Home » Warar »

740 arday oo u fadhiisatay intixaankii Jaamacada Somaliya Magaalada Muqdisho oo ay rabshaduhu ka socdaan.

Kuliyada caafimaadka ee jaamcada Muqdisho ayaa Jimcadii lagu qabtay xaflada lagu xirayey semester-ka 1aad isla markaana lagu soo dhaweynayey aradayda cusub ee sanadka 2010 iyo 2011 ka

Halkan ka daawo sawirada

740 arday oo ka mid ah 23 ka fasal ee ay ka kooban tahay jaamcada Somaliya ayaa u fadhisatay maanta imtixaankii kama danbeysta ahaa ee samistar 1aad oo lagu baranayey howlaha caafimaadka iyo daawooyinka waxayna qeyb ka ahaayeen 1120 arday oo guud ahaan ay ka koban yihiin ardayda wax ka barata jaamcada Somaliya ee Muqdisho .

Imtixaanka ayaa ahaa mid macalimiintu dusha ka ilaalinayeen waxaana lagu galayey fasalada aqoonsi u gaar ah jaamacada iyo teesaro .

Ardaydaan ayaa jaamcada ka barta culuunta kala duwan ee nooluhu u baahan yahay sida caafimaadka xisaabaadka Cumputerka iyo scens ka waxaana ardaydu ay diyarinayeen shahaadooyinka dunida loogu shaqada tago ee heerka caalami ah iyada oo ay Imtixaankaan u fadhiistay wiilal iyo gabdho oo da’walbo leh wxaana ka dhaxmuuqday ganacsato waaweyn oo si aad ah looga yaqaano Gudaha dalka Somaliya .

Xafladaan oo aheyd mid si heer sare ah loo soo agasimay isla markaana ay ka soo qeyb galeen masuuliyiinta jaamcada macalimiin ,arday waalidiin bahda saxaafada iyo marti sahraf kale oo lagu casuumay ayaa waxaa maal galinayey shirkada isgaarsiinta ee nationlink oo ay madaxdoodu uga qeyb galeen xaflada ka dhacaysay Gudaha Hoolka weyn ee Jaamacada Somaliya ee Magaalada Muqdisho .

Dr Yaxye Cali Ibraahim gudoomiyaha Jaamcada Somaliya oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii xaflada ka hadashay ayaa ku dheeraaday waxqabadka iyo faaiidada ay leedahay Jamacada Muqdisho wuxuuna ka warbixiyey heererkii ay soo martay jaamacada Somaliya wuxuuna intaa ku daray in dhibaatooyin badan ay u soo dhabar adeygtay ay u tafaxeydatay in wadciga dalku ku jira ay ka saaraan jaamacada o kaashaneysa bahda waxbarasahda iyo macalimiinta oo u shegay inay yihiin kuwo qurbaha wax ku soo bartay

Dr Yaxye Cali Ibraahim gudoomiyaha Jaamcada wuxuu shaagay in Jamacadu dadaalka ay waxbarasho o ay wado ku xiran tahay marba dhalinyaradu sida ay uga jawaabto ,shahaadadu waa warqad laakiin waxaa la rabaa cilmiga qofka ku jira in uu faafo ,jaamacada Somaliya waxaa gacanta ku haaya dad dhalinyaro ah oo aqoon sare u leh casharada ay dhigayaan wuxuuna u rajeeyey ardayda in ay u noqoto fursad qaali ah ayna noqdaan kuwo ka faaiidaysta waqtigooda qaaliga ah .

Gudomiyaha ayaa wax barashada ku tilmaamay wax kaliye ee bulsahada lagu bedeli karo Dr Yaxye “Jaamcada Somaliya waxay qeyb weyn ka qadan doontaa in dalku helo dhalinyaro Mutacalimiin ah oo waqtiga ay wax barteen uu la jaanqadi karo tachniloogiyada casriga ah oo ay dunidu marayso “

Dr Yaxye Cali Ibraahim ayaa u mahadceliyey ardayda xaflada soo qaban qaabisay iyo dhamaan kuliyadaha jamacada Somaliya gaar ahaan Kuliyada Caafimaadka iyo maamulkooda oo isku duuban .
Sidoo kale madaxdii waxbarasahda ee goobka ka hadashay ayaa waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha dalada seve Cabdiraxman macalin Axmed ( Ablaal ) ahna gudoomiyaha Boorka Jaamacada ,iyo Prof:Mahad maxamed Isaaq oo ah ku xigeenka madaxa maamulka jaamcada Somaliya isaga oo sheegay in dalka somaliya dhanka wax barasahda uu kaga jiro kaalinta dhul lama dagaan ah oo kale uu kaga jiro aduunka

Intii ay xafladu socotay waxaa si layaab leh masraxiyad  dadku ay la yaabeen hoolka ku soo bandhigay qaar ka mid ah ardayda waxaana loo bixiyey riwaayada aasaaka nolshu waa aqoon .

Madaxda howlgalada shirkada isgaarsinta ee nation link Enj :Xaaji Xuseen Maxamuud Fiidow ( Xuseen Baraf ) oo ku hadlayey Magaca shirkada Isgaarsiinta ee Nation link ayaa ka warbixiyey howlaha ay shirkadu bulshada u heyso marka laga soo tago howlaha ay caanka ku tahay ee isgaarsiineyd .

Enj Xuseen Baraf ayaa sheega in shirkada isgaarsiinta iyo jaamcada Somaliya ay yihiin isku Ujeedo ,saaxiibo , shirkada waxaa ka go.an dadka waxbaranaayo ardayda in ay gacan ka siiso sidii ay u wadan lahaayeen waxbarashadooda .

Madaxda howlgalada shirkada isgaarsinta ee nation link Enj :Xaaji Xuseen Maxamuud Fiidow
( Xuseen Baraf ) “shirkadu gacansiisaa sportiga ,waxabrashada ,dhaawacyada ayey daabushaa,dadka qaxay ayey wax siisaa,”ayuu yiri xusen baraf isaga oo hadalkiisii watana raaciyey in shirkadu ay bixisay gawaariga gurmadka deg deg ah iyonambaro laga wici karo markasta oo heegan ah mas’uulkaan ayaa jaamacada u balan qaaday in ay shirkadu siidoonto nambaro qarash la.aan ah o diabada ay ku wacan karaan Mustaqbalka dhow si ardaydu duruus uga qaataanmacalimiin dibadaha joogo
Xaflada ayaa ku soo gabagabowdayjaiw nabad ah iyada oo dadka qarkii u rajeeyeen in ay jaamcaaadani noqoto xidig ka soo baxday geesta Africa waxana halku dhig loga dhigay … in aad wax sheegto waxaa ka habon in aad wax tijaabiso

Ma aha markii ugu horeysay ee ay arday jaamcad ka qalin jabiyaan waxaana sanadkasta ardayda jaamicadaha ka qalin jabiya shaqaale ahaan u qaata shirkada waa weyn ee dalka sida xawaaladaha iyo isgaarsiinta waxaan u dheer taa howlaha dhanka caafimadka ah oo ispitalada bulshada uga qabtaan

Muuse Maxamuud Jiisow
00252-061-5576666
00252-0699-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.