Home » Faallo »

Sayid Qutub ma Shiikh baa mise waa Mufakir Islaami(3)

Horudhac:

Waa qeybtii Seddexaad oon kaga hadlaayo Sayidka Culumaddii Radisay & kuwii Amaanayba !!!
Waxaan ugu horeeya oo Culumada casrigaan Radiyey Sayidka :

1) Shiikh Mohamed Naasir Diin AL-Baanii :

Culumada Casrigaan waxaa ugu horeeyey oo Sayidka Radiyey Shiikh Naasir oo ku tilmaamay in uu Sayidku Amaanisanaa ( Wuxdatul Wajuud ) oo macnaheedu yahay in Allaah iyo Adoomadiisu isku mid yihiin, waana fikrad ay Suufiyadu qabi jireen sida ibnu carabi saaxibul fusuus iyo Xilaajkii lagu Dilay, waxaana hadalkooda ugu caansanaa ( jubaddayda wax kala kuma jiraan Allaah mooyee ) !!!

Waxaana fikraddaas laga dhadhansaday hadallo maldahan oo Sayid ku yiri Tafsiirkiisa fii Dhillal Al-Quraan suuradaha kala ah ( AL-ikhlaas & Xadiid) !!!

Waxaa kaloo fikradaas Buunbuuniyey Shiikh Rabiic AL-madkhali oo waayahan danbe ku noqday Caan in uu Sayidka ku tilmaamo Bicdi ,ay banaan tahay in Khaladaadkiisa Bulshada looga digo .

Waxaa kaloo Sayidka fikradiisa Takfiirka ku radiyey Maxamed Saaalim Bahansaawe kitaabkiisa ( ALtakfiir wal hijrah)

Sidoo kale AL-Qaadii Mamaed ma’muun Alhudaybi kitaabkiisa ( Ducaatun Laa Qudaatun) labadaan nin oo ahaa raggii Akhwaanka siiba Hudaybi oo ahaa murshadkii labaad ee shiikh Xasan AL-banaa badalay. Sidoo kale Shiikh Yusuf Qardaawi ayaa sayidka ku radiyey fikraddiisa takfiirka kitaabkiisa ( daahiratul quluwi fi takfiir).
Haddii aan wax ka weydiino Sayidka Wallaalkiis & waliba Ardeygiisa Mukhliska ah Shiikh Maxamed Qutub oo ka jawaabaaya waxaa loo soo jeediyey Wallaalkiis Sayidka wuxuu yiri :

[ Xaqiiqo ahaan waxaa tafsiirka Dilaalka ku jira ereyooyin maldahan oo aan cadeyn oo haddii si loo qaato ruuxu ka dhadhansan karo in uu sayidku Aaminsanaa Waxdatul wujuud , se akhristaha caadilka ah wuxuu ka helayaa meelo badan oo Dhilaalka ku jirta oo uu Sayidku ku muujiyey in Ilaahnimada & adoonnimadu kala baxsan yihiin… Sidoo kale waxa kitaabkiisa(1) ku soo aroortay arrin marag ma doonto ah oo uu si cad Sayidku u kala saaray ilaahnimada waxay la khaas tahay iyo Adoonimada Bani-aadamkaba taas oo soo af jareysa Ruux kasta oo ku andacoon jiray in uu Sayidka Fikradaas wuxdatul wujuud Qabay, waana tan ee ila fiiriya:
( waxaa ku yimid kitaabkaan fasalkiisa Ilaahnimada iyo Adoonnimada bogga 83 :

” TASAWIRKA ISLAAMIGA AH WUXUU SI CAD U KALA SAARAYAA DABEECADDA ILAAHNIMADA IYO DABEECADDA ADDOONNIMADA IYO WALIBA MAQAAMKA ULUUHIYADA IYO MAQAAMKA CUBUUDIYADDA ,IYO KHASAAISTA ULUUHIYADDA IYO KHASAASISTA CUBUUDIYADA ,KUWAASINA ISMA MASALI KARAAN ISMANA DHEXGALI KARAAN ”

Masha llaah waa hadal cad oon gadaashiis marmarsiyo la raadinaynin, xaq gadaashiis maxaa ka danbeeya lumis mooyee !!!!

Sidoo kale Maxamed Qutub wuxuuu yiri asagoo radinaaya kuwa Sayidka ku sifeeyey in uu fikraddii Khawaarijta qabo oo dadka gaaleysiiyo:

” xataa markii la yiri sayidka fikradiisu waa tii Khawaarijta !!!! wuxuu yiri sayidku waligiis Ruuxna kuma dhihin Gaal baad tahay!!!!

waligiis wuxuu dhihi jiray Imaanku sifiyo la wada ogsoon yahay ayuu leeyahay kuwaas oo ku soo aroortay Kitaabka Allaah iyo sunnada Rasuulka ,kufriguna sidaas oo kale ayuu sifaat u leeyahay lagu yaqaano ,marka Ruuxii naftiisa sifooyinka IImaanka iska hela Allaah ha ku xamdiyo, kii wax kale iska helana sifooyinkaas ha iska suuliyo iimaanka ka saaraysa …] muqadamada muqawamaat altasawir Al-Islaami bogga 83.

Sayidku wuxuu Caan ku ahaa in uu Xaakimiyadda Rabi kor u Qaaday Ruuxii Allaah sokadiisa Sharci dajiya kii Allaah khilaafsan iyo Ruuxa ku raaca sharcigaas labaduba Diinta Alle wey uga baxayaan gaalnimo ayeyna mutaysanayaan.

Sidaasna waxaa ku tagay Culumaddii Islaamka oo dhan kuwoodii hore iyo kuwa Casrigaanba ( 2 ).
waxaanan ka sheegi kareynaa AL-xaafid Ibnu Kasiir Tafsiirkiisa Suuratul Maa’ida ( Afa xukmul jaahiliyah yabquun…) 5:50 oo uu ku gaakeysiiyey dadkii isku xukumay kitaabkii Yaasiq ee Tartaarku dajisteen.

Sidoo kale Muftigii Reer Sacuudiya Shiikh Mohamed ibnu Ibraahim AL-Shiikh wuxuu ku yiri kitaabkiisa ( Kufriga weyn ee cad waxaa ka mid ah in Qaanuunka lacnadan la dejiyo Booskii Ruuxul Amiinka uu Nabi Mohamed ku soo dejiyey oo ah Quraanka).

Sidoo kale Mohamed AL-amiin AL-Shunqaydi kitaabkiisa ( Adwaa ul Bayaan) Tafsiirka suuratul AL-kahfi ( … walaa yushriku fii xukmihi axadaa) 18:26

Sidoo kale Shiikh C/siis Ibnu Baaz Fatwooyinkiisa dadka Shuuciyadda isku xukuma ama Qawaaniinta la dajistay, siduu soo Guuriyey Macallinkayga & Shiikhayga DR. Salaax Saawii kitaabkiisa ( Taxkiimul Shareecah wa silatuhu bil Diin ).Bogga 31.

Sayidka oo iska Difaacaaya Markii lagu eedeeyey in uu Muslimiinta Gaalaysiinaayo :

Sayidku xogtiisa ma moogeen wuxuu kaga jawaabay kitaabkiisa ( fii Dhiilaal Quraan) Tafsiirka Suuratul Ancaam Aayadda 55 : ( wa kadaa lika nufasilul Aayaata wali tastabiina sabiilul mujrimiin) 6:55 !!!

Wuxuu Sayidku yiri : ( Maanta waxaa ay xarakaatka Islaamku la kacaa kufayaan waxaa ka mid ah mugdiga iyo daboolka saameeyey macnihii Laa Ilaaha ilalaahu iyo Waliba macnihii Islaamka oo dhanba siiba Shirkigii & Jaahiliyaddii dhinac ahaan.

Dhibka ay Xarakaatkaasi la dhutinayaan waxaa ka mid ah in aysan kala cadeysan jidka Muslimiinta saalixiinta ah iyo Jidka Gaaladda Mushrikiinta ah .

Waxaanna isku darsamay oo isku qasmay Calaamadihii iyo cinwaanaddii ,magacyaddii iyo sifooyinkiiba ,waana la isku wareeyey oo jidadkii baa is dhex galay.

Cadawka Islaamkuna meeshaas wey ogaadeen markaas ayey dul fadhiisteen si ay u ballaariyaan, iskugu khaldaan,iskugu qasaan, isku maldahaan, ilaa ay noqotay ku dhawaaqista kalimada Xaqa ah tuhun foodda & lugaha la isku kaa dhajinaayo…

Tuhun weyn oo Muslimiinta lagu Gaaleysiinaayo.

waxuuna noqday ku camal falkii Islaamka & kufrigaba mid loo cesho dhaqanka dadka iyo caaddooda ee aan loo celin Qowlkii Allaah iyo Qowlkii Rasuulka .

Waa tan Mushkiladda weyn Ducaadda Muslimiinta haysata oo la rabo in ay ka gudbaan waqti walba.

2) Shiikh Al-Rabiic AL Madkhali :

Waxaa kaloo Sayidka aad u Radiyey oo ku noqday Mutakhasus ay Culumada Salafka ay ku riixaan in uu asaga uun afhayeen uga ahaado markii laga hadlaayo Arrimaha Sayidka oo aad u soo noqnoqday waqtiyadan Danbe.

Shiikh Rabiic wuxuu sayidka ka qoray kutub fara badan oo ay ka mid yihiin :

a) adwaa islaamiyah calaa caqiidatul sayid qutub
b)alcawaasim mimaa fii kutubi sayid qutbi minal qawaasim.
c)alxadul faasil bayna xaqi wal baadil.

kitaabkan ugu danbeeyey wuxuu Shiikh Rabiic u ku radiyey Shiikh DR. Bakar abuu Zayd oo difaacay Sayid Qutub, mar uu Shiikh Madkhali kitaab uu ka qoray sayidka uu u diray Shiikh Bakar oo ku yiri Muqadamo iigu samee ama ii Qiimee ???

Shiikh Bakar baa isku dayey inta uusan u Qiimaynin bal in uu fiiriyo waxyaabaha uu Sayidka ka sheegay oo ku noqday, meelihii uu Madkhali ka soo Qaatay Dhaliilihiisa ??? Balse waa waayey markaas ayuu ayuu Waraaqo Toddobo ah u Qoray Shiikh Rabiic uu ku leeyahay Allaah ka baq oo ka tanaasul in aad Daabacdo kitaabkaan , Ninkaan waxa aad ka sheegayso annigu kuma arkin????!!!!

Waraaqihii baa inta uusan u Dirin Shiikh Rabiic dhexda dad ka heleen, oo u sii gudbiyeen Ardadii Qudbiyiinta oo ayaguna aad ugu Farxay oo Waraaqihii Buug Yar ka dhigay kuna magacaabay Shiikh Dr. Bakar abuu Zeyd.
Markaas ayaa talo Fara ka haaday Shiikh Madkhalina maradii ka dhacday ??? markaas ayuu Dr. Bakar abuu zeyd dad u diray si uu u hubsado in uu asagu Waraaqaha Qoray iyo in kale se Jawaab waa ka waayey, wicitaan buu isku dayey Haa & maya waa ka waayey??? markaas ayuu qoray kitaabkiisaan ( AL-xadul Faasil bayna xaqi wal baadil ) intaas kadib Shiikh Rabiic Sayidkii Amaan cad buu siiyey oo Radintiisii waa shiikhday ????!!!!

Shiikh Madkhali Sayidka wuxuu aad ugu Radiyey kutubtiisii hore sida ( AL-Cadaalah AL-ijtimaaciyah) oo Sayidku Qoray inta uusan Mareykanka aadin wadaadna uusan noqon. Sidoo kale kitaabkiisa Taswiirul Fanii fil Quraan oo uu Afartameeyaddii Qoray markii uu Quraanka Suugaan ahaan u baaraayey, Kutubtaas oo Sayidku Qoray inta uusan Multazimka Noqonin Se kuwiisa cusub sida Maacaalimka & Khasaaiska iyo Muqawamaatka ,Haada Diin iyo waliba Mustaqbal li haadal diin !!! Radintiisu kuma jirto waana taas meesha ay dhaliilka ku leeyihiin kutubta Shiikh Rabiic AL-madkhali.

3) Shiikh Usaama AL-Quusii ( minal Banaa ilal Qudbi ) !!!!

Shiikh Usama Al-Quusii waa Shiikh Masri ah oo ka tirsan Culumada loo yaqaano Salafiya AL-Jadiida sida Macallinkiisa Shiikh Rabiic AL-madkhali, Wuxuuna Imaam ka yahay Masjid Qaahira ku yaalla, Wuxuu Leeyahay Cajallad la yiraahdo:

( Minal Banna Ilal Qudbi ) oo uu ku radinaaya labadaas Caalim uusan kabtooda gaareyn !!!!
Wuxuu cajalkaas horudhac uga dhiganayaa in aan la isku xad gudbin oo Muslimiintu is ixtiraamaan se asagaaba ka baxay oo eedeyn Dhab ah u soo jeediyey labadan Caalim ay isku Reerka Yihiin, wuxuuna yiri Dhibka na haysta haddan Masaari nahay waa labo nin oo mid la yiraahdo Xasan Albanna iyo mid la yiraahdo sayid Qudbi ???

Labadaas baa nala hadhay midka koowaad waa Muctazili kan labaadna waa khaaraji ??? kan koowaad waxaa lagu dilay Aarsi kadib markii loogu aaray Wasiirkii Naqraashi ,kan labaadna waa Khaaraji Ummaddii oo dhanba Gaalaysiiyey.

Raggu uu sidaa leeyahay labadaba waxaa loo dilay Arag dheeridda ay Islaamka u lahaayeen iyo markii laga baqay dadka ay indhaha u fureen oo ay Islaamka Jeclaysiiyeen sida ay u soo badanayaan siiba Dhakhaatiirtii , Macallimiintii,injineeraddii ,Siyaasiyiintii iyo miidii Mujtamaca oo dhan.

Haatanna haddaan u jeesto Culumada sida aadka ah u Amaanay Sayid Qutub waxaa ka mid ah :

1) Shiikh Ustaad Yusuf Cadham:

Waa shiikh Akhwaanka Reer Urdun ah oo kitaab Qayim ah ka qoray Sayidka, wuxuuna Qabaa in uu Sayidku yahay Dhameystirkii Shiikh Xasan AL-banna, wuuna qaldan yahay buu leeyahay Ruuxa dhahaa sayidku Xarakada Akhwaanka waa ka baxay markiisii danbe(3) se wuxuu ahaa buu leeyahy Nin wax weyn ku daray Xarkaddii Akhwaanka kobcieyna.
Sidaan horayna u soo sheegnay Shiikh Xasan AL-banaa fiiradiisii dheerayd ee uu ku yiri : ( Sayidka waxaa laga yaabaa in uu lunsanaanta ka soo noqdo oo Islaamka u shaqeeyo intuu Allaah soo hanuuniyo tii bayna noqotay ) !!!!
Sidoo kale Wuxuu yiri Yusuf Cadham : ( Waxaan is leeyahay markaan fiiriyo mufasiriintii iyo mufakiriintii Islaamka ee hore iyo kuwa cusubbba in uu Sayidku Yahay midka kaliyah ee si fiican uga hadlay xiriirka ka dhaxeeya ( Bani,aadamka iyo Adduunka iyo Nolosha ) si cadaan ah, si fiicanna noo fahamsiiyey .

2) DR. Salaax C/fataax AL-khaalidi (4)

Dr. Saalax oo waayahaan danbe ku takhasusay in uu fasiro ama aragti sharaxaad ah ka bixiyo kutubtiisa ayaa wuxuu ku yiri muqadamada Risaaladiisa ( Fii Dhilaal AL-quraan Daraasah wa taqwiin) taas oo uu Darajada Diktooraah uu ku qaatay sannadkii 1984 Jaamicadda Imaam mohamed bin Sacuud ee Riyaadh, ayaa wuxuu ku yiri:

[ Tafsiirka Sayid Qudub ee ( fii Dhilaal Al- Quraan) waa tafsiir baxdoow ah waqtigaan la joogo oon la gaari karin, Dadka Muslimiintana meel cad kaga yaal, makaan weynna ku leh agtooda, Allaah baana u qoray in kitaabkaas iyo kutubtiisa kalaba in baaqi ahaadaan oo si xad dhaaf ahna ku fidaan… Sayid Qudub Allaah baa Shahaado la doontay ugu timid xabsigiisii… sidoo kale Fikradihiisiina u kasay fiditaan iyo joogtonimo sidii Allaah doonay bayna noqotay.

Inkastooy Jaahiliyadu iyo kuwa xaasidiinta u ah ay doonayeen in fikirkaasi dhinto oo tirtirmo, se malahoodii wuu beenoobay , shaqadoodiina wey fashilantay, awoodoodiina wax bay tari weyday, dhagartoodiina Allaah baa dhuuntooda ku celiyey, mana aysan ogeyn in ay Awooda Allaah ka soo horjeedeen markay doonayeen in ay tirtiraan kutubtiisa ayna la dagaalamaan… kuwaas aan ka hadleynana meesha ay ku danbeeyeen waanu ognahay haatan ] madkhal ilaa Dhilaal Quraan ,bogga 9.

Dr. Saalax wuxuu Sayidka ka qoray kutubta soo socota:

1) Sayid quQudub Al-shahiid Al-xayi
2) Nadhriyatul Taswiirul Al-fanii cinda Sayid Qudub
3)Amrikaa minal daakhil bi-Mindhaar Sayid Qudub
4)Fii Dhilaal Quraan Daraasah wa Taqwiim
5)Sayid Qudub minal Miilaad ilal Istishhaad
6)Sayid Qudub Al-Adiib Al-Naaqid wal Daaciyah Al-Mujaahid wal mufakir Al-Raa’id .

3)Mohamed Tawfiiq Barakaat ( Sayid Qudbi Noloshiisa & Athartiisa cilmiyeed)

Mohamed Tawfiiq Barakaat oon u maleeynaayo in uu ka mid yahay Ardeydiisa markii danbe loo bixiyey ( Al itijaah Al Qudbii ) ayaa kitaab xeel dheer ka qoray Sayidka ooy Raali ka noqdeen dadka fikirka Sayidka Qaatay ama loo yaqaano ( AL-Qudbiyuun) .

Intaan Kitaab ka akhriyey waa kitaabka ugu cadaaladsan ee ka sheekeeyey Sayidka waxa uu guday iyo waxa uu galayba.

Waxaan ka xasuustaa cinwaanadiisa in uu sheegay markii lagu eedeeyey Sayidka in uusan aaminsanayn Khabar waaxid ???

in uu ugu cudur daaray in uu arrintaas ka noqon lahaa haddii uu Allaah cimrigiisa dheerayn lahaa !!!!
Sidoo kale in uu ka noqon lahaa fikradii Shiikhiisa Cabaas Caqaad & Mohamed Cabdoow ee ku saabsaneyn Caqlaaniyadda .

Sidoo kale waxaa Sayidka Ammaanay Shiikh Salmaan Cawdah oo kitaabkiisa ( Macaalim Fil dhariiq) ku tilmaamay in aan laga baran sida Bambada loo sameeyo , aysanna haboonayn in laga mamnuuco Caalamka Islaamka ee uu yahay oo kaliyah Mid Sharxaaya Laa ilaaha ilallaahu Manhajul Xayaat !!!!

AL-Qudbiyuun oo ku xad gudba Sayid Qutub :

Waxaa jirta xarako ka dhinbil qaadata Sayidka oo awood weyn leh oo loo yaqaano ( AL- itijaah AL-Qudbi ) ama Qudbiyiin ama dadka qaarkood u yaqaanaan Takfiir .
AL-Qudbiyuun si aad & aad ah bay Sayidka ugu xad gudbeen meesha ay AL-Jadiidiyah ay Sayidka aad iyo aad u Xaqireen.

AL-Qudbiyuun Xad gudubkooda ugu weyn waa ayagoo Halbeeg uga dhigay Culumada ??? oo Caalimkii Sayidka wax ka sheega Shiikh uma yaqaaniin, weyna caayaan ama eed bay dusha uga tuuraan !!!!
Haddii Shiikh Caalim ah loo sheego muxuu Sayidka ka qabaa ayey yiraahdaan ama Tafsiirka Dhilaalka sidee buu u arkaa???

Taasna waa Qalad uu horay inooga digay khaliifkeenii Afaraad Cali ibnu Abii Daalib RC markuu yiri :
( Xaqa Ragga laguma Aqoonsado laakiin raggaa xaqa lagu Aqoonsadaa) ama sidaas oo kale ayuu yiri.
Haddaba Sayidku waa Bashar waana Qaldami karaa, wax saxanna waa Sheegi karaa se halbeeg xaqa uma aha ee xaqa ayaa asaga halbeeg u ah.

Allaah ha u naxariisto Sayid Qutub iyo culumada rabaaniyiinta ah oo idil.
Annagana Allaah ha naga dhigo kuwii raadkooda raaca ee xaqa u hiilsha.

fii amaani laah.
Shiikh saahid mohamed yusuf
USA,VA
sahidyusuf@yahoo.com
AL-mutakhasis fil xarakaat AL-islaamiyah.
Tixraac:
1) muqawamaat AL-Tasawir AL-Islaamii oo ah kitaabkii ugu danbeeyey uu qoro sayidku labo fasal baana ka maqan ( xaqiiqatul alxayaat & xaqiiqatul al-Insaan).
2) Sida uu Macllinkayga Dr.Shiikh Salaax Al-Saawii soo guurinaayo in Culumadu ku ijmaaceen Ruuxii xukunka Allaah ka taga in uu ku gaaloobaayo
Kitaabkiisa ( Taxkiimu AL-Shareecah wa Silatuhu Bi Asli Diin )bogga 31.
3) Sida Qudbiyuunta qabaan in uu Sayidku fikirkii Akhwaanka ka baxay.
4) Dr. Shiikh Salaax AL-khaalidi wadanka uu u dhashay ma aanan helin Ruuxii igu dhaama ha ii soo sheego.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Sayid Qutub ma Shiikh baa mise waa Mufakir Islaami(3) "

  1. Nadifa says:

    Sheekh Zaahid, ilaahay ha kaa ajarsiiyo, wax baad iftiimisay, wayna caddahay inaad juhdi weyn gelisay, sida aad gunaanadka dhambaalkaaga ku sheegtay ayaaba warka dhan soo koobaysa, sheekh kastaa wuu asiibaa wuuna qaldamaa, waana bani’aadam, MA-GAFE waa ALLAAH, keliya aan qaadano waxay culumadu asiibeen waxay ku khaldameena aan ka tagno, maahan in sheekh gooni xaqa halbeeg looga dhigo. Waa inaan si aan leexleexad lahayn u raacnaa midka ruuxdiisii lagu afuufay dhambaal la saxar tiray qalad oo dhana laga hufay ee aan ku dhawaaqin oraah ilaa inay Waxyi tahay mooyee, waana Suubanigii Muxamed SCW, isaga uun baan wax walba ku raacaynaa.

    Hubaale waad iftiimisay tuhun badanoo Qudbi laga qabay, waxaana dhambaalkaaga u dheg raaricin doona dheg kastoo xaqa ajiibi og, dhabtii waxaa wax maqla uun dheg kastoo waanada u daloosha…!!!

    Sheekhanaa Juziita Kheyran wa buurikta fii juhdik.

  2. Mh Mohammed says:

    Maasha alaah walaakeen Saahid Ilaah hakaaga abaal mariyo waqtiga aad galisay inaad soo bandhigto runta qaarkeeed ay naga qarsoon tahay, runtii aniga wax badan kama aqoon nolosha Zayidka ka hor inta aanan qurbaha imaan waxaanse aad u dareemay inuu nin diintiisa ku dhagan ahaa markaan arkay sida xadiga dheer ee ay gaaladu u neceb yihiin waana wax lagu tusaale qaadan karo waayo gaaladu mar walba way neceb yihiin ninka islaanimadiisa ku dhegan.