Home » Warar »

Barack Obama oo kulan la qaatey Dhalinyaro ka socotey Qaarada Afrika oo ay ku jirtey Gabar Soomaaliyeed

Madaxweynaha Dalka Mareykanka ayaa Aqalka Cad ku qaabiley Dhalinyaro ka socotey Qaarada Afrika waxayna ka koobnaayeen Ilaa shan Boqol  oo kala matalayey Wadamada Qaarada afrika waxaa Soomaaliya uga qaybgaley Kulankaa Gabar lagu magacaabo Najmo Axmed Cabdi oo ka socotey Urur lagu Magacaabo Golaha Dhalnyarada Soomaaliyeed  Iyadoo intii uu socdey Kulankaas Su’aalo lagu weydiinayey Madaxweyne Barack Obama

Najmo oo hal Suaal weydiisey ayaa waxay ku tiri Maxay Dowlada Mareykanka wax uga qaban la’ dahay Xaalada Murusan ee Soomaaliya  wuxuuna Madaxweynaha ku jawaabey” Dowlada Mareykanaka markasta waxay Diyaar u tahay in ay gacan siiso Dadka Soomaaliyeed waxayna Dooneysaa in ay aragto soomaaliya oo lugaheeda isu taagto kana MadaxBanaan Wax uu ugu yeerey Aragagixisa iyo Xag jirka  “

  • Video-ga hoose ka daawo su’aasha iyo jawaabta

Wuxuu kaloo uu sheegey in ay Dowladda taageereyso Dowladda ku meel gaarka  balse loo baahan yahay in in dowladda la timaado Dadaal dheeraad ah  oo ay ku xaqiijineyso Amaanka oo uu sheegey in uu muhim u yahay Xaaladda Soomaaliya

Kulankaan oo ahaa mid aad u balaarnaa  ayaa wuxuu kaloo uu sheegey in Dowladda Mareykanka  aysan marnaba ogolaan doonin in soomaaliya ay noqoto Hoy ay ku gambadaan Wax uu ugu yeerey Dambiilayaal  , wuxuu kaloo uu sheegey in soomaaliya  muddo labaatan sano aysan helin Dowlad awood badan oo dalka ku soo dabaasha  Nabadgelyo iyo kala dambeyn

Mar uu ka hadlayey qaarada Afrika wuxuu sheegey in Dowladda Mareykana ay dooneyso in ay xiriir wanaagsan la yeelato dhamaan Dadyowga afrika ayna ka baxdo dhibaatooyinka jira ee dhinaca dhaqaale wuxuuna Tusaale u soo qaatey Kontan Sanno kar Dalka Kenya waxay ka dhaqaale badneyd dalaka Koonfur Kuuriya maanta waxaa dhaqaale badan wadanka Koonfur Kuuriya waxay ahayd in maanta si aad ah uga dhaqaale  badnaato wadankaas

Najmo oo wax laga weydiiyeyey sida ay u aragto kulankii Madaxweyne Obama ayaa sheegtey in aad ugu faraxdey islamarkaan waxay sheegtey in madaxweynaha uu doonaya in soomaaliya ay ka baxdo dhibaatooyin  ragaadiyey mudada badan waxay kaloo ay sheegety in ay kulan la qaadan dooonaan wakiilka madaxaweyna Obama u qaabilsan Qaarada Afrika  sidoo  kale waxay sheegey in ay tagi doonaan  Aqalka Kongareeska

Madaweyne Obama oo asal ahaan ka soo jeeda Qaarada Afrika ayaa wuxuu sheegey in Dowladiisa ay dooneyso in qaarada Afrika ay midowdo islamaarkaana uu kor u kaco dhaqaaleheeda aadka u balaaran  waxaana la filayaa in Dhalinyaradii ka socotey qaarada afrika ay kulan kale la qaataan Kongareeska mareykanaka ka dibna waxay kulan la qaadan doonaan ninka Mareykana u qaabilsan qaarada Afrika  oo ala sheegey in kulankooda uu noqon doono mid looga hadlo arrimaha Qaarada Afrika oo ay ku jirto Dalka Soomaaliya

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Su’aasha ay Najmo Axmed Cabdi weydiisay Obama ka daawo hoos

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.