Home » Faallo »

Gabay: Faroolow Waxaan Kaaga Digi – Maxamuud Axmed Cabdalle (shiine)

Halkan ka dhegeyso gabayga oo maqal ah.

Aniga oo ah Maxamuud Axmed Cabdalle (shiine) waxan idiin soo gudbinayaa gabay aan u dirayo Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Faroole.

Gabaygan waxan tiriyey ka dib dagaallada ka aloosmay Puntland, kuwaasoo la qaboojiyey oo odayaasha degaanku u guntadeen, laga soo yaabo inay dib u qarxaan. Waxa xusid mudan in Dawladda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya hub iyo saanad u soo dirtay maammulka Garoowe.

Waxan uga digayaa madaxweyne Faroole shirqoolka lala doonayo in Puntland lagu dumiyo. Gabaygiina sidan buu ku bilaabmayaa: Akhris/dhegeysi wanaagsan.

Faroolow waxaan kaaga digi dabin colaadeede
Dayaca koonfureed buu Shariif soo dawinayaaye
Daabbaddaa la soo raray Hartaa lagu dubaaqayne
Dulmigiyo inkaarada ka carar nabaddu waa doore

Duullaan Galgala lagu baxshiyo damaca hoos yaalla
Duhur weerarkaa shalay Caddaa loogu daw galaye
Dambas lama dugsado iyo walaal dooxatada jaane
Duufaankii Xamar baaba’shay kugu dagaayaane

Dambiishiyo dhitada kuu dedane darinta kuu yaalla
Doobigaaga buuxaa nin kale daadi leeyahaye
Dalkeennaa barwaaqada ahee beeshu wada daaqdo
Dambaaburiyo olol lagu shidaa loo dan leeyahaye

Puntland duruufaha jiriyo xaalkan degi waayey
Doorroone oday iyo waxgarad laysku wada duubay
Isin daadahshoo nabadda jira kuma dedaaleene
Dulqaadka iyo gobannimadu waa dhaxal da’weynaaye

Atam iyo dariiqada Galgala maaha deyn qolo’e
Alshabaabna duub uma xidhine daacaddii qire’e
Degaankiisii buu doonayaa inuu difaacdaaye
Haddaan lays dafirihayn cid kale dooxya muu geline

Afartaasi waa dood oon furay deelka maansada dheh
Dawan nabad ku baaqiyo wanaag deeqsi hadalkii dheh
Dawaaraha israaciyo murtida dadab dhiggeedii dheh
Afarkalena daabaan gobeed dacawigeedii dheh

Dadku waa dad nabadeed haddaan laysku dirahayne
Dalku waa dal nabadeed Buntlaan oo is daasade’e
Waa tol isu daacada hadday dani timaaddaaye
Hoggaankii laguu doortaybaan xil u dedaadalayne

Dawlad inaad hagtaa bay ahayd dalal heshiisaane
Dummaddaada Soomaalinnimo wada dabiibtaaye
Danyartii kolkaad didisey iyo maato kula deyra
Damacaaga laga yaab haddaan lasku diganayne

Dalku waa dal khayraadka yaal deeqo aadmiga’e
Darkase lama wadaagine bahdaa baa duxdii cunaye
Dulmi niman tirsanyoo wax badan samir ku daadduumay
Dibindaabyo inaad ugu dartaa ma aha dawgaayee

Nin damiirle lama soo shireen muusannow darane
Dadweynaha mindiyo uma direen la isku dooxaaye
Dabka iyo madaafiicda ba’an uguma diiqiine
Dafaar uguma baaqeen inay Dhahar duqeeyaane

Dabaabdaha iyo xoogganaad Laag u daabulaysid
Dooyada aad Eyl, Garacad iyo Gaalkacyo u doontay
Kalluun dabatadii kolay ku tahay daafta Bari joogay
Laascaanood ku daaddihi haddaad daacadda u jeeddid

Dhegeyso Gabayga

W.T. Maxamuud Axmed Cabdalle (shiine)
Email: mabdalle@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Gabay: Faroolow Waxaan Kaaga Digi – Maxamuud Axmed Cabdalle (shiine) "

  1. amran says:

    waxaa wax lala yaabo ah in uu nin wayni suuqa la yimaado waxaan wanaagsanayay, taas oo ah qabtaalada
    mida kale faroole waa president of puntland.
    waana waajib in uu wadanka ka difaaco kooxaha qaska ka wada wadanka waana muqadis in uu wadanka wax kasta ka difaaco,
    waana wax lagu faano walale in dalkaga aadka difaacdo cadawkasta oo soo weerara

  2. Shiinoow waa dadaashay, balse waxaad wax ku cabireyso waa qabyaalad, waana tii meeshaan nadhigtay marka gabaygaaga iyo xikmaddaada dab hakusii shidine bal inaad dabka ku damiso iskuday, waxaa kaloo wax lala yaaba ah in faroole yiraahdo reer koonfur halaga masaafuriyo geyiga puntland, asna waxaan leeyahay sidas dawo maahan ee dacar ayaad sii cabeysaa, caqligii qabyaalad gashana sidii shiine iyo faroole ayuu fooraraa ee waxaad is weydiisaa xamar dagaalka ka socda dadka hor boodaya iney reer puntland iyo reer somaliland yihiin habeena ma ku seexatay? Ina shangole iyo ina axmed godanaba anaga uma saarino puntland iyo somaliland mana dhahno puntland iyo somaliland ayaa nasoo weeraray, waxaanse layaab leheen iney dhulkodi ola noqdaan dagaalka ay kujiraan amaba ay ku fidiyaan sida hadaba puntland kasocota, ,marka farooloow waxba daween meyside boogta hasii dhimin. adna shiinow caqligaaga haku baro waxa qabyaalad tahay

    mahdsanid
    DR: BURHAN FARAH MAHAMED
    (DR:BEYLOOD)

  3. Shiinoow waa dadaashay, balse waxaad wax ku cabireyso waa qabyaalad, waana tii meeshaan nadhigtay marka gabaygaaga iyo xikmaddaada dab hakusii shidine bal inaad dabka ku damiso iskuday, waxaa kaloo wax lala yaaba ah in faroole yiraahdo reer koonfur halaga masaafuriyo geyiga puntland, asna waxaan leeyahay sidas dawo maahan ee dacar ayaad sii cabeysaa, caqligii qabyaalad gashana sidii shiine iyo faroole ayuu fooraraa ee waxaad is weydiisaa xamar dagaalka ka socda dadka hor boodaya iney reer puntland iyo reer somaliland yihiin habeena ma ku seexatay? Ina shangole iyo ina axmed godanaba anaga uma saarino puntland iyo somaliland mana dhahno puntland iyo somaliland ayaa nasoo weeraray, waxaanse layaab leheen iney dhulkodi ola noqdaan dagaalka ay kujiraan amaba ay ku fidiyaan sida hadaba puntland kasocota, ,marka farooloow waxba daween meyside boogta hasii dhimin. adna shiinow caqligaaga haku baro waxa qabyaalad tahay

  4. ASCW,Walaal ING Shiine waa gabay xalaal hadana run ah uuna tiriyey Muwaadin reer Puntland ah ama ladhehi karo waa shakhsi aragti dheer hadana aad ujecel reer Puntland kana damqanaya maleega loogu jiro in nabada taal laga daadiyo Puntland,sidaad aad sheegtay walaalshiine Reer puntland Isimadooda,Aqoonyahanadooda,waxgaradkooda,yeeli mayaan ín Madaxweyne DR Faroole uu arintaas Galgala u adeegsado qaab military insha alah,adigana mahad balaaran baan kaaga soo jeedin Dadnimadaada iyo jaceylka iyo tixgelinta walaalaha Puntland
    Mahadsanid
    DR Yusuf issa

  5. Puntlander says:

    Mr shiine gabyaa fiican baad tahay lakin waxa la rabay inaad wanaaga ka gabaydid oo aadan xumaanta garab is taagin mana fiicna inaad garabsiiso argagaxisada wadanka burburinaysa ee waxay ahayd inaad garab is taagto dadka mise waayahan xaalku waxa uu iska aha aan iska gabyo …

    wa maxay dhulka ad sheegaysa uu atam difaacayo mesha maamul ba k jira ma maaamulka buu k weyn yahay ? xaalada hadi ay sas tahay oo atam dhul uu sheegayano oo uusan kamid ahayn puntland boosaaso wa inay firaaqeeyaan warsengeli..