan ayaa ubaahan in laga fakaro, inta aanan waxbadan ka xumaan ama la yaabin. Sidaa awgeed ku gunaanadi lahaa, waxba yaanan la fajacin talaabooyinka Sh. Ibraahim Dheere, ee aan u korano waxa kadhasha.

    Wassalam
    Cabdalla

  3. Dahir Dubbad says:

    Dhulka Somalida ee itoobiya min Gobolka shinniile ilaa Liibaan waxaa dega Somali.
    Waxaa Su’aal ah intaas oo Somali ah ma Ogaadeen bes ah ayaa la gumaystaa, mise Ogaadeen bes ah ayaa ka qali roon inta kale oo garanaya gumaysiga meesha ka jira.
    Mise magaca Ogaden ee waagii ingiriisku gobolka u bixiyeye ayaa ku bixiyey ogaadeen keligood inay qoriga qaataan?

    Midda kale Bal xornimaa loo halgamyaaye maamul hoosaadki yaraa in aad xitaa wadi weydaan oo muran iyo wada qabqabsi iyo qabyyaalad aad kasaari weydaan ilaa maalinba mid xafiiska madaxweynaha kililka qoorta laga qabto oo qaar kalena bagada hayaan oo ku orinayaan.

    Intaa markaan uga gudbo xaaladda dhabta ah ee ka jidha gobolka. Nimankan immika heshiiska qaatey marki ay dagaalka billaabayeen bal ii sheega shacabka ama duqayda ama siyaasiyiinta shirtey ee ku tidhi waan idin dirraye kaca oo dagaal u gala xornimada gobolka. Soo iyaga ma ahayn wixi naf iyo maal iyo deeq iyo deyn waxay heli kareen ku bixiyey mabda’aas iyo himilads.
    Maanta marki ay isla qiimeeyeen intaas oo sano hawshi ay wadeen wixi natiijo daalac iyo naasil ah ee kasoo baxay,marki ay qiimeeyen xaaladihi iyo jawigi guud oo gobolka geeska afrika ama waxa loo yaqaan Geoppolitics-ka gobolku sida uu isu beddelay ,
    marki ay qiimeeyeen gudaha dalki wixi isbeddel siyaasadeed mid dhaqaale iyo mid maamulba wixi iska beddelay oo istaatisticska ay is barbardhigeen.
    Marki ay qiyaaseen rate ama heer socodka wax qabadka halganka ay ayagu wadeen iyo heer socodka horumarka iyo dhibaatada gobolka ka jidha,marki ay istaatiskada is barbardhiogeen masaafada aya jari karaan intaas oo sano iyo yoolka gaadhistiisa yio caqabadahasiyaasadeed ito mid bulsho oo soo kordhaya.iyo saameynta ay halganka ku yeelanayaan.
    Haddi ay door bideen bal inay dhan kalena ku dyaan arrinta laga yaabee in ay kasoo dhaweyso natiijada sidi la moodayay.
    BVal eegey inti cadaawad ay isu qabeen labadi Jarmal iyo gidaarki ku dhex dhisnaa intuu dhehre la ekaa bal ogow madfac inaan lagu dumin iyo siyaasad lagu dumiyey, mee xooggi isku hayay midowgi soogiyeeti oo quwadda nukliyeerka iyo gantaallaha qaaradaha isga gudbaa lagu ilaalin jirey maxaa kala direy dalki midowga sofiyeet ma xoog baa mise siyaasad.
    Maxaa natiijo ah oo kasoo baxay halgankii dadka kurdigu ugu jireen qaran kurdi leeyahay ee caalamka ilaa intaas ay raadin jireen maxaase ay ku nool maxaa haysta tamiil maxaa haysta falastiin. maxaa haysta tibet maxaa haysta eta maxaa haysta turkida qubrus war dunidu xabbad keliya ma aha ee ogaada.

  4. abdikadir says:

    Horta dadku inay wax isku qaldaan maaha mana aha in had iyo jeer wax la iska mucaarado Sh Ibraahim khayr allaha siiyo waa nin caqli badan diin ahaanna dhisan fahmay marxaladda hadda lagu jiro danbuu biday sidan uu ugu danaynayo bulshada degaankaas waana ku raacsanahay fikirkaas Nebiyullaahi Muxamed SCW iyo asxaabtiisii ayaa heshiis la geli jiray gaaladii ka soo horjeedday sida Sulxul Xudeybiyah
    waxaa la yiri
    DADCAY WAA DULLOOBAA ee Afku yuu idin qalloocan ee sheekha ha u gefina boowayaal iyo baayooyin

  5. Xaliimo says:

    waxaan aad u salaamaya bah weynta Somalitalk waad mahadsantihiin walaalayaal sida wanaagsan ee aad uga Hadashaan Qadiyada soomaali weyn iyo Runta aad ka sheegtaan

    waxaa Nasiib daro ah Nimankii ONLF ku sheegi jiray in ay heshiis la galayaan cadowga in ay iyagii Gumaysiga Gacanta u galan oo ay Males maanta gacanta ku salaamay cajiib Ilaahay Dhamaan waxaan soomaaliyeey idiinka codsanayaa inaad taageertaan Halganka Xaqa ah ee ay Wado ONLF taasa ah mid Dalkeena inaga maqan aan ku heli karnaa

  6. yusuf says:

    waxaan u sheegayaa walaalaha xarakaatul islaam waa fashilmeen waayo marka horeba waxay ku dhismeen baadil qaacido sharci ah ayaa jirto oo odhanaysa waxkaso oo baadil lagu dhisaa waa baadil. waxaan kula talinayaa walaalah soomaaliyeed inay u soo noqdaan dacwa salafiyah walaahay iydaa khayrka aduunyada iyo aakhiraba ku jiraa. walalayaal maali ba maaha in gooxi dhalinyaridii mustaqbalka ay hog ku guraan.
    wasalaamu calaykum

  7. Cumar Haybe says:

    Nimankan waa rag xaqiiqdi soo taabtey in badanna rigrogey arrinta. Ninki wax isku haya ha keeno talada shacabka Somaliyed ee dhulkaas xalkooda ayagu waa isku dayeen haddana sidaan bay la dhaafi weydey waxba yaan ayaga la isku mashquuline talo kale hala keeno.
    Shucuubta waxaa ugu daran marka loo aqoonsado second class citizen waxa loo yaqaan oo la xagliyo cid walibana ay isaga taag sheegato oo la xaqiro. Qoomiyadda Somalidu xaq bay u leedahay in ay la mid noqoto qoomiyada kale ee dalka oo xukunto dalkaan gebigiisba isla marka xaq buuxa oo la mid ah kuwa dad ka kale hesho.
    Ninka gacalna ugu sokeeyo Somaliyada is qalanaysa iyo kuwa inta soo garbo duuba iibsanaaya. awood iyo dhaqale uu ku halgamana kua sugaya ka haysta shacabka abaarta iyo dacdarradu haysato markuu si waliba wax qiimeeyey inuu wixi dantu la dhaafi weydey uuna arkey inay ku jirto danta dadka haddu sameeyey ninki wax ka wanaagsan hayow halkan soo dhig aan ku wada maqalnee.

  8. muse says:

    ascww

    Waxan ka baxay qurbaha waxanan soo maray dhulka soomaaliyeed gaar ahaan hargaysa iyo puntland oo dagan ii ah waxan la kulmay xili aad beelaha meesha dagan u kacsanayeen sabtoo ahayd dad dhulkan ka shaqaysan jiray kana yimid sababo nabad galiyo aawadeed dhul soomaaliyeedka ay Itoobiyo gumaysato loo dhiibay itoobiya.
    Hadalka dadku isla dhexmarayen ayaa waxuu ahaa goormaan sidan u gumownay oo aan willal yaryar oo magangalyo iyo nolol halkan u soo raadsaday aanan adeer iyo abti u nahay aan cadawgii soomaaliyeed u gacan galinay buuqaa socday iyo hadaldan la,isla dhexmarayay ka sokow
    maadaam aan anigu ahay nin lagu tiriniyay dadka islaamka u adeega ayaan la kulmay culimo badan oo halkaa ku sugnaa haba ugu badnadeen kuwa kasoo jeeda S galbeed habada aqristoow waxa yaab leh nimankani waxay ku sugnaayeen bari iyo waqooyi itoobiyana halmar looma dhiibin itoobiyana umaba aanay baahnayn ismana ay qarin jirine sidee wax u jireen, heshiiska gumaystaha islaam ladirika ah iyo qoladana goormuu soo bilowday?
    Sh Ibraahimse hadlku anaga markaan isku aragno carabaha nagu oran jiray waxuu ahaa ONLF diin kuma dhaqmaan ee dastuurbay haystaan ee boowe maanta ma dastuurkii itoobiyaa islaannimo loo badalay?
    Mahadsanid Somalitalk sida aab umada soomaaliyeed u dharjisay qayaanda wadaado ku sheega soomaliyeed ee diinta ka beensheegaya ay ku hayaan.

  9. abdikafi says:

    anika waxa aan u arka in waxi lo so dagalamayay oo somalia aay dagal ki 1977 aay u kashay aay aheed in la xoreeyo somali galbeed oo dad badan oo somali ah aay gu dhamadeen iyo malgoodi marka waxa aan leyahay waxa aad ka lexaten hadafki lo aas aasay jabhada oo dadbadan oo somali ah aay guwayeen wilashooda hantidoodo o aheed in lo xoreeyo somali galbeed marka waxa ayandaro mar hadi aad ogo lanaysan in aad qadatan nabad oo aad mid noqotan shacabka itobiya maxad umada aad u lugonayseen oo 18 aad dagal oogu hor kacayseen

  10. Mohamed Haji says:

    Kursigaan waa lees ku arkay yaah..Cajiib.

  11. isha says:

    cilmi Adiga Ibrahim dheere waxad tihiin laba qof oo wax walba u samaynaya inay maanta qadeeyaan.
    Ma qof ilaahay ka baqaya ama damiir shaqsi ku jira ayaa intuu maqlay warkii KT Zanawi sheegay 12 aug ayaa kursigaa ku fadhiisan lahaa ninka raga ah islannimo ku jirto waa inuu diiraa laakiin wa sidan horayba u sheegay adiga iyo ibrahim dheraba sharaftina maalin baad u qadaynaysan.
    Ilaahayoow qaatumada hana seejinin

  12. moh'ed says:

    war maxaa idinka khuseeya ibrahim dadbuu matalaa go,aankaas ayeyna qaateen marka shaqa kale malawaayey

  13. Cilmi says:

    Hambalyo ayaan leeyahay Sh. Ibraahim, waxaanan ku bogaadinayaa sida geesinimada leh ee uu ugu bareeyay khatar kasta oo uga imaan karta jidka nabada ee uu qaatay.

    Soomaaliyeey Ilaaheey baan idinku dhaariyee sow ma aragtaan dhibaatada ka muuqataa soomaali galbeed, sow ma aragtaan horumar la’aanta haysata shacabka ogadya. War ilaahiina ka cabsada tan maanta Muqdisho ka jirto oo kale hala jecleysanina dhamaan umadyowga soomaaliyeeed.

    ilaaheey xaqa na tus.

  14. Cumar says:

    Hadimada xabashida, hagardaamadeeda ,naceybkeeda iyo cadawtooyada taariikhiga ah ee aan nasahada laheyn, waxaa ka sii daran kuwa gunnimada loo hadoodilay dan mooday oo doorta. Haddiiba argagaxiso manaxyaal ahi ay jiraan sifadaa waxaa leh xabashida, geyigaa geeska Afrikaad weligood ayagaa nabadda u diiddanaa, haddana u diiddan, (waa aragaxiso garab dhaqaale iyo siyaasadeed caalami ah iyo heer gobolba heysata,) Sinna aan uga daaleyn shax kastaa inay ciyaaraan. LAAKIIN RAQBA WAA KU RAGGEEDA

  15. nuur says:

    tolow ayaa ku xiga inuu kursigan , tariikhda leh u fariisto ?????????

    Kursig color ka cas ha la soo darso , dhiiga shacbka soomaaliyeedbaa ??

    Sheekh ibraahim tariikbuu galay aan waligii ka harayn.

    Bal fiiriya hadalkiisii aan ka dhagaystay — “Itoobiya waxay doonaysaa Shacab Soomaaliyeed, balse ma doonayso Dawlad Soomaaliyeed”

    Allow diinta nagu sug