Home » Faallo »

Kalsoonida shicibka Puntland oo la soo celiyo ayaa nabad abuuri karta.


Hordhac

Guud ahaan geyiga puntland, gaar ahaana xarunta ganacsiga ee Boosaaso ayaa beryahaan dame hoy u noqotay amaandarada soo kordheysa ee ka jirta gobolada Puntland. Dilka dadka aan waxba galabsan, shaqaalaha dowlada iyo qarxinta goobaha dowlada ayaa waxaa ay noqotay mid maalin walba dhacda. Boosaaso waxaa ay ku sugan tahay marxaladii ay Muqdishu ku sugnayd afar sano ka hor. Waagaas oo muqdisho maalin walba dad indhaha soo xirtay ku dili jireen qof waxtar leh. Waxaana aad u adkaa in dadka dhibka geystey lasoo qabto. Haddaba suàalahaan soo socda ayaa u baahan in la gorfeeyo.

Xagee ayey siyaasada Puntland ka qaldan tahay? Sideese lagu sixi karaa?

Dhibta Puntland ka jirtaa ma mid meesha ka abuurantay baa ( homegrown) mise waa mid meel kale ka timid?

Maxaa la gudboon shicibka puntland, gaar ahaan dadka ku nool boosaaso?

Maxaa la gudboon salaadiinta Puntland?

Maxaa la gudboon dowlada Puntland?

Kalsoonidii shicibka miyaa dhuntay?

Balanqaadyadii ay dowlada Puntland ee hadda jirta iyo madaxweyneheeda, dr Faroole sameeyeen kolkii la doortay waxaa ugu horeeyey.

–          In ay dowladu xoojiso nabadgelyada Puntland, ayna abuurto nidaam iyo kala dameyn la isku halayn karo

–          In dhaqaalaha iyo horumarka gobolada Puntland kor loo soo qaado isla markaasna lala diriro musuqmaasuqa.

Dadka reer puntland oo ka daaley taya xumida maamuladii lasoo maray ayaa waxaa ay aad u soo dhoweeyeen dowladii faroole dhisay iyagoo ka filaayey iney balanqaadyadaas ka dhabbeyn doonto. Waxaa aad iyo aad u sareysey rajada ay qabeen dadka reer puntland dal iyo dibadba. Dowladuna si wanaagsan ayey ku bilowday shaqadeeda balse waxaad moodaa in beryahaan dame wax isbedeleen.

Dowladu qodobkii ugu muhiimsanaa balanqaadkeeda,  ee adkeynta nabada, saldhigna u ahaa wax walba ayey la ildaran tahay.Waxaa soo baxaaya kala fogaansho u dhexeysa shicibka iyo dowlada. Markasta oo kala durugsanaantaasi korodhona waxaa dhumeysa kalsoonida shicibku dowlada ku qabo.Kolka kalsoonidu yaraatona waxaa imaaneysa in shicibku gabo doorkii kaga aadanaa ilaalinta nabada iyo kala dameynta. Waxaa imaaneysa sidaan maantaba Boosaaso ku aragno oo ah in shicibku  wax walba ka sugo dhinaca dowlada. Qof kastaana yiraahdo dowladu waa iney waajibkeeda gudataa. Haddaba ma jirto dowlad guuleysan karta haddii aan shicibku taageerin.Kalsoonida uu dadku dowlada ku taageeraayona iskama timaado ee waa in dolwadu abuurtaa, oo dadka kasbataa. Waa in shicibku soo sheegaan kuwa nabadgelya xumida wada iyo kuwa la shaqeeya. Haddii kalsooniyi jirto ma dhacdeen in barqa cad inta la dilo qofkii la doono haddana aan wax raad ah la helin.Haddii kalsooni jirto shicibku iyagaa dowlad ah dalkoodana ilaashada. Balse waxaa muuqata in kalsoonida shicibka boosaaso ee xagga dowlada ahi sii yaraaneyso. Taasi waa mida dhalisay guuldarada qaybaha kala duwan ee amaanka. Waa fadeexad weyn in maalin walba la dilo dad, ciidanka amaankuna aaney helin ciddii dilka geysatey iyo wax raad ah haba yaraatee.

Waa maxay xalka lagu badbaadin karo puntland?

Haddaba ugu horeyn waa in dowladu ka shaqeysaa sidii ay usoo celin lahayd kalsoonidii shicibka guud ahaan Puntland gaar ahaana magaalada Boosaaso iyo gobolka bari.

1.Waa in madaxweynuhu ku baaqaa shir deg-deg ah ay ka qayb qaataan; caaqilada,nabadoonada,garaadyada, islaanada, ugaasyada,boqorada, suldaanada, iyo beeldaajiyayaasha.

Qaladka ugu weyn ee ay dowlada Faroole sameysay waxaa uu ahaa iyadoo aaney dowladu wax weyn oo xil ah iska saarin doorka ay isimadu ku leeyihiin siyaasada Puntland. Waxaa ay ila tahay in aan la dhayalsan karin kaalinta ay odayaasha dhaqanku ku leeyihiin puntland.

Shirkaas odayaasha dhaqanka la isugu yeero waa in lagu qabtaa magaalada boosaaso lana soo celiyaa iyadoo weliba lagu tixgelinaayo doorkii isimadu lahaayeen. Waa in shirkaas lagu lafa guraa sidii Puntland loo badbaadin lahaa. Haddii isfaham halkaas ka dhaco, isim walbaa waxaa uu la hadlayaa dadka uu isimka u yahay si puntland dagaal sokeeye looga badbaadiyo.

2.Dadka mucaaradka ku ah xukuumada Puntland ee ay ka mid yihiin siyaasiyiin hore oo caan ah iyo ganacsatoba waa in lala furaa wada hadal. Loona ogolaadaa iney furtaan xisbi mucaarad ah, walow uusan nidaamkii xisbiyada diyaar ahayn hadana in la isa sii diyaariyo waa wax wanaagsan. Odayga mucaaradka ku ah dowlada hadda jirtaana waxaa uu helaayaa fursad uu godka kaga soo baxo oo uu maalin cad wax dhaliili karo isagoo si cad u isticmaalaaya afkiisa, aqoonstiisa iyo dhaqaalihiisa. Waxaa meesha ka baxaysa mucaaradnimada habeenkii la wado ama la isticmaalo ilo kale oo aan feker dheer lahayn.Mucaaradnimadaas habeenkii ah qayb weyn ayey ka qaadataa amaandarida Puntland.

3.Waa in  maamulku joojiyo ciqaabta guud ee dadka aan ka soo jeedin Puntland ( the collective punishment of all people from south is unacceptable). Dadka wada nabadgelyo xumada waa in ciqaabta ay mudan yihiin la mariyaa meesha ay doonaanba haka soo jeedaane. Waa laga yaabaa in meelo kale taageero ka timaado balse dadka fuliya falalka nabadgelya xumida ah ee puntland ka dhacaa intooda badani waa reer puntland. Xalka meesha uu jiro halaga doono ee yaan meel kale wakhti lagu dhumin.

4. Dagaal lagu qaado meelo puntland ka mid ah iyadoo aan cuqaasha iyo salaadiinta iyo shicibka puntland laga haysan kalsooni waxaa ay dhalin doontaa bur-bur iyo kooxo kala duwan oo puntland ka dilaaca. Waxaan arkaa saan-saan la mid ah arimihii dhaliyey dagaalkii ka dhacay garoonka Boosaaso oo c/lahi yusuf looga soo horjeedey. Qaladkii waagaas dhacay yuu dhicin. Maskaxda iyo fikirka saliimka ahi ha shaqeeyo. Ha la isdhegeysto, maamul, dowlad iyo shiciba si wadajir xal loogu helo arimaha murugsan ee Puntland.

Mahadsanidin

C/risaq Maxamed Xuseen

Master degree in economics

Eskilstuna, Sweden

habdirisak@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Kalsoonida shicibka Puntland oo la soo celiyo ayaa nabad abuuri karta. "

  1. Layaabe says:

    Xasiliye– maxaad soo kordhisay, raac dulucda hadalka oo ha u fiirsan qaab qoraalka- , mid weyn iyo mid yar
    Waxaanan u malaynayaa in ay jirto ujeedo aad uga soo horjeedo qoraalka iyo fikirka uu xambarsan yahay, markaana aad darajada qoraaga aad shqo ka dhigatay, iyadoo lagaba yaabo xitaa inaadan shahaado sidan, balse tahay mid kamida doqomada internetka

  2. Xasiliye says:

    Salaam
    Walaalle Cabdirsaaq ee haysta Master Degree in Economics, cinwaan wanaagsan oo culus ayaad qoraalkaaga u dooratay, waxaadna soo jeedisay talooyin macquul noqon kara oo ugu wayn tahay inaan la dhayalsan duqayda gobolkaa.

    Laakin walaalle, qoraalka waxaa quruxda kadilaya oo milix la’aan kadhigaya hanaanka uu uqoran yahay oo aan qaab academic ahayn, tusaale ahaan afka hooyo mar hadii magac qof ama magaalo la qorayo waa inuu xaraf wayn ka bilowdaa, mar waxaad qoraysaa dr faroole, marna Faroole, mar waxaad qoraysaa puntland, marna Puntland, mar boosaaso, marna Boosaaso. Wax wayn maaha, markii si loo eego ama lagu fiirsho muraayado qof aan jaamici ahayn, laakin si jaamicayaysan markii loo fiirsho ama qof u bartay qoraalo habaysan inuu akhriyo, wuxuu uga tagayaa falaadka faraha badan ee kujira.

    Marka walaale ama bahalka isku soo toostoosi intaadan publish garayn, ama hoos haku qoran inaad wadato Master Degree in Economics.

    Side kale mahadsanid