Home » Warar »

Hey’ada DBG oo sheegtay in website-yo Somali ah ay la tiigsan doonto Maxkamadeed, ayadoona beenisay in la dhacay Xafiiska Hey’ada ee deegaanka km-13.

Ayadoo maalinimadii shalay aheyd ay baahiyeen qaar ka tirsan Warbaahinta maxaliga ah ee ka howlgala Muqdisho in dhac loo geystay xafiiska Hay’adda Daryeel Bulsha Guud ee Marka magaceeda loo soo gaabiyo loo yaqaan DBG ay ku lahaayeen deegaanka KM-13 ayaa waxaa maanta arinkaasi meesha ka saaray oo beeniyay gudoomiyaha Hey’adaasi oo shir jaraa’id uu ku qabtay Muqdisho ku faahfaahiyay arinkaasi in uu yahay mid ka badbadis ah oo ay ka danbeeyeen warbaahinta qaarkood isagoona carabka ku dhuftay Radio Muqdisho gaar ahaan.

Cumar Colaad Axmed oo ah agaasimaha DBG Sidoo kale shirkiisaas jaraa’id waxa aad ugu nuuxnuuxsaday in arinkaasi uu ahaa mid lagu doonayay in lagu qalqalgaliyo shaqaaalaha Hey’ada isagoona sheegay in aqalka la sheegay in shalay Xarakada Alshabaab ay la wareegeen uu lahaa nin deegaankaasi mudo daganaa oo wax xiriir hoose aan la laheen D.B.G.

Sidoo kale, Agaasimaha ayaa hoosta ka xariiqay in wararkaasi ay yihiin kuwa lagu shir qoolayo shaqaalaha hay’adda islamarkaana Sumcadii ay ku lahaayeen shacabka lagu baabi’inayo hey’adana ay tahay mid aan wax shaqo ah aanan kala dhaxeyn Hey’adihii sadaxda ahaa ee dhawaan Alshabaab ay irdaha isugu dhufteen.

Mr. Cumar ayaa sidoo kale waxa uu beeniyay in Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ay la wareegeen xaruntii Hay’adda DBG ee duleedka Muqdisho isagoona sheegay in gabi ahaan Hey’ada ay ka soo guurtay deegaankaasi mudo 3-bilood ka hor halka haatana ay ku shaqeyneysay Xaruunta Hey’ada oo ku taala Isgooska KM-5 nawaaxiga Daarta Zobe.

website-da Soomaalida ah ee faafiyay arimaha beenta waan daba joogeynaa ilaa heer maxkamad” ayuu yiri Cumar Colad agaasimaha DBG isagoona carabka ku dhuftay website-ka faafiyey gaar ahaan la tiigsan doonaan heer maxkamad taa oo uu sheegay agasimaha in haatan ay u qabsadeen Abu-kaato oo ayna daba joogi doonaan ilaa uu meel ka saaro hadalka beenta ah ee uu ka baahiyay Hey’ada DBG ee ahaa in hey’ada ay xiriiro la leedahay Hey’ado baahiyo Diinta Masiixiga isagoona hoosta ka xariiqay in heer maxkamad la tiigsan doonaan web-kaasi.

Xarakada Alshaaab ayaa 2-cisho ka hor waxa ay Albaabada isugu dhuftay ilaa 3-Hey’adood oo lagu eedeeyay in ay wadeen ujeedooyin ay ku baahinayeen Diinta Masiixiga halka kuwa kalana loogu digay bayaan ka soo baxay xafiiska Alshabaab ee u qaabilsan arimahaasi.

DBG ayaa la aas-aasay sanadii 2004-ta ayadoona ay ka mid tahay Hey’ado dhowr ahaa oo dadka deegaankaasi gaarsiin jiray Biyo iyo gargaar kale, ayadoona lagu xasuusto intii dagaalka uu socday in dadka ku sugan duleedka Muqdisho ay xili walba la garab taagneed Biyo nadiif ah.

Hoos ka akhri Bayaankii Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku joojiyeen Saddex Hay’adood oo ay ku eedeeyeen in ay Faafinta Kirishtaanka


Bayaan kasoo baxay Xafiiska La socodka Hay’adaha Ajnabiga ah ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kaas oo lagu joojinayo shaqada saddex Hay’adood oo lagu helay inay ku howlanaayeen Faafinta Kirishtaanka.

Xiritaan Hay’ado Kirishtaan ah oo ka Howl-gala Gudaha Soomaaliya

Muqdisho, (27/ 08 /1431 – 08/08/2010) – Laga bilaabo maanta, dhamaan hay’adaha hoos ku xusan kama sii shaqayn doonaan gudaha Soomaaliya.

•World Vision
•ADRA
•Diakonia

Xafiiska la socodka arimaha Hay’adaha Ajnabiga ah (OSAFA) ayaa gaaray go’aankan kadib markii ay u cadaatay arimaha soo socda:

•Ujeedada ka dambaysa keenista Hay’adahan lasoo sheegay oo ahayd suuq-geynta Kirishtaanimada ee dalalka Muslimiinta ah.

•Hay’ada ADRA ayaa waxaa bilaabay Kaniisada lagu magcaabo Seventh-Day Adventist Church, iyadoo hormuud u ah hab-raacitaanka masiixiyada.

•Diakonia waa Hay’ad ay aasaaseen shan kaniisadood oo Swedish ah, iyadoo taakulada dhaqaale ay bixiyaan dadka xubnaha ka ah Kaniisadahaas, ujeedada ugu weyn ee laga leeyahayna ay tahay sidii loo dar-dar gelin lahaa faafinta Diinta Kirishtaanka.

•World Vision Waa Hay’ad Kirishtaan ah oo ku howl-gasha waxa loogu yeero ‘Caqiidada Masiixiga’ waxay wax walba u hurtaa sidii ay fariinta Masiixiga ah ugu dhex faafin lahaayen Caruurta, Qoysaska iyo guud ahaan Bulshada ay ka dhex shaqayso.

•Iyagoo ku hoos gambanaya arimo bini’aadanimo, ayay Hay’adahani waxay faafiyaan fikrado guracan si ay u fasahaadiyaan Caqiiqada toosan ee dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah.

•Marka laga soo tago faafinta Diinta Masiixiga ah, joogitaanka Hay’adahani waxay sabab u noqotay Musuq-maasuq iyo waxyaalaha faaxishooyinka ah inay ku dhex baahaan Bulshada Muslimiinta ah.

Hadaba, si loo badbaadiyo bad-qabka Bulshada Muslimka ah ee Soomaaliyeed, OSAFA waxay go’aamisay in gabi ahaan la joojiyo howlaha Hay’adaha kor lagu soo xusay ka qabtaan Gudaha Soomaaliya.

Hay’ad walba oo lagu helo inay ku leg leedahay dhaq-dhaqaaqyo lamid ah kuwa ay Hay’adahani ku kaceen waxaa la ogeysiinayaa in iyadana la xiri doono, sababtoo ah dhiiri gelinta Caqiidada Masiixiyada waa wax aysan Shareecda Islaamku ogolayn shacabkeena Muslimka ahna marnaba aqbali Karin.

Sidoo kale waxaa looga digayaa NGO-yada iyo hay’adaha ku haminaya inay si hoose u qabtaan howlaha hay’adahan la xiray ama kuwii horey loo xiray intaba in iyaguna ay la kulmi doonaan tallaabo ku haboon dambiga ay galeen.

Allaah ayaa nagu filan, Rabigeenna ah.

Xafiiska La socodka Arimaha Hay’adaha Ajanabiga ah ( OSAFA ).
Dhawraha Bad-qabka Bulshada Muslimka ah.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
***

Waxaa soo tebiyey
Muuse Maxamuud Jiisow
00252-061-5576666
00252-0699-907666

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.